Warbixin Jaamacada bariga Africa iyo Ururka ESU ee Bosaaso

Wednesday January 19, 2011 - 19:48:36
0 Comments
1933
Super Admin

War bixintaan waxaa ku eegaynaa Jaamacada Bariga Africa (East Africa University) iyo Ururka Jaamacada Bariga Africa ee ESU (EAU STUDENT UNION) Magalada boosaaso "Warbixinta waxaa diyaariyey Ururka ESU
Ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya 1991-kii, waxaa aad u burburay hoosna u dhacay adeegyada bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka; waxaa gaar ahaan muddo booska ka baxay Xarumihii Tacliinta Sare sida Jaamacaadka iyo Machadyada Cilmiga. 1999-kii ayaa Jaamacadda Bariga Afrika waxay noqotay Jaamacaddii ugu horeysay ee laga asaaso deegaanada Puntland inta taariikhda lagu hayo, waxaana Jaamacadda lagu bilaabay labo kulliyadood oo kala ahaa:- Kulliyadda Maamulka & Maareyntaiyo Kulliyada Shareecada & Daraasaadka Islaamiga ah. Waxaa muddo ka dib Jaamacadda lagu soo kordhiyey Kulliyadaha kala ah: Kulliyadda Kombiyuutar Saynis-ka (2003), Kulliyadda Waxbarashada (2005), Kulliyadda Caafimaadka (2009) iyo Kulliyadda Dhaqaalaha (2010).

Ardeyda Jaamacadda ayaa wakhti walba waxay isku kaashan jireen kuna midoobi jireen Koox-Ardayeed u shaqeysa danaha ardeyda hoosna tagta Jaamacadda, hase ahaate waxaa iyadoo habacsanaan ay ku jirto ururadii ardeyda ee Jaamacadda ayaa 20-kii October 2010 ESU Group(East Africa University Students’ Union) laga asaasay Aaladda Isku-xirka Bulshada ee Facebook oo ay asaaskii laheyd Amaal Muuse, ardeyad ka baxayday Jaamacadda qeybta Maamulka iyo Maareynta; waxay arrintan dhalisay in dhamaan ardeyda Jaamacadda dhigata, kuwa dhameeyay iyo kuwa aysan u suurta galin in ay dhameystaanba ku soo biireen groupka.

Xubnaha ka tirsan groupka ayaa 12-kii November 2010 waxay markii ugu horeysay ku kulmeen kullan waji ka waji ah dhismaha JBA ay ku leedahay magaaladda ee Machadka FTMS-ka iyo Kombiyuutar Sayniska, waxaana kullankaas oo ay ka soo qeyb galeen ku dhowaad 50 ardey lagu doortay Gollaha Fullinta ee ESU oo ka kooban:-

Guddoomiye (Amaal Muuse)

G/ku xigeen (C/laahi Bootaan)

Xoghaye (Axmed Geesood)

Afhayeen ( C/laahi Biixi)

Wakiilka Jaamacadda (Faadumo Cusmaan)

M. Cilmi-Baarista iyo Horumarinta (Xamdi Sujuur)

M. Xiriirka Caalamiga iyo Ardeyda Alumniga (Eng. Faysal Nayruus)

Wixii ka dambeeyay kullankii koowaad waxaa hawsha Midowga Ardeyda ee Jaamacadda Bariga Afrika si talantaali ah u waday 7 xubnood ee Gollaha Fullinta iyagoo usbuuc walba kulma maalinka Jimcaha. Waxaa ESU uu soo dhisay Guddi Hoosaadyo kala ah:-

Guddiga Farsamada (3 xubnood) — Guddiga ayaa fulliya hawlaha iyo barnaamijyada taagan ee ururku ka wado Jaamacadda gudaheeda iyo hawlaha ka baxsan Jaamacaddaba.

Guddiga Wakiiladda Kulliyada (6 xubnood) — Guddiga ayaa waxaa xubin kasta oo ka tirsani ay u taagan tahay Kulliyadda ay ka soo jeedo, iyadoo maamusha dhamaan mataleyaasha Class-yada Kulliyadu ka kooban tahay.

Guddiga Wakiilada Wadamada (9 xubnood) — Guddigan ayaa ka kooban ardey Soomaaliyeed oo wax ka barata Jaamacaddo ka baxsan wadanka, waxaa wadan walba oo aan ka heli karno xubin ka soo qaadanay xubin ESU weydaarasata xaaladaha ardeyda Soomaaliyeed iyo warbixino guud oo ka dhaxeeya ardeyda Soomaaliyeed. India, Pakistan, Maleysia, Uganda, Austria, USA, Egypt, Kenya, Sudan iyo S/Land ayaa ah wadamada ilaa iyo hadda uu ESU ku leeyahay wakiilo.

ESU wuxuu aqoonsi ka helay Jaamacadda waxaana uu si rasmi ah u matelaa ardeyda Jaamacadda, waxaase waxqabadka u horeeya ee ESU la rajeynayaa in uu soo shaac baxo bilowga semesterka cusub ee Febraury 2011.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee ESU loo asaasayna waxaa ka mid ah:-

1.In uu isku keeno mideeyana ardada kabaxday Jaamacadda Bariga Afrika ee kala jooga aduunka oo dhan. Isla markaasna la sameeyo barnaamij Ardeyda Alumnigu ugu xirmaan kuwa Jaamacadd Bariga Afrika immika wada.

2.In uu ardeyda Jaamacadda ka caawiyo xallinta dhibaatooyinka heysta.

3.In uu noqda codka ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika.

4.In mustaqbalka ESU ka qeyb qaato sameeyo urur ay ku midaysanyihiin aqoonyahanada jaamacaddaha soomaliya oo wax kaqabta dhibaatooyinka dalka.

5.In ardada cusub ee jaamacaddaha kala duwan galaysa ee aan Iaamacaddaha fikaradda ka haysan laga siiyo war bixin iyo latalin.

6.In uu sameeyo barnaamijyo ah dhiiri galinta wax barashada iyo la dagaalanka aqoon la’aanta ee kajira dalka.

7.In uu baaritaan cilmiyeedd ku sameeyo dhibaatooyinka kjira dalka sida waxbarashada, dhaqaalaha, caafimadka, hormarka IWM.

8.Inuu qabto dood cilmiyeedyo udhexaysa ardayda iyo aqoonyahanada dalka loogana doodo arrimaha taagan si loosii xoojiyo iskuxirka ardayda iyo aqoonyahanada.

Waxaa ururku mar walba soo dhoweynayaa fikirka ardeyda, talooyinka aqoonyahanada iyo wax garadka, caawimaad shirkaddaha iyo hay’adaha daneeya arrimaha waxbarashada, iyo cid walba oo daneeya arrimaha ardeydaba.

Eng. Faisal Omar —Nieruz

Madaxa Xiriirka Caalamiga iyo Ardeyda Alumniga.

Related Items


Leave a comment