Baraarug iyo Xamaasad: Professor Abdirazak Ahmed Gurey

Saturday June 25, 2011 - 00:41:49
3 Comments
1666
Super Admin

Baraarug iyo Xamaas.

Wacyi gelin ka dib waxaa muuqata in xubnaha beesha YD ku baraarugeen dibu dhaca beesha ka haysta dhinacyo badan. Jaallayaal, ka dib markay burburtay xukuumadii dhexe ee Soomaaliyeed 1991, beelaha Soomaaliyeed ee kala duwan waxay fahmeen in ifafaalaha muuqdey ayan dhaweyn soo celinta xukuumad dhexe ee Soomaaliyeed, sidaa darteed beeluhu waxay isu abaabuleen inay isku tashadaan dhinacyo badan, sida horumarinta arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xiriradda beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo caalamka debedda.

Haseyeeshee, beesha Awrtable arrimahan aan soo xusnay waxay kaga jirtaa halmaan weyn! oo ayan sinnaba u difaaci karan. Saaxiibayaal ,ma wax la aqbali karaa in beel da’weyn sida Awrtable oo kale ah inayan lahayn qorshe degan oo ku aadan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta iyo xiriiradda gude iyo debbed ee ummadaha la ayniga ah leeyihiin?

Ma wax la aqbali karaa inayan YD lahayn degmo ay si gaar ah u maamulaan ama laga soo doorto? Ma wax aqbali karaa in beeshu weydo xubnihii Baarlamaanka ee dawlad goboleedka Puntland oo aan cidi isweydiin wixii laga yeeli lahaa gaar ahaan kuwii gobolka Nugaal-Garowe & Buurtinle?

Ma wax la aqbali karaa inaanu jirin barnaamij YD u diyaarsan sidii uga horumari lahaa dhinacyada kala duwan ee baahiyaha bulshada?

Ma wax la aqbali karaa inaan magaca,taariikhda iyo muuqaalka maanta ee beesha ayan ahayn sidii haboonayd ama ay beeshu mudnayd?

Ma wax la aqbali karaa inaan beeshu wax saamayn ah ku lahayn deegaanka ay midka tahay qaabkay doonto ha ahaatee; siyaasad, dhaqaale, ciidan ama cudud dadweyne, ma waxaa lagu qanacsan yahay qorshe la’aan iyo qaad la ruugayo rag kale ka keeneen Kenya ama Itoobiya,oo sidaas waagu ku baryo qoraxduna ku dhacdo maalinwalba muddo 20 sanno ah?

Mudanayaal iyo Marwooyin,waan hubaa inaad dhammantiin garawsantihiin waxaan ka hadlayo,haseyeeshee su’aasha mudan in laysweydiiyo waxay tahay,”Maxaa xal ah?”

Jawaabtu waxay iigu muuqataa qodobadaan:

1.Dib- isu-abaabul.

2.Midnimo —talada,dadka iyo maalka.

3.Barnaamij beeleed —dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha,iyo horumarinta.

4.Wax qabad-hadalka hawl qorshaysan oo aqooni hagayso loo bedelo.

5.Kala mudnaan-in la sameeyo kala mudnaanta/kalahoraysiinta baahiyaha beesha.

6.Kala dambayn iyo isla xisaabtan!

7.Qarannimo-in loo fekero,wax loo qabto si heer sare ah oo qaranimo ka muuqato.

8.Dawladnimo —in loo ekaado sidii dawlad oo kale,ogaada qabaa’ishu waxay dhisantahay maanta sidii dawlad oo kale!

Si loo gaaro guulahan waxaan ku talin lahaa arrimaha soo socda:

1.In degdeg loo hanto baraaruga jira ee bulshada beesha

2.In la dheeri geliyo dadaalka dhallinyaradda (Aaya-talis)

3.In la bilaabo ururinta lacagaha horumarinta lana joogteeyo bilwalba(wax la awoodi karo bilwalba),irbado la ururshey masaar bay noqdaan!

4.In loo gacan baneeyo hawshan guddi kooban oo tilmaamo gaar ah lagu xushay.

5.In xubnaha beeshu gaaraan go’aan isku tashi ah oo aan ka soo noqod lahayn.

6.In aqoon yahanka beeshu calaameeyaan(dejiyaan) ahdaafta,istiraatijiyaadka dhow,dhexe iyo kuwa dheer ee horumarinta beesha.

Arrimahan aan wax ka qorayo waa kuwo caadi ah iyo talooyinka ay baxshaan dadka horumarka jecel,waana arrin ka jirta deegaankan aan deganahay ee Puntland,waxaan u arkaa inay tahay wanaag lays tusayo iyo dhib laysaga digayo.

Waxaan aaminsanahay haddii xubnaha beeshu ka faa’idaan taladaan inaan Allaah ajar ka helidoono!,sidaa darteed xubnaha aqoonta leh ee beesha waxaa looga fadhiyaa waxtarmo( Hiil ama Hooya).




Mahadsanidin.

Abdirizak Ahmad Gurey.

Bosaaso-Puntland

Related Items

Comments


Leave a comment