BTS: War Dag Dag ah "Dagmada Burtinle"

Wednesday December 29, 2010 - 20:10:57
0 Comments
1110
Super Admin
Burtinle: Dagmada Burtinle oo Heshay Gaari nooca "Gargaarka Deg deg ah " Umbulance iyo dhaqaatiir ku soo food leh dagmada
Wararka Naga soo Gaaraya Dagmada Burtinle ayaa sheegaya in wasaarada Caafimadka Puntland ay Gaari ugu Deeqday Dagmada Burtinle ee Gobolka Nugaal .

Gaarigaas oo ah nooca logula tacaalo bukaanada si loo gaarsiiyo goobaha Caafimadka, Gaarigaan oo ah Magaciisu Ambulance ka ayaa waxaa uu imaanayaa Ka Dib markii mudooyinkii dambe Dagmada burtinle ku Tilaabsatay hormar dhanka hormarinta bulshada ah .

Sido kale wararka aan ka helayno aya sheegaya in dhawaan dagmada ay imaan doonaan labo dhakhtar oo Masaari ah kuwaas oo kala qaabilsan Madaxa iyo Dumarka dhaqaatiirta oo ka howl gali doonta dagmada ayaa sida ay noo xaqiijiyen qaar ka mid ah Madaxda Dagmada la sheegay in hada la wado is diiwan galinta dadka u baahan dhaqaatiirta oo mudo 5 bari ah ka dib la filayo in ay gaaran Dagmada Burinle.

Sawiro iyo warbixino dhamaystiran kala soco BTS online " Sawiro ku saabsan ayaan idin so gudbindona dakhaatiirta iyo Deeqda wasaarada Caafimadka "

Muhannad Xaad Geelle
Director BTS Online

Related Items


Leave a comment