BTS: Shiikh Aways oo marakibta shisheeye ee xeebaha somalia joga ku sheegay ilaalo shabaab

Saturday January 22, 2011 - 10:46:42
0 Comments
1427
Super Admin
Hogamiyihii Xizbigii Shabab ku biiray ee xizbul islan Shiikh xassan daahir aways ayaa ku tilmamay maraakiibta shisheeye ee xeebaha somaliya jooga in ay shabab ka waardiyeynayaan somaliya ee aysan burcad dantodu ahayn.
Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxaa uu sheegay in Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay doonayn inay ilaaliyaan burcad badeeda Soomalida hase ahaatee ay doonayaan oo kaliya in guud ahaan dalka Soomaaiya ay ka ilaaliyaan inay Maamulaan Xarakad Al Shabaab.

Hogaamiyhii Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxaa uu tilmaamay in Maraakiibta shisheeye ay dhibaatooyin ku hayaan Kaluumaysatada Soomaaliyeed ee ka jalaabta xeebaha Soomaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in Maraakiibtaasi aysan doonayn inay ka ilaaliyaan burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.

Xasan Daahir Aways oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu tibaaxay in Maraakiibtaasi shisheeye ay gurtaan qeyraatdka badda Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in lacago aad u farabadan ay kalunsadaan xeebaha Soomaaliya.

Xeebaaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Maraakiib dagaal oo aad u farabadan kuwaasi oo laga leeyahay wadamo kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoo sheegta inay xeebaha Soomaaliya ka ilaalinayaan burcad badeeda Soomaalida, hase ahaatee burcad badeeda ayaa waxaa ay sii laba jibaareen qafaalashada Maraakiibta shisheeye ee isaga kala gowshaya xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka fog fog.

Related Items


Leave a comment