Ugaas Cumar Geelle oo lagu soo dhaweeyay magaalada London lana kulmay Qurba joogta YD + (Sawiro)

Sunday March 27, 2011 - 02:46:24
6 Comments
3775
Super Admin
Ugaas Cumar Geele
Ugaas Cumar Geele
Waxaa Galbeedka magaalada Londonl xaflad soo dhaweyn ah oo aad u heer sareysa loogu qabtey maanta oo ay taariikhdu tahey 26/03/2011 Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo booqasho ku soo gaarey todobaadkii tageydalka England.

Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen jaaliyadaAwrtable / YD ee ku dhaqan magaalada London, kuwaasoo isugu jirey cuqaal waxgarad, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro.

Dadkii madashaas ka hadleyna oo soo dhaweeyay Ugaas Cumar Geelle waxaa ka mid ahaa: Sheikh Xuseen Jaamac Dheere, Odey Cabdi NuurJaamac Xasan, Odey Cali Cabdulle Ismaaciil ‘’Cali Caymis’’ Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye, Marwo Xaliimo Saalax Beer iyo Marwo Fowsiya Cabdulaahi Nuur Xirsi.

Ugu dambeyntiina Ugaas Cumar Geelle Maxamed ayaa hadalo kooban ka jeediyey xaflada lagu soo dhaweynayay, islamarkaana uga mahadceliyay dadkii soo qayb qaabiyay iyo dadkii ka soo qayb galeyba.

Ugaaska ayaa ka hadley xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku nool gobalada Nugaal iyo Mudug, islamarkaana ku booriyay ka soo qayb galayaasha xafladatan iyo kuwa ka maqanba inay u gurmadaan dadkaas abaaraha culusi ay ku habsadeen ee walaalahooda ah.

Waxaa Kaloo ka qayb qatay Xafladaas xaga Telephone ka

Siyaasi Mohamed abdi yusuf, Gen. Mohamed Xussein Daud (Xiirane) Iyo dhamaan Qurba joogta Beesha YD.

Ayaga oo dhamaan u Riyaaqay Xafladaas iyo soo dhawaynta Ugaaska.

Xaflada soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle waxay ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley.

W/D:Yusuf Maxamed Cabdi

mrsomalia@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment