BTS: Kenya iyo Ethoipia ayaa ka wada hadalay Xaalada Dalka somalia

Monday January 03, 2011 - 17:02:04
0 Comments
1191
Super Admin
Dowladaha Kenya iyo Ethopia ayaa ka wada hadlay Xaalada Amaan ee wadanka somaliya sido kalana wadanka Eritrea u diray Baaq.

Safiirka dowladda Kenya u fadhiya dalka Ethiopia Haweenayda lagu magacaabo Dr. Monica K. Juma, ayaa waxaa ay kulan looga hadlayay arimaha amaanka iyo soo celinta nabada Soomaaliya la qaadatay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka dalkaas.

Dr. Monica K. Juma ayaa waxaa ay sheegtay in xaaladda dhinaca amaanka ee dalka Soomaaliya ay tahay mid aad qatar u ah islamarkaana mudooyinkii u dambeeyay ay isa soo tarayeen dhibaatooyinka dagaalada oo ay wadaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay Haweenaydaan in labada wadan ee Kenya iyo Ethiopia ay si hoose uga wada shaqaynayaan amaanka gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo ay tilmaamtay inay tahay mid halis ku ah gobolka intiisa kale, hadii aan laga hortagin qatarta iyo dagaalada markasta ay wadaan kooxaha ka dagalama gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, si loo baajiyo dagaalada aan dhamaadka lahayn ee kajira Soomaaliya, waana mid xil uu kasaaran yahay dhamaan wadamada Afrika, Kenya iyo Ethiopia-na waxaa ay diirada saari doonaan ka hortaga qatarta ka jirta gudaha Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa shacabka Soomaaliyeed ee intoo badan isaga cararay wadanka” ayay tiri Dr. Monica K. Juma.

Dhinaca Dr. Monica waxaa ay baaq u jeedisay dowladda Eritrea inay ka shaqayso hanaanka iyo geedi socodka nadaba ee Soomaaliya, iyadoo uu jeedisay in Eritrea ay ka fogaato kala taageeridda dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya iyo ka qayb qashada dagaalada ka holcaya gudaha Muqdisho.

Ayada oo wadanka kenya xiray dhawaan dalka uu la wadaago somalia ayaa waxaa u taas ku sheegay in wadanka kenya ay ka soo gudbaan dad fidmo ka dhexwada dalka somalia iyo kuwo kale oo kenya u soo talaaba lagana cabsi qabo inay kenya dhexdeeda dhib ka gaystan.

Related Items


Leave a comment