War Dag Dag ah Ciidamada Commandoska ee Wadanka Turkiga oo ka soo dagay Garoonka Magalada Muqdisho

Thursday August 18, 2011 - 19:47:40
0 Comments
1046
Super Admin
Wararka inaga soo garayaa magalada muqdisho ayaa tibaaxaya in Magalaadaasi ay manta soo gareen Ciidamada Kumandooska Wadanka Turkiga .

Ciidamadan ayaa waxaa ka kobanyihiin 150 askari oo si weyn u tababaran waxa logu talagalay in ay si weyn u sugaan Amanka R/wasarahaa Wadanka Turkiga iyo Qoyskisa kuwaas oo ku soo wajahan magalada muqdisho malmaha soo socda.

Ciidamadan ayaa waxaa kenay Diyaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopterka kuwaas oo ka soo kici timay Markaab Dagaal oo ay ledahay Dowlada Turkiga oo asagu ku sugaan Biyaha Wadanka Somalia.

Ciidamadan ayaa intoda badan waxaa ay ku suganyihiin Garoonka Diyaradaha ee Adan Cade Airport halka qaar lo dhaadhiciyay Xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo ka mid ah Goobaha u boqandoono R/wasaare Ordogan.

Sugida Amanka R/wasaaraha Turkiga aya waxaa si wadajir ah uga qayb qadaan doona Ciidamada Amisom Ciidamada Dowlada kmg iyo Ciidamada kumadooska Wadanka Turkiga waxaa sido kale qorshaha ku jira in ay Howlagaladaasi ka qayb qataan dhowr xaabo oo diyaraha qumatiga u kaca ah oo laga leyahay Wadanka Turkiga

Wixii war ah oo ka soo Kordha kala soco

Burtinletimes@gmail.com

xigasho kismayo24

Related Items


Leave a comment