INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Tuesday February 01, 2011 - 19:22:21
2 Comments
2320
Super Admin
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
TACSI: Allaha u naxariisto marxuum Jaamac Xirsi Yuusuf ‘’Jaamac Dhagawayne’’oo maanta lagu aasay magaalada London

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa magaalada London ku geeriyooday taariikhdu markii ay aheyd 30/01/2010Allaha u naxariistee Marxuum Jaamac Xirsi Yusuf oo ku magac dheeraa Jaamac Dhagawayne, islamarkaana loogu aasay galabta qabuuraha Islaamka ee ku yaal Bariga magaalada London.

Marxuum Jaamac Xirsi Yusuf waxaa uu mudo dheer ka soo shaqeeyay dalka Somaaliya islamarkaana waxaa uu ka mid ahaa agaasimayaashii Bangiga Ganacsiga dalka Soomaaliya barisamaadkii soo marey, mudadii ugu dambeysayna wuxuu ku nool magaalada London oo ay ku nool yihiin qayb ka mid caruurtiisa.

Aaska marxuumka waxaa si weyn uga soo qayb galey jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada London qaybaheeda kale duwan, waxaa xusid mudan inuu marxuumka ahaanin isboorti ah oo garoomada dalka Soomaaliya aad looga yaqaan loogana jeclaa marka u yimaado tartamada, waxaana uu si gaar taageero rasmi ah ugu ahaa kooxda howlaha guud ee Jeenyo ka Jeenyo (LLPP).

Waxaan si gaar ah halkaan tacsi uga direynaa caruurtii iyo qoyskii reer Jaamac Dhagawayne, sida Mahdi Jaamac,Cabdi Jaamac,Ladan Jaamac, Cilmi Jaamac iyo Cabdiraxmaan Jaamac, qaraabadii, asxaabtiisii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.

Waxaana Allah uga baryaynaa marxuumka inuu ka waraabiyo Janadii fardowsa insha Allah, anagana dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo aamiin,aamiin .

W/D:Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items

Comments


Leave a comment