Garowe: Ciyaarta Gobolada Somalia oo maraysa 8 Kooxood ee ugu dambeyey

Sunday December 26, 2010 - 09:48:31
0 Comments
2490
Super Admin
Ciyaaraha kubada Cagta 18aad ee Gobolada somalia ee ka socda Xarunta maamulka Puntland ayaa soo gaaray Qaybihii dambe ayada oo hada ay isu soo hareen 8 kooxood ee u dambeyey kuwaas oo 4 ka mid ah ay galabta isku arki doonaan Garoonka kubada Cagta Mire Awaare Jaamac ee magalada Garowe ee lagu Martiqaaday Kooxaha Gobolada somalia ayada oo ay ciyaarta Daawanayaan masuuliyiin isugu jirta kuwa maamulka Puntland iyo Xiriirka Kubada Cagta Somaliyed.
Kooxaha isugu Soo Haray Quatra Finalka ayaa kala ah Gobolada Mudug, Bari, Banaadir, Hiiraan, Bay, Nugaal, Shabele Dhexe iyo Juba Dhexe , ayaga loo qaybiyey laba laba kooxood oo la isguna aadiyey sida

Group 1 Waqtiga Saacada

Nugaal VS Mudug Galabta 2:00 Duhurnimo

Banaadir VS Hiiraan Galabta 4:00 Galabnimo

Groupka Koowaad waxaa uu ciyaarayaa galabta

Group 2 Waqtiga Saacada

Bari Vs Bay Bari 2:00 Duhurnimo

Shabele Dhxe VS Juba Dhexe Bari 4:00 Galabnimo

Waxaa laga rabaa in 4 kooxood oo kasta ay ka soo baxdu labo kooxood

Mohamoud Abdi





Related Items


Leave a comment