Nairobi: Gudomiyaha Baarlamanka Somalia oo booqday Dismaha Safaarada Somalida Kenya

Friday January 07, 2011 - 10:03:13
0 Comments
1163
Super Admin
Gudoomiyaha Baarlamanka somaliya shariif Xassa Shiikh Aadan ayaa booqday Dhismaha Safaradi somalida ee kenya asaga oo halkaan kula kulmay Safiirka iyo Qunsulka somalida, Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey in cid kasta oo gacan ka gaystay soo celinta safaarada somalida asaga oo magacabay Safiirka iyo qunsulka .

Dhismaha oo uu burbur fara badan ka muuqday ayuu gudoomiyuhu ku tilmaamay mid muhiim u ah dowladda Soomaaliya xilligaan, waxa uuna ballan qaaday in ay dowladdu ku dadaali doonto sidii loo dayactiri lahaa, oo dib loogu soo celin lahaa bilicdii uu lahaa.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay in ay awoodi karaan dhismaha dhulka Safaaradda, dadkii awooday in ay dib u soo celiyaan.

“waxaan ku kalsoonahay in dadkii soo celiyay ay hadana awoodaan in ay dhisaan “ ayuu yiri gudoomiye Shariif.

Howl wadeenada Safaaradda ayaa markii ay Safaaradu gacantooda soo gashay waxa ay billaabeen dadaallo ay dib ugu dhisayaan guriga oo aan wax dayactir ah helin mudo ka badan 15 sano.

Ayada oo aysanba ku jirin gacanta Somalida safaaradu hadana hada waxaa la qorshayn in ay hesho dayactir iyo dib u habayn sida uu ku booriyey Gudoomiyo somalida ku nool wadanka kenya ee wax haysta in ay wax wanagsan tahay dib u helida safaradooda hada ay isku howlaan sidii ay u dayac tiri lahayen.

Ahmed Shiikh Xassan

BTS Online

Related Items


Leave a comment