BTS: kalshaale oo ay ka jiraan colaado iyo khasaaraha hordhaca

Monday February 07, 2011 - 19:24:19
0 Comments
1733
Super Admin
Deegaanka kalshaale ee gobolka Cayn ee ku lamaan deegaanka buuhoodle ayaa waxaa jiray maalmihii dambe dagaalo ayada oo hada soo baxayaan khashaaro iskugu jirto dhimasho iyo dhawac.
Inta la og yahay 6 ruux ayaa geeriyootey 10 kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii deegaanka Kalshaale ee duleedka Degmada Buuhoodle uu ka dhacay dagaal dhexmaray Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamada Soomaaliland.

Dagaalka ayaa ahaa mid khasaare geystay oo dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen, waxaana intaasi dheer in labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay kala qabsadeen gawaarida dagaalka iyo maxaabiis.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la kala geeyay degmooyinka Buuhoodle iyo Burco sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmooyinkaasi, waxaana ilaa iyo haatan aan la xaqiijin karin in dagaalku istaagay iyo in kale, maadaama aysan goobta lagu dagaalamayo laheyn isgaarsiin lagula xiriiro.

Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Kalshaale uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya labadaasi dhinac, waxaana dagaalka maanta qeybaha isaga soo horjeeday midba kan kale uu ku eedeynayaa in uu isagu duulaanka soo qaadey kan kalena uu isdaafacayey.

Ahmed Day shiikh Abukar

BTS online buuhoodle


Related Items


Leave a comment