Dadkii Ka danbeeyey dilkii gudoomiyahii xaafada Israac oo gacanta lagu dhigay.

Tuesday August 23, 2011 - 15:49:13
0 Comments
2173
Super Admin
Warar ka naga soo gaaraya Mgalada galkacyo ayaa tibaaxaya in gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglayashii iyo ragii la shaqaynaayey labadaba walo ay qab ka sii maqan tahay.

Shacabka xaafada Israac oo gacan ka helaya Ciidamada Madaniga ah ee xaafada Israac ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan ilaa 4 nin oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Allaha u raxmadee Gudoomiyihii xaafadaasi Marxuum Axmed Cilmi Cismaan (Gaadax), waxaana wali soconaya dabalgal lagu hayo 2 nin oo kale oo iyaguna xogta lagu helay in ay falkan ku luglahaayeen kuwaas oo lasheegayo in ay ku sugan yihiin xaafada Baraxley ee koonfurta Magaalada gaalkacyo, waxaana la tilmaamay in xogta ragani laga helay nin ay daris ahaayeen oo Markii hore ay Ciidamadu soo qabteen dilka Marxuumkana wax kala socday.

Dadkan la soo qabtay ayaa waxaa la tilmaamayaa in qaarkood gacanta lagu soo dhigay xilli ay ku sugnaayeen Xaafada Koofurta Gaalkacyo ee uu ka taliyo Maamulka Galmudug, waxayna dadkani isugu dad deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfurta soomaliya.

Marxuum Axmed Cilmi Gaadax ayaa Maqribnimadii shalay qaab toogasha ah loogu dilay irida hore ee gurigiisa xilli uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday salaadii Maqribka islamarkaana si uu u soo afuro uu xaafada u soo aaday.

Horey waxaa loogu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo dhawr qof oo la tilmaamay in ay ka dambeeyeen Dilkii Naxdinta lahaa ee Xaafada garsoor Loogu gaystay Nabadoon Xasan Waloore oo ka mid ahaa Wax garadka gobolka Mudug, waxaana dadka falkaasi loo sooqabtay si deg deg ah loogu gudbiyay Magaalada garowe ee xarunta Dawlada puntland si loogu maxkamadeeyo.

Wali Labada dhinac ee Magaalada Waxaa ka soconaya hawgalo baaxad leh oo ku salaysan qabashada dadkii kadambeeyay dilalka isdaba jooga ah ee magaalada ka soconayay gaar ahaan dilka gudoomiyihii xaafada israac waxaana hawgaladani si wada jir ah isaga kaashanaya Ciidamada Booliska ee Gobolka iyo kuwa Madaniga ah ee Xaafadaha Magaalada gaalkacyo.

buurtinletimes@gmauil.com

Xigasho Gurmad

Related Items


Leave a comment