BTS: Shiikh Aways ayaa ugu baaqay dadka Abaaraysan in ay ka kaaftoomaan hay'adaha Samafalka

Friday January 21, 2011 - 20:09:51
0 Comments
1072
Super Admin
Shiikh Xasan Daahir Aways ayaa ugu baaqay dadka somaliyeed ee abaaruhu saameeyeen in ay ka kaaftoomaan sugida hayadaha asaga oo ku tilmamay kuwo aan wax u qabanayn dhib iyo lugooyo ma ahane .

Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo maanta la hadlayay wabaahinta ayaa sheegay in Shabaab aysan marna u fasaxi doonin Hay’adaha samafalka in ay gar gaarsiiyaan goobaaha ay ka taliyaan Shabaab.

Sheekh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in Hay’adaha gar gaarka ay doonayaan in loo ogaalaado in raashiinka yarka ah ay bixinayaan Hay’adahaasi ay ku gumaystaan dadka rayidka ah ee abaaruhu ay ku saameeyeen gobolada ka mid ah dalka Soomaaliya.

Sidaoo kale Xasan Daahir ayaa sheegay in waxa ay samaynayaan Hay’adaha samafalka ay yihiin is tus tus, wuxuuna ugu baaqay dadka abaaraha la daalaadhacaya inay ka kaaftoomaan raashinka ay bixinayaan Hay’adaha Samafalka.

Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa soo hadlqaaday abaarihii ka dhacay dalka Soomaailya sanadiihii 1991-dii ila iyo 1992-da taasi oo uu sheegay in wax laga dhaxlay ay aheeyd dhibaatooyin ay gaysteen Hay’adaha Samafalka oo xiligiaasi gar gaark bixin jiray, isagoo ku tilmaamay in Hay’adahaana hadii Al Shabab ay u fasaxaan goobaha ay ka taliyaan dhibaatooyin kuwaasi la mid ah ay ka gaysan doonaan.

Ugu dambeyn Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxaa uu ugu baaqay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed in ay is gar gaaraan islamarkaana midba midka kale uu ka uu taakuleeyo si looga samato baxo abaaraha baahsan ee ka jira gobolada ugu badan dalka Soomaaliya.

Axmed Saacid Ali

BTS Mogdisho Somalia

Related Items


Leave a comment