Maamulka Degmada Laasqoray oo baaq u diray maamulka Puntland;

Tuesday May 10, 2011 - 12:05:56
0 Comments
1074
Super Admin
Maamulka Laasqoray “Kama Howlgalaan Hay,adaha Puntland Deegaanka”

Gudoomiyaha degmada laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad oo u waramayay warbaahintaBT ayaa sheegay in degmada aysan ka howlgalin hay,adaha puntland taasoo dadka ku Keentay dib u dhac ku yimaada horumarka dadka iyo degmada.

Ma laha xarumaha arimaha bulshada ma laha xarumaha sharci dajinta gaadiidka booliiska Iyo ciidamaba sida degmooyinka kale ee puntland oo iyaga inta badan ay u dhamaystiran Yihiin xarumaha hay,adaha iyo shaqaalahooda ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiye Dibad.

Deegaanka degmada laasqoray waxaa uu hodan ku yahay kheyraadka bada iyo beeraha Taasoo degmada ay ka heli lahayd canshuur iyo dhaqaale ay wax ku soo saartaan dadka Hadii dowlada puntland ay hay,adaheeda oo ay ku jiraan kuwa sharci dajinta iyo Booliiska ka howlgalaan degmada ayuu hadalkiisa ku xoojiyay gudoomiyaha degmada Laasqoray.

Yuusuf Jaamac Dibad ayaa waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay in kaluumaysatada degmada Ay la soo derseen dhibaatooyin ay keeneen maraakiibta sida sharci darada ku Kaluumaysata taasoo ay geli waayeen badda cabsi ay ka qabaan ciidamada shisheeye ee Ku sugan bada.

Ugu danbayntii waxaa uu hadalkan ku soo beegmayaa xilli uu gudoomiyaha ka hadlayay Roobabkii dhawaan ka da,ay degmada oo uu sheegay in lagu diirsaday balse dhanka bada Uusan ka da,in isagoo intaasi raaciyay in roobabkaas ay khasaarooyin ay u gaysteen Xoolihii iyo beerihii baxayay.

Xigasho SBC

Related Items


Leave a comment