Xasan Daahir Aweys oo sheegay inuu jiro khilaaf soo dhexgalay madaxda sare ee Al-Shabaab

Saturday August 13, 2011 - 03:12:26
0 Comments
877
Super Admin
Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyay inuu jiro khilaaf ka dhex taagan Saraakiisha Al-Shabaab, kaasoo uu ku tilmaamay in dhowr arrimood markii hore la isku qabtay.

Hadal uu siiyay Warbaahinta oo u muuqatay in Xasan Dahir ku muujinayo khilaafka taagnaa ayaa marka hore soo qaatay in la isku qabtay in Ciidamada Al-Shabaab laga saaro aagaga oo aanay difaac gelin, bedelka arrintaas loo bedelo sida dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo la mid ah sida kuwa Afganistan.

“Asalka dagaalka waa Guirela nuuca ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo la mid ah sida Afganistan, ma ahan inaan difaac galno, waayo ma heysano Taangiyeyaal, sidoo kale qorshaha naga waa inaan cadawgaas naafeyno”ayuu yiri Xasan Dahir Aweys oo tibaaxay in horay isaga u soo jeediyay dalabkaas.

Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in maadaama aysan laheyn iyaga Taangiyo aanay munaasab aheyn inay is-hortaagaan, waxaana uu sheegay in nuuca haatan ay dajiyeen tahay mid lagu xanuujinayo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrinta kale ee khilaafka uu ahaa xuskii degmada Afgooye loogu sameeyay bishii May geeridii Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, taasoo buu xusay in ragg ka tirsan Shabaab ay diidanaayeen.

Xasan Dahir ayaa waxaa uu qiray in aanay Warbaahinta isku Riddi doonin ama isku weydaarsan doonin hadalo iska soo horjeeda, waxaa uu tibaaxay inay hadafkooda yahay inay wax ku saxaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu kaloo sheegay in Muqdisho aanay ka wada bixin, oo qorshaha yahay in lagu sugnaado si loo wajaho Cadawga, dagaalana lagu qaado waqti kasta, waxaana uu sheegay in sababaha ay u doorteen dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah aanay ujeedka aheyn Ciidan yari soo wajahday.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli Shabaab khilaaf xoogan oo wajiyo badnaa uu ragaadinayay mudooyinkii u dambeeyay, iyo in aysan xilligan si toos ah ugu babac dhigi karin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii goobo hor leh laga bixiyay, waxaa kaloo dib u dhaca Shabaab lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dhaqaalo yari.

Burtinletimes.com

Xigasho Ifkanews.com

Related Items


Leave a comment