Sedexda Masuul ugu sareysa Dowladda oo la kulmay Jean Ping Madaxa Midowga Afrika+Sawirro

Saturday August 20, 2011 - 17:13:38
8 Comments
5034
Super Admin
Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Xarunta Madaxtooyada wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa la kulmay Wafdiga uu hogaaminayay Jean Ping, iyagoo ka wada hadlay xaalada ammaanka, siyaasada iyo arrimaha bani'aadanimada.

Kadib markii uu soo gaba gaboobay shirka ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in kulankooda xooga ku saareen arrimaha siyaasada, Amniga iyo xaaladaha bani'aadanimo ee abaaraha.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in 25-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Addis Ababa shir looga hadlayo abaaraha Soomaaliya, kaasoo dhaqaale loogu uruurinayo Abaaraha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay shirkaas mid fursad ah.

Shariif ayaa u sheegay Gudoomiyaha Midowga Afrika in arrinta ammaanka lagu daro horumarka arrimaha bulshada sida dib u dhiska wadooyinka, Waxbarashada, isbitaalada iyo adeegyada aas aasiga.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Mr Jean Ping ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu yimaado, waxaa uu xusay in sanadkii hore iyo sanadkan ay horumar sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

Waxaa uu sheegay in Dowladaha Afrika ay dhaqaalo ay ugu yabooheen abaaraha Soomaaliya, isagoo tibaaxay in Al-Jeeriya ay balan qaaday lacag gaareysa 10-milyan doolarka Mareykanka, oo lagu bixin doono shirka Addis Ababa lagu qaban doono.

Mr Jean Ping ayaa sidoo kale cadeeyay in dalal kale oo Afrikaan ah ay dhaqaalo ku taageeri doonaan arrimaha abaarha ee Geeska Afrika, isagoo soo qaatay dalalka Ghana iyo Gabon iyo kuwa kale.
Waxaa uu ugu baaqay dalalka Shiinaha, India iyo Brazil oo hada maal-geshi ku sameynaya Afrika inay ka qeyb qaataan howlaha bani'aadanimada sidii gar gaar ula soo gaari lahaayeen.

Midowga Afrika ayaa shirkan ay u qaban doonaan arrimaha abaaraha Soomaaliya uu noqonayaa kii u horeeyay oo ah mid heer caalami ah oo dhaqaalo loogu uruurinayo wax ka qabashada xaaladaha bani'aadanimo.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment