Dhibaatooyinka ka jira deegaanka Xaarxaar

Friday May 22, 2009 - 09:04:36
0 Comments
6159
Super Admin
Nolosha Banii-Aadamku waxay ku dhisan tahay , dhibta oo laga hortago iyo nafaca oo la doonto.

Dhawaan markaan booqanay deegaanka Xaarxaar waxaan ku aragnay dhibaatooyin aan yarayn . Waxaan jeclaystay inaan u waramo akhristayaasha Websitka Xaarxaar, Soomaalidu waxay tiraahdaa, “War la helaa tala la helaa.”Mudanayaal iyo Marwooyin, waa weedh sax ah, waayo marka xog la helo ayaa go’aamo wax ku ool ah la qaataa.

       Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah:

Ø      Maamul la’aan

Ø      Midnimo la’aan

Ø      Degenaansho la’aan

Ø       Faqri iyo cuduro.

 

Maamul la’aanta waxaa ka dhasha:

Ø      Talo la’aan.

Ø      Qorsha la’aan

Ø      Nolol xumo

Ø       Fowdo & Kala dambayn la’aan.

 

Midnimo la’aanta waxaa laga dhaxlaa:

Ø      Dacfi iyo awood la’aan

Ø      Burbur iyo qiima beel.

Ø      Ictiraaf beel .

Ø      Faqri iyo nolol xumo

Ø       Maskaxda, Maalka & Muruqa oo kala baaha.

 

Degenaansho la’aanta waxaa ka dhasha:

Ø      Waxbarasho la’aan

Ø      Shaqa la’aan

Ø      Caafimaad la’aan.

Faqriga iyo cuduradu waa natiijada ka dhalata dhibaatooyinka aan soo xusnay. Waxaan xal u arkaa , haddii la doonayo in laga baxo dhibaatooyinka beesha la degey in layla arko qodobadan soo socda:

In la qabto shir weyne Beeleed oo lagu lafa guro dhibaatooyinka jira.Ajendaha shirkaa waxaa ka mid noqonkara:

  • Mideynta Beesha (Maskaxda,Maalka, & Muruqa Beesha).
  • Dejinta qorshayaasha horumarineed ee Beesha (Tacliim, Caafimaad,Dhaqaale, & Ciidan)
  • Meelaynta xiriirka Beesha iyo beelaha deriska la ah ( Magaha, Arrimaha deegaanka iyo xiriirada kale)
  • Xiriirka Beesha iyo dawlad goboleedka Puntland ( xuquuqda Beesha ee xubnaha Barlamaanka ,Wasiiradda,Agaasimiyaasha & Shaqaalaha kale).
  • Xiriirka Beesha iyo Dawladda Soomaaliyeed ( Aragtida Beesha ee ku aadan dawladda Soomaaliyeed, xubnaha Barlamaanka , Wasiirrada iyo iwm.)

Ugu dambayntii, haddii la doonayo in la jiro waa in la layeesha talo la wadaago oo aayo. Halkaan talo kuma dhamma ee waa dhambaal u furan in wax lagu daro iyo in wax laga beddelo. Sax ma aha qofku inuu weligii sugo in wax hagaagaan isagoo aan ka qayb qaadan wax hagaajinta, waxaan ku talinayaa in laysu geeyo talo iyo tamar si loo turxaan bixiyo

Qore:

Professor Abdirizak Ahmad Gurey.

cawad57@hotmail.com

Bosaaso, Som

Related Items


Leave a comment