Warbixin: Shirkii Beesha YD ee Dalka Holland June 12, 2011. + Sawiro

Thursday June 16, 2011 - 03:29:35
1 Comments
3994
Super Admin
Waxaa maalinti Axada taarikhduna ku beegnayd June 12, 2011 shirwayn iskugu yimid jaaliyada beesha awrtable ee kudhaqan holland.

Shirkaas waxaa kasoo qayb galay dhamaan qaybaha kala gadisan ee jaaliyada awrtable ee wadankan kudhaqan iyadoo looga hadlay qodobo ay kamid yahin in laxoojiyo xirirka beesha ee ku dhaqan wadanka, in laga qayb qaato horumarka degaanada ay beeshu degto iyo in jaaliyada beeshu ay yeelato xirir xoogan kaas oo mar kasta ubaahan in la joogteyo.
kulankaas ayaa waxa kahadlay dad aad utira badan kuwaas oo dhamantood isku raacay in laga wada shaqeeyo hurumarka beesha gudaha iyo dibadaba.


Shirkaan oo xiriiye ka ahaa tafatiraha Shabakadaha Burtinletimes iyo Xaarxaar Online, Mudane Abdihakim Abdi ismaciil isaga oo shirka furay kuna soo dhaweeyey dhamaan ka soo qayb galayaashii isla markaasna xusay qodobada shirka looga hadlaayo,Sidoo kale Waxa hadalo kasoo jeediyey kulanka dhaman qaybaha kala gadisan ee kasoo qayb galay, waxaana kamid aha dadki halkaas hadalada qiimaha leh kasoo jeediyey G/ jaaliyada Mudane Kaamil Husein Hirsi Cidilibaax, Kornayl Hassan caabi Mohamed, Xildhibaan Said Ahmed Odey, G/ jaaliyada Somaliyeed ee wadanka Biljamka Mudane Aden Hassan Khalaf, Marwo Mulki Abdulahi Farah Jirac oo ahyd gabadha Suura galisay qabsoomida shirka, Marwo Idil Abdulkadir Farah, Marwo Aamino Salah Omar Deer, Marwo Hani Khalif Said, Marwo Khadiijo Yusuf Dhuux, Marwo Marain Abdulkadir, iyo qaar kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin sida dhalin yaro wiilal iyo Gabdhaba leh oo ay ka dhex muuqdeen aqoon yahano

dhamaan xubnahaan shirka ka hadlay ayaa shegay in loo baahan yahay in laxoojiyo xirirka beesha iyo in laga shaqeyo danta guud.
kasokow dadka ka qayb galay kulankan, waxa iyagana khadka telefoonka uga qayb qaatay Ugaas Cumar Gelle Mohamed Ugaaska Beesha YD Iyo Cali Cabulle Ismail Ali Caymis oo labaduba joogay Uk.

Ugaaska ayaa warbixin aad u dheer kasiiyey qurba joogta xalaada wadanki lagu sugnaa maadama uu isagu mardhow kayimid wadanka. Ugaas Cumar waxu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeyo danta guud qurba joogta meel kastaba ha joogene, wuxuu sidoo kale sheegay Ugaas-ku inay jiraan dadaalo badan oo lagu doonayo in wax looga qabto degaanka Xaarxaar kuwaas oo uu sheegay inay wadan jaliyadaha dibada. Waxaa intaas dheer uu Ugaas-ku ku baaqay in la mideeyo dhamaan dadaaladaas socda ee lagu doonayo in wax looga qabto degaanka xaarxaar lagana wada qayb qaato horumarka beesha.

Ugaaska waxu xusay in dhowaan lawado in laga hirgeliyo Ceel Biyood, Cusbutaal, iyo saldhig police degmada xaarxaar isagoo hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey duco uu udirey dhamaan bulsha waynta Somaliyeed si gaar ahna ugu duceeyey beesha meel kastaba hajoogene. sidaas oo kale, Cali Cabdulle ayaa isna shegay in dadalo badan ay kawadan dhankoda waxu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeyo guud ahaan arimaha tolka isagoo shegay in jaaliyadoda UK ay dadaal badan ugu jiran sidi ay uga qayb qaadan lahayen horumrka degaanka Xaarxaar.

Dhanka kale waxa isna kulankan hadalo ka jeediyey Said abdulkarim oo ka warbixiyey in xaalada waxbarsho ee kajirta deganada xaarxaar iyo burtinle,waxu sheegay in dhowaan la sameyey qiimayn taas oo laga sameyey xaalada waxbarasho ee degaanada ciddu ay wax ka degto waxu sheegay in 705 arday ay gaaren wax barasho 485kamid ahna aysan tagin schoolaad isagoo ku timaamay sabaha ay utagi waayen inay kamid tahay duruffo dhaqalo xumo ah iyo wixii lahal maala. Saciid sidoo kale ku daray hadalkiisa in gudiga jaaliyada ee gudaha ay qiimayn kusamyen in ceel laga qodo xaarxaar isagoo shegay in laga qayb qaato ceel qodista xaarxaar iyo sara uqaadista taclinta.

Ma ahan marki kowaad oo ay jaaliayadaha dibada ee awrtable ay kulamo iskugu yimaaden kal hore ayey ahayd marki uu Mudane Daud Abdulkarim oo ah wasir katirsan dowlada TFG uu shirar kuqabtay Burtinle,Galkacyo,Nairobi, iyo gobolo badan oo katirsan maraykanka, sidaas oo kale kulamo caynkaan oo kale ah ayaa jaaliayadaha qarkod iskugu yimaaden sida tii lagu soo dhaweynayey Ugaas Cumar Gelle ee London. kulamadaas kasokow, waxa iyadana si is daba joog ah usoctay shirarka telefoonka looga qayb qaato kuwaas oo isku xir weyn u ah Jaaliyada meelkasta ay joogaan.

Si kastaba ha ahate, markan ayaa waxay tahay marki ay ugu dadaalka badnayen jaaliyadaha dibada ee in badan lagu dhalilayey inaysan kaqayb kaqaadan horumarka degaanadana ay ciddu degto iyo guud ahaan wadanka oo dhan.
Kulankan Holland ayaa gabagabadi ku dhamaaday guul iyo is afgarad iyadoo halkaas lagu magacaabay gudi kashaqeya danaha beesha.

Gudigaas oo kala ahaa:

Kaamil Husen Cidilibaax,
Mulki Abdulahi
Idil abdulkadir Farah
Malyun Yusuf Dhuux
Faduma Mohamud Mumin
Abdirisaq sheikh mohamud
Said abdulkarim sheikhomar
Abdulhakim abdi ismail








W/D Said abdulkarim sheikhomar.

Sawirada
Tafatiri: Abdihakiim Abdi Ismacil Ilkadhagax

Related Items

Comments


Leave a comment