Mogdisho;Saraakiil Ciidan oo soo Gaaray Magaalo Madaxada Somalia:

Tuesday April 19, 2011 - 19:06:25
0 Comments
973
Super Admin
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobay kaasi oo ka socda xafiiska dhawaan Qaramada Midoobay u dhistay iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo marka lasoo gaabiyo magaciisa la yiraaho UNOAU.

Wafdigan ayaa magaalada Muqdisho maanta [Talaado] kula kulmay saraakiisha iyo madaxda ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo waliba mas’uuliyiinta DFKMG iyo xukuumada.

Imaanshaha wafdigan ayaa imaanaya xili DFKMG iyo Beesha Caalamka uu soo kala dhexgalay mugdi ku aadan wakhtiga kasii dhamaanaya Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya oo wakhtigeeda ku egyahay bisha Agoosto ee sanadkan 2011.

Wafdigan ayaa si gaar ah DFKMG kala hadlay xaalada amniga iyo hawlgalada ciidamada AMISOM, wakhti ay dhawaan magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaalo ay ka qeyb qaateen ciidamada gacanta siinaya DFKMG ee AMISOM.

Waxa si weyn dhanka Qaramada Midoobay looga hadal haya hadal dhawaan kasoo yeeray madaxa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo sheegay in ay hab wanaagsan u arkaan in muddo hal sano ah Xukuumada DFKMG ku darsato, wakhtigaasi oo ay horey u codsaday Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Hogaanka AMISOM ee Soomaaliya Gen.Nathan Mugisha oo kasoo jeeda dalka Ugandha, ayaa todobaadkii hore sheegay in Dowlada Federaalka u baahan tahay 1 sano oo dheeraad ah in wakhtiga loogu daro.

Warkan ayaa soo baxay xili Madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Musefeni uu taageero u fidiyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed, sida ay sheegeen diblumaasiyiinta la socda hawlgalada AMISOM.

Todobaadkan ayaa lagu dhawaaqay in xilka aan loo kordhin doonin Taliyaha ciidamada AMSIOM Gen.Nathan Mugisha oo wakhtigiisa ku eg yahay dhamaadka bishan April, ayadoo lagu bedali dooni Taliye cusub oo la sheegay in lagu magacaabo Brig. Fredrick Mugisha

Dowlada Ugandha ayaa sidoo kale sheegtay inay ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 3 kun ku dari doonto ciidamada Muqdisho, dalka Burundi ayaa asaguna lagu wadaa inuu ku daro 1 kun oo askari.

Qorshahan ayaa ku soo beegmaya xili Qaramada Midoobay shirkii ay ku qabatay Nairobi lagu sheegay in doorasho cusub la qabto kahor inta aan wakhtiga DFKMG dhamaan, Qaramada Midoobay ayaa ayadu ah midda dhaqaalaha ku baxa AMISOM lasoo marsiiyo.

Booqashada wafdigan ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa loo arkaa mid lagu eegayo hawsha ay hayaan ciidamada AMISOM isla markaana wadatashi dheeraad ah ka yeelan doonaan xaalada hada lagu jiro.

Qaramada Midoobay ayaa la fialyaa dhawaan in dhaqaale baaxadleh ay soo galaan kuwaasi oo loogu talo galay in lagu xoojiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay usii marsiin doonaan dhaqaale dhan 66 Milyan oo Yuro, oo gaareysa $93 milyan oo dollarka Maraykanka ah si loo bixiyo kharashaadka ku baxaya ciidamada AMISOM.

Wixii war ah ka so kordha kala xariir isha wararka

www.BurtinleTimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment