Somalia: Abaaro xoogan oo laga soo sheegayo inta badan Gobolada Somalia

Saturday December 18, 2010 - 16:53:03
0 Comments
2619
Super Admin
Abaaro xoogan oo laga soo sheegayo inta badan Gobolada Somalia kuwaas oo saameeyey dhamaan xoola dhaqatada miyiga iyo xoolohoodiiba

Deegaanada laga soo sheegayo abaaraha kulul ayaa waxaa ka mid ah gobolada Sool, Sanaag, Mudug, Galguduud, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo gobola kale oo ku yaal koonfur galbeed Soomaaliya, deegaanadaasi oo abaaraha ku dhiftey ay sababeen biyo la’aan iyo daaqsinkii oo baaba’ay.

Reer guuraaga degan deegaanada hoostaga gobolada aan kor ku soo sheegnay ayaa qaarkood waxaa ay baaqyo cabasho ah u dirsadeen hay’adaha gargaarka bini’aadanimo bixiya, iyo sidoo kale walaalahooda Muslimiinta ah, maadaama deegaanada qaarkood sida kuwa hoostaga gobolka Shabeelaha dhexe laga soo sheegayo in ay dad ugu geeriyoodeen abaaro halkaasi ka jira.

Dhinaca kale xafiiska Ra’isulwasaaraha Dawladda FKMG Soomaaliya warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa waxaa ku qeexnaa in abaaro xoogan ay ka jiraan gobolada dalka Soomaaliya intooda badan, waxaana warsaxaafadeedkaasi uu baaq u dirayey hay’adaha samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraan dhamaan deegaanada ay ka jirto abaartu.

Related Items


Leave a comment