10 kooxood oo Soomaali ah oo Koob loogu soo Gabagabeeyey Amsterdam (Daawo Sawirada)

Thursday June 02, 2011 - 21:35:56
2 Comments
5126
Super Admin
10 kooxood oo Soomaali ah oo Koob loogu soo Gabagabeeyey Amsterdam

Magaalada Amsterdam ee wadanka Holland waxaa (29/05/2011) lagu soo gabagabeeyay koobkii HIRDA Amsterdam Summer Cup 2011 oo ah tartan maalinle ah oo sanad kasta loo qabto kooxo Soomaali ah oo kala metelaya magaalooyinka wadanka Holland, waxaana koobkan sanad kasta qabta Hay’adda HIRDA oo ah hay’adda keliya ee ay Soomaalidu leedahay ee xil weyn iska saarta dedaalada ku saabsan isdhexgalka mujtamaca Soomaalida.

Tartankan oo sanadkaan xamaasad gaar ah lahaa, waxaa ka soo qeybgalay 10 kooxood oo Soomaali ah, waxaana garoonka soo buux dhaafiyey taageerayaasha kooxihii tartanka ka qeybgalayey, xubno metelayey ururada Soomaalida ee ka dhisan wadanka Holland iyo marti-sharaf ka mid ah bahda Isboortiga Soomaalida oo tartanka lagu casuumay.
Sanadkaan waxaa si gaar ah loogu casuumay ciyaaraha HIRDA Amsterdam Summer Cup 2011, Ex Garsoore FIFA C/qaadir Maxamed Ibraahim (Cadaay) oo xariga ka jaray furitaanka koobkaasi, waxaana sidoo kale wejiyadii goob jooga ka ahaa, isla markaana si gaar ah loogu casuumay ka mid ahaa ciyaaryahan Bashiir Baabuuji oo ah ciyaaryahan ay wada garanayaan inta badan bahda Isboortiga, kana mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka iyo Ex. Ciyaaryahankii Kooxda Dekkada Kismaayo Axmed Maxamed Axmed.

Waxaa sidoo kale Tartankaan Goob joog ka ahaa madax ka kala socotay Jaaliyadaha Magaalooyinka Uttrech,Zwolle, Breda, Hoorn,Ermelo,iyo Qaar kale oo badan,Abdirishiid Botan, dhaqane Aden,C/shakuur Cilmi Xasan, C/qaadir Nuune, iyo Daa’uud.

Furitaanka tartanka waxaa ka hadashay agaasimaha HIRDA Marwo Faadumo Max’ed Faarax oo ka warbixisay ujeedada sanad kasta ay u qabanayaan tartankani in ay tahay in isboortigu yahay furaha is dhexaglka bulshada, waxeyna ka codsaday kooxaha tartanka ka qeybgalay inta tartanku soconayo in ay muujiyaan ciyaar wanaag ku dhisan asluub iyo xushmad, iyadoo sidoo kale u mahadcelisay dadkii suurtageliyey qabsoomida tartankaasi ee qaabilsanaa dhinaca fududeynta iyo habsami u socodka tartanka oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Max’ed Cabdi Yuusuf oo ah madaale dhinac isboortiga ah, oo goob kasta u taagan dhiiragelinta isboortiga iyo Guddoomiyaha hay’adda Saafi relief for (Agra posteral organisation) {Saropo} Max’ed Xassan Idiris (Max’ed Ganey).

Tartankan sanad walba ay qabato Hirda Soomaalida wadanka degan wuxuu u yahay fursad muhiim ah marka laga eego dhowr dhinac, dhinac wuxuu fursad u yahay in ay soo baxaan da’yar mustaqbal fiican ku yeelan kara isboortiga oo marka ciyaar wanaagooda la arko lagu dhiiragelin karo in ay wax la qeybsadaan kooxaha Hollandeeyska ah ee wadankan ka dhisan, fursada kale waxey tahay waxaa isku arka wejiyo ay mar hore isugu danbeysay oo isku heli waayey fursad ay isku arkaan” ayuu yiri C/Ladiif islow foora gacan oo ka mid ah dhalinyarada xiiseeya isboortiga kana mid ahaa tababaraha kooxda Hoorn.

C/ladiif islow wuxuu sheegay in sanadkan ay soo badanayaan ganacsato Soomaaliyeed oo la qeybsada ciyaartoyda qarashaadka ku baxaya, wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay mid bilow ah oo dhiiragelineysa kooxaha Soomaalida, isagoo amaan gaar ahna u jeediyey Cali Gaab oo ah Maamulaha Dukaanka Belhuis Hoorn,iyo waliba Jaaliyada Westfriesland Asaga oo ka magac dhabay Abdigargaar, Dhaqane Aden, Said Ahned basuuq, Abdirishid bootaan ,

Kooxihii ka qeyb galaayay tartanka ayaa isku arkay sida Tan:
HIRDA AMSTERDAM SUMMER CUP 2011.
Poule A Poule b
Hoorn Rotterdam
Utrecht Groningen
Haarlem Venray
Dordrecht Breda
Bergen op Zoom Zwolle

Wareega Kuwaatar finalka waxaa u soo gudbay 4 kooxood oo kala ahaa:
Haarlem Vs Venray
Utrecht Vs Rotterdam

Ciyaartii final-ka waxaa isugu soo haray Kooxaha Venray Vs Rotterdam, Waxaana 2-0 Koobka kula hooyatay Kooxdii ka socotay Rotterdam.
HIRDA AMSTERDAM SUMMER CUP 2011, ayaa waxaa sanadkaan abaalmarino lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo sanadihii u danbeeyey kala shaqeynayey hay’adda Hirda sidii barnaamijyada ay qabtaan loogu baahin lahaa qeybaha kala gedisan ee warbaahinta Soomaalida, waxaana halkaasi abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad ka mid ah saxaafadda Soomaalida, waxaana shaqsiyaadkaasi ka mid ahaa:

c/xakiin cabdi ismaciil ilkadhagaxburtinletime.comiyo xaarxaar.com

saciid cabdi farax caalami.com
Max’ed Cabdi Faarax “Afgooye” oo ka socday Radio Bar-Kulan & Dalmar media.
C/weli Ibraahim “Garyare” Universal TV.
C/shakuur Cilmi Xasan “Shabakadaha Dayniile iyo Qaranimo.
Saalax Xassan Cumar “Salah Dheere” Wehelmedia.com & Xulashi.com.

Sidoo kale waxaa Gabagabadii halkaasi Abaal marino kala gedisan lagu guddoonsiyay Kooxihii ka soo qeyb galay Tartankaan, ciyaartoydii Muujisay Ciyaar wanaag, Macalimiin Garsoorka, iyo Shaqsiyaad gacan ka geystay Maamulka.

Abaalmarinada HIRDA AMSTERDAM SUMMER CUP 2011, waxaa sanadkaan si wada jir ah u bixiyay Maamulka HIRDA, Ex- Garsoore FIFA Cadaay, Ex- Ciyaaryahankii Xulka Kismayo Axmed Maxamed Axmed, SSPAmedia Yuusuf Yuusuf iyo Ciyaaryahan Baabuji oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliya.

Daawo Sawirada:












Halkaan kadaawo sawirada oo dhamaystirin

">Abdihakin Abdilsmail

Related Items

Comments


Leave a comment