Mudane Da'ud Abdakarin iyo Xubno kale oo Wasiiru Dawlayal loo magacaabay

Thursday March 31, 2011 - 21:04:17
0 Comments
1777
Super Admin
Xildhimaan Da'ud
Xildhimaan Da'ud

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sheikh Axmedayaa caawa hortiisa lagu dhaariyay11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla maanta R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu soo magacaabay.

Munaasabadan oo ka dhacdayxarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra isul Wasaare ku xigeenkaahna Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu shaaciyay magacaabista Xubnahaan, ayadoo Agaasimaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” uu saxaafadda u akhriyay liiska oo u qornaa sidan:

  1. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha..
  2. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
  3. Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.
  4. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.
  5. Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta
  6. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka.
  7. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.
  8. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  9. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
  10. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  11. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Madaxweyne Shariif oo dhaarinta masuuliyiintaan kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xubnahaani ay ka dhinaayeen golahii wasiirada ee dhawaan la dhisay, wuxuuna ku boorriyay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ugu duceeyay in uu Alle la garab galo

Related Items


Leave a comment