Hay'adda HIRDA oo caawinaad u qeybisay barakacayaasha ku jira xeryaha Gobolka Gedo + video

Friday August 26, 2011 - 04:37:10
0 Comments
1927
Super Admin

Diifta daalka laga dhaxlay,gaajada wada gaartay dadka yar iyo weyn iyo haraadka daran ee ka jira Gedo waa astaanta aad u fahmeyso in aad ku sugan tahay meel ay abaari ku dhufatay, waxaana Raadadka ay reebeen iyo qeyla dhaanta abaaraha somaliya ka jirta ayaa saameyn xoogan ku yeelatay qaxooti somaliyeed oo kusoo barakacay gobolka Gedo,kuwaasi oo ka kala yimid Goboladda Bay,Bakool ,waxaana loo sameeyey xeryo qaxooti oo laga dhisay magaallooyinka Baled-Xaawo,Doolow iyo tuuladda Dayax oo ku sameysantay isla dadkaasi qaxootiga ah.

Dadka halkasi ku jira waxaa mid waliba uu la kulmay dhibaato u gaar ah,hooyo ayaa ninkeeda iyo carurtii ay dhashay ku weyday abaartaasi,aabe ayaa isagana xaaskiisa ku waayey abaartaasi,halka sidoo kale aad arkayso ilmo hooyo iyo aabe laįan ay ku dhacday oo ay dusha ku wadato ayeeyo dhashay ilmahaasi labadiisa waalid mid ka mid ah,iyaddoo ay dhibkaasi qabaan dadkaasi ayaa hadana waxaa aysan heysan gargaar deg deg ah oo uga yimaada Hayįdaha caalamka,Dowlada Somaliya iyo Jaaliyadaha dibada.

Hay'adda HIRDA FOUNDATION oo xarunteedu tahay Magallada Amsterdam ee wadanka Holland ayaa dhawaan socdaal cunto qeybin iyo kormeer heerka abaarta Gobolkasi ka jirta ku tagtay deegaanada Baledxaawo,Doolow iyo Dayax,waxaana cuno qeybindoonta ay u aheyd mid ay si weyn ugu farxeen barakacayaasha aan gacanta Dowlada iyo mida beesha caalamka soo gaarin.

Fadumo Maxamed Farah waa Agaasimaha Hayįdda Hirda,waxay todobadkan soo gaartay gobolka Gedo waxayna walaac xoogan ka muujisay heerka macluusha iyo abaarta ka jirta Gobolkaasi,iyaddoona fadumo sheegtay in aan laga sheekeyn karin waxa ay ku aragtay xeryaha ay booqatay.

Fadumo oo aan dalka Somaliya imaan ku dhawaad 20 sano ayaa socdaalkeeda ay iminka ku timid ku sifeysay inuu ku yimid dhibaatada abaaraha ka jira Somaliya hada.

"Dhibka halkan ka jira ma ahan wax laga faaloon karo,waxaan arkay dhibaato heysata dadkan somaliyeed,wali ma aysan helin wixii ay gargaar deg deg ah oo ay u baahnaayeen,Anaga HIRDA ahaan waxaan u qeybinay raashin ay bil ku sii noolaadan,waana sii wadi doonaa sidii aan walalaha dhibaateysan u garabsiin laheyn." ayey tiri Fadumo Maxamed Farax oo booqatay xeryaha qaxootiga Gedo.

Dhinaca kale barakacayaasha ay HIRDA kula kulantay gobolka Gedo ayaa dhankooda ka hadlay dhibka haysta iyo meelaha ay ka kala yimaadeen,waxaana si naxariise ku jirto baaq ugu jeediyeen somalida Qurbaha iyo Beesha Caalamka.

Hooyo ka mid aheyd qaxootiga ku jira xerada qaxootiga Doolow ayaa warbaahinta uga sheekeysay dhibka ay kala kulantay abaartan ka jirta Somaliya,waxaana sheekadeeda oo naxdin ay u bilowday " Waxaan ka imid xudur,waxana isoo safriyey waa abaarta ka jirta halkaasi,intii aan ku soo jiray jidka dheer ee u dhexeeya Xudur ilaa xeradan Doolow waxaan jidka iyaga oo nafi ku jirto uga soo tagay 5 carur ah oo aan dhalay,sida aad u jeedan carurtayda waxaan ka wataa ilmaha dusheyda saaran oo isaga xitaa macluul heysa darteed aan socon karin" ayey tiri hooyadaasi Somaliyeed ee ku jirta xerada barakacayaasha ee Doolow.

Hayįdda HIRDA ayaa ah hayįddii ugu horeysay oo somali ah oo tagtay xeryahaasi qaxootiga,waxaana sidoo kale ay raashinka ay si wada jir ah ugu qeybiyeen sadexda xero qaxooti ee ku kala yaal Baled-Xaawo,Doolow iyo tuulada Dayax oo hada xarun ah barakacayaashaasi.

Dadka aan halkaasi ku aragnay Waxa ay sida degdeg ah ugu baahan yihiin ayaa ah,raashin,biyo iyo hoy ay ka galaan qoraxda kulul ee halkasi ka jirta. Gobolka Gedo waxaa badi gacanta ku haya Dowlada ku meel gaarka ah ee Somaliya,sidaasi oo ay tahayna ma jiraan ilaa iyo hada wax dhinaca Dowlada ay kasoo gaarsiisay gobolkaasi deeqaha caalamka ay ugu talagaleen abaaraha Somaliya saameeyey.

Warbixintan iyaddoo muuqal ah halkan hoose ka DAAWO.

Related Items


Leave a comment