Xisbi Siyaasadeedkii ugu horeeyey ee ay yeelato Puntlland oo Lagaga dhawaaqay magaalada London

Sunday December 12, 2010 - 01:33:15
0 Comments
1802
Super Admin

XISBI SIYAASADEEDKII UGU HOREEYEY EE AY YEELATO MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO LAGAGA DHAWAAQAY MAGAALADA LONDON

Ka qayb qaado, nagala qaybqaado horumarka Puntland

Waxaa maanta oo jimce ah, bishuna tahay 10/12/2010, magaaladaLondonee carriga ingiriiska lagaga dhawaaqey xisbi cusub oo siyaasadeed oo ka hirgeli doona gobolada maamulka puntland, xisbigaan oo lagu magacaabo;

Xisbiga Nabadda ,Caddaalada iyo Horumarka ee Puntland (GARSOOR),kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey ee ka howlgeli doona deegaamadaas.

Shirkaan oo looga hadlayey sidii nidaamka xisbiyada badan uga hirgeli lahaayeen dowlad goboleedka Puntland, ayaa waxaa soo qabanqaabiyey,qaar ka mid ah waxgaradka reer Puntland ee ku dhaqan magaaladaLondon,shirkaas oo ay ka soo qatbgaleen dad waayo arag ah iyo kuwa aqoon yahamiin ah ayaa waxaa la isla meel dhigay arrimaah hoos ku xusan

  • In la qabto shir weyn oo loo soo bandhigayo dhammaan reer Puntland, si looga faa’iidaysto dadka doonaya horumarka Puntland.
  • In shirkaas uusan ka dambayn bisha Janaayo ee sanadka 2011-ka
  • In Mudane AhmedYusufMadoobe, loo magacaabo isku duwaha ku meel gaarka ah inta la laga gaarayo shirka bisha soo socota (Coordinator)
  • In intaan shir weynaha la gaarin la soo diyaariyo sharcigii xisbiga, maabaadi’da uu xisbigu ka duulayo
  • In shirweynaha soo socda lagu dhiso hanaankii xisbiga (structure)
  • In Nidaamka axsaabta badan uusan ka soo horjeedin jiritaanka Puntland ee uu yahay mid xoojinaya jiritaankeeda
  • In sida ugu dhakhsaha badan xafiisyo looga furo magaalooyinka waaweyn ee Puntland
  • In xisbigaan cusubi u furan yahay muwaadin kasta oo reer Puntland ah
  • In magaca xisbiga loo soo gaabiyo“Garsoor

Guud ahaan waxaa la is tusay in waqtigaani yahay waqtiga ugu habboon, sidoo kale waxaa la bidhaamiyay in la gaarey waqtigii ay Puntland ka gudbi lahayd habka waxqybsiga maamul ee ku saleeysan beelaha, iyadoo lagaga soo gudbay waqtiyo adag iyo marxalado kala duwan oo ay Puntland soo martay, balse uu hakad galay horumarkii ay higsanaysay bulsho weeynta reer Puntland, haddana ay tahay xilligii aan u gudbi lahayn nidaam axsaabta badan ku saleeysan si umaddu u higsato cadaalad,midnimo,iyo horumar, sidoo waxaa la xusay in dastuurka Puntland ogolaanayo habka xisbiyada badan sida ku cad dastuurka Puntland qodobkiisa 45aad, faqradiisa 1aad:“Dowladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada badan”

Sidoo kale isla qadobkaas 45aad, faqradiisa 2aad, waxaa ku xusan:“Tartanka doorashadu waa u furan yahay dhammaan ururada buuxiya shuruudaha looga baahanyahay.

Si kastaba ha ahaatee ku dhawaaqidda xisbigaan cusub ayaa imaanaya xilli ama waqti ay dowladda Puntland iyo baarlamaakooduba cod buuxa ku oggolaadeen xeerka doorashooyinka xisbiyada dowlad goboleedka Puntland,lana sugayo sidoo kale ku dhawaaqidda gudigga doorashooyinka oo ka koobnaan doona sagaal 9 xubnood oo 5-ka mid ahi madaxweynuhu soo magacaabi doono,afar 4-ta kalana ay soo magacaabi doonaan golaha wakiilada oo ah baarlamaanka.


Wixii faahfaahin ah naga la soo xiriira

pgarsoor@yahoo.com

Mobile: 07957450331 Gudaha waddanka Ingiriiska

Tel: 0207-3882318 Gudaha waddanka Ingiriiska

Ama +44 7957450331 Dibadda waddanka Ingiriiska

+44 207-3882318 Dibadda waddanka Ingiriiska

Ka qayb qaado, nagala qaybqaado horumarka Puntland

Related Items


Leave a comment