BTS: Somaliland oo beenisay in ay wax xiriir ah la lee dahay AL-shabaab

Tuesday January 04, 2011 - 11:01:03
0 Comments
1070
Super Admin
Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa sheegay in hadal dhawaan ka soo yeeray Puntland uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn aysana jirin wax xiriir ah oo ay lee yihiin Somaliland iyo Xarakada ka dagaalanta Koonfurta Somaliya ee Alshabab.

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Max’ed Cabdullaahi Cumar oo la hadlayay Wakaalada Wararka Reuters ayaa waxaa uu sheegay in walaaca Puntland ee ku aadan in Al Shabaab iyo Somaliland uu xariir ka dhaxeeyo uu yahay mid aan sal iyo raad toonalaheyn.

Max’ed Cabduulaahi ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso in ay meel uga dhacdo sharafta Somaliland, isagoo tilmaamay in hadalkaasi ka soo yeeray Maamulka Puntland uu ku doonayo in uu ku qariyo diyaarinta tababarka iyo hubeynta ciidamadooda oo ay gacan ka geysanayaan shirkado ajaanib ah.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay in tababarada iyo hubeynta ciidamada Puntland ujeedkoodu uu yahay in ay qal qal ku galiyaan amaanka, degnaashiyaha iyo dimuquraadiyadda ka jirta Somaliland.

Hadalkaasi ka soo yeeray Wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa imaanaya maalin uun kadib markii Puntland ay shaaca ka qaaday inay aad uga walaacsantahay xariir ay sheegtay in uu ka dhaxeeyo Somaliland iyo Al Shabaab.

Sidoo kale Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay magangalyo siiso firxadkii maleeshiyaadkii Sheekh Max’ed Saciid Atam oo dhawaan looga adkaaday dagaaladii ka dhacay buuraleyda deegaanka Galgala ee gobolak Bari kaas oo ilaaha aan la ogayn halka sida rasmiga ah uu ugu sugan yahay.

Waxaa soo badanaya hadalada ay isku adeegsanaya Maamulada somaliland iyo Puntland xagasaxaafada ayada oo maamul kasta saxaafada ku weerarayo maamulka kale.


Related Items


Leave a comment