Fananka Caanka ah ee Somaliyeed Kaynan Cabdi iyo Wafdi Fananin ah oo u hogaminayo oo Muqdisho so garay

Sunday August 21, 2011 - 17:28:43
0 Comments
2154
Super Admin
Fananka Caanka ah ee Somaliyeed Kaynan Cabdi iyo Wafdi Fananin ah oo u hogaminayo oo Muqdisho so garay
Wararka naga so garaya magalada muqdisho ee Casimada Wadanka Somalia ayaa tibaxaya in Mantay uu Magaladaasi soo garay Wafdi balaraan oo u hogaminayo Fanaanka weyn ee Kaynaan , iyadoo ay la-socdaan fanaaniin badan oo u dhashay dalka Canada.

Fanaanka Soomaaliyeed ee Kaynaan Cabdi Warsame iyo fanaaniin la-socoto ayaa waxay maanta ay soo gaareen magaaladda Muqdisho, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Kaynaan iyo fanaaniinta kale ee la-socoto ayaa waxay hada ay ku sugan yihiin Cisbitaalka weyn ee Banaadir, halkaasoo ay ka qeybinayaan raashiin iyo cabitaano.

Sidoo kale fanaaniinta kale ee Kaynaan la-socoto ayaa waxay Cisbitaalka ka qeybinayaan raashiin, iyagoo si weyn uga walaacsan xaaladda adag ee ay iminka ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed.

buurtinletimes@mail.com

xigasho kismaayo24.com

Related Items


Leave a comment