War bixin ku saabsan kulankii labada Isin ee Beesha YD Awrtable

Wednesday May 13, 2009 - 20:38:27
0 Comments
5720
Super Admin
Kulankii ugu horeeyey ee dhex maray labada Isin ee Beesha YD ayaa ka dhacay Dagmada Burtinle Gaar ahaan Qasriga Ugaas Cumar Gelle Maxamed Kaneec

Labada Isin ayaa isa soo hor fariisan tan iyo markii La doortay Suldaan Maxamed Axmed Cabdille,  kulanka Ugaaska iyo suldaanka ayaa ka dambeeyey kadib markii ay soo ban dhigeen beeshu xaalada jirta iyo kala maqnaanta cida ayaga oo beeshu ay kala qabtay xaalado kala tagsanaan ahaa. labada isin ayaa waxaa aysan kulmin muddo, Hase ahaatee ka dib  kulamo badan oo ay yeesheen Nabadoonada, Samadoonada, Cuqaasha Waxgaradka waxaa lagu guulaystay in ay isa soo hor fariistaan Labada Isin ee kala Ugaas Cumar Geelle Maxamed Iyo Suladaan Maxamed Axmed Cabdlle. Waxayna taas sababatay in ay beeshu kuwada Faraxday.

 

kulankii labada masuul ee ugu sareeya  beesha ayaa halkaas waxaa ka dhacay  Raali galin iyo is cafis uu dalbay Suldaan Maxamed Axmed Cabdille asaga oo ka jawabay waxyaabo badan oo ahaa khilafaad waxaana halkaas cimamad iyo xaalmarin  la gudoonsiiyey  Ugaas Cumar Gelle.

 

Suldaan ka oo halkaas ka hadalay ayaa waxaa hadaladiisii kamid ahaa “ Aniga oo ah Maxamed Axmed Cabdille waxaan cadaynayaa in laga bilaabo manta aan  si toos ah ula shaqayn doono  Ugaaska, aniga oo kala shaqaynaya dhamaan arimaha ay beeshu nooga baahantahay. waxaana aan ka codsanayaa dhamaan Nabadonada Samadonada Odayasha iyo Dhalin yarada In la is cafiyo lana soo afjaro Khilaafkii soo jiitamayey mudada ee u dhexeeyey Beesha ”

 

Kadib hadalka suldaanka waxaa halkaas ka Ka sacaba tumay Dhamaan Bulshadii halkaas fadhiday, waxaana hadalka qaatay Ugaas Cumar,  waxaana uu sheegay in uu yahay manta laga bilaabo Suldaan Maxamed Axmed Cabdille Suldaan awrtable uuna la shaqeyn doono. Ugaas Cumar ayaa hadaladisii waxaa ka  mid ahaa “ manta laga bilaabo waxaan halkaan ka xaqiijinayaa Suldaan Maxamed Axmed Cabdille in uu yahay Suldaan YD" Ugaaska ayaa dhamaan beesha ka codsaday  kuna booriyey  in la Taageero oo lala shaqeeyo Suldaan Mahamed Ahmed Cabdule. Ugaska ayaa sheegay in ay asaga iyo beesha YD ay soo mareen xaalado kala Duwan asaga oo carabaabay Xaalado ay ka  mid yihiin Dhismihii maamul goboleedka Puntland iyo Xaalado badan oo uu sheegay in aysan beeshu marna isku raacsnayn,  hase ahaatee in hada laga bilaabo Suldaanka iyo Ugaas ku si wada jir ah uga shaqayn doonaan arimaha beesha ayna soo wada celin doonaan Midnimada, iyo wada shaqayntii beesha.

 

Waxaa  markii u Ugaasku hadalka ka baxay sacab iyo waliba farxad ka muujiyey dhamaan marti sharfkii kasoo qayb galay kulankaas ayaga oo soo dhaweyenayey  Hadalada Ugaaska iyo Suldaanka. Waxaa hadalada halkaas ka sii waday Nabadonada,  waxayna halkaas ka soo jeediyey amaan isla markaana u mahad celiyeen Ugaaska iyo Suldaanka. Nabadoonada ayaa halkaas ka sheegay in uu soo afjarmay khilaafyadii  iyo dhamaan xaaladihii guracnaa ee laso maray lagana gudbay ayaga oo ay beeshu dhamaan isku racday in laga noqdo xalay dhalay (La ilaawo layskana  cafiyo)

 

Waxaa sidoo kale Madasha shirka Lagu akhriyey warqad ay isku raacsan yihiin Beeshu oo ka hadlaya habka ay u dhaqmayso beesha iyo qodobada ay ku dhaqmayaan, waxaana halkaas ka akhriyey qodobada Mudane C/qadir Maxamed Yuusuf ayaga oo qodobadu u qaybsanaayeen laba qaybood oo kala ahaa 4 qodob oo la isla soo bandhigay in ay yihiin mid dal iyo dibaba la gaarsinayo iyo 8 qodob oo ka soo baxay shir waynihii beeshuku yeelatay  Deegaanka Xaarxaar Bishii hore daba yaaqdeedii.

 

Sideeda qodob oo loo qabtay Guddi  soo kala qaadadhiga kana soo dhiga sharci ku qotoma shareecada Islamaka ayaa waxay guddigu kusoo gudbiyeen shir ay yeesheen gudiga farsamada isla markaana  uu ansixiyey  Ugaas Cumar loo gudbiyey Suldaanka ayaga oo ay isla markaasna sii wada jir ah u saxiixeen. Nabadoonda   ayaa  halkaas kasheegay in ay samayn doonaan gudiyo ka shaqayn dooa xaaladaha kala duwan ee ay beeshu ku sugan tahay.

 

Waxaa madasha shirka sidoo kale Joogay Ergo ka kala socotay Dalka iyo Dibada oo uu ka mid yahay ergay ka socday Wadamada Reer Galbeedka gaar ahaan USA oo Lagu magacaabo Mudane Maxamed Maxamuud Cawiif oo la filayo in uu gaarsiin doono  dhamaan Jaaliyada ku nool wadanka dibadiisa heshiiska iyo qodobada kazoo baxay isku imaadka Ugaas Cumar Geele iyo Suldaan Mahamed Ahmed Cadule.

 

Balanqaad

 

Waxan u balan qaadaynaa dhamaan Bulshada Doonaysa in ay dalacato in aan u soo bandhigi doono bayaanadii la saxiixay ee kala ahaan labada qaybood ee ay saxiixeen Ugaaska, Suladaanka iyo Nabadonada muddo dhow sida maalinta Sabtida Iyo axada Midkood Hadii Allah ogolaado.

 

Eragada Kaga Soo Qaybgashay Safarka

  1. Maxamed  Maxamuud Cawiif                                San Deigo,USA
  2. C/salaan geelle Maxmaed                                        Bari Boosaaso
  3. Siciid Ahmed Oday                                                Xildhiban DFKM
  4. Cali Nuur Cali                                                          Mudug Galkacyo
  5. Muhannad Xaad Geelle                                            Xaarxaar Online
  6. Bashiir Saabuun                                                       Deegaanka Xaarxaar

 

Daawo Sawirad Ugaaska iyo Suldaanka.

 

 

Middig Sudaan Maxamed Axmed Cabdille Biddix Ugaas Cumar Geelle Maxamed

Isimada oo dhagaysanaya khudbadaha ay soo jeedinayaa Nabadonada iyo Bulshada kale ee Madasha

Saxiixii bayaanada oo la hor keenay Ugaaska Iyo Suldaanka oo uu hor saxiixay Ugaasku Hadana uu

saxiixayayo Suldaanku kadibna Loo wareejin doono Nabadonada Samadoonada Iyo Odayasha kale

Middig Nabadoon Cali Geelle Maxamed   Biddix Gudoomiyaha Deegaanka Xaarxaar Bashiir Sabuun  

Muhannad Xaad Geelle Tafatiraha Xaarxaar Online Dagmada Burtinle Iyo nawaaxigeeda Iyo gaariyaashii Isimada Beesha oo Yaal Banaanka Qasriga Ugaaska Beesha YD Ugaas Cumar Geelle Maxamed .....................

 

Waxaa ka cudur daaranaynaa muqaalka sawirada oo yara liita 
 

                                                        

Muhannad Xaad Geelle                                                                      

Xaarxaar Online Burtinle                                                                 

Mxaad@xaarxaar.com

Puntland@hotmail.co.uk

+25290754555 Online

 

Related Items


Leave a comment