Shiikh shariif Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta booqday Suuqa weyn ee Bakaaraha, isagoo dib furay suuqa

Saturday October 08, 2011 - 19:20:59
0 Comments
836
Super Admin
Shiikh Shariif Madaxwaynaha Soomaaliyeed Mudane shiikh Shariif ayaa markii ugu horaysay intii loo doortay xilka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa booqday suuqa wayn ee Bakaaraha.

Wafdiga Madaxwaynaha soomaalia aya waxaa ku weheliyey Gudoomiayaha Gobolka Banaadir Mudane Tarsaniyo Taliyahaa Booliska Soomaaliyeed Gen; Shariif.

Madaxwaynaha Soomaalia ayaa Kula dardaarmay Ganacsatada in ay ilaalshaan amaanka isla markaasna la shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyo Kuwa asluubta Si ay ugu ganacsadaan nabadgalyo sugan .

Dad-waynaha ku ganacsan jiray Suuqa wayn ee bakaarahaayaa arrintaas aad u soo dhaweeyey ayagoo ruxaayey caleemoQoyan ,Mid ka mida dad wayanaha oo la hadalaayey shabkada Burtinletimes ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahayfuritaanka suuqa-wayn oo in dhawaale xirnaa, Asaga oo sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogaan.

Ciidanka Booliska Iyo kuwaAmisom oo is garabsanaya ayaaSuuqa-wayn ee Bakaaraha maantay amaankiisa aad u adkeeyey ayada oo laga dareemaayey feejignaan dheeraad ah .

Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ka mid yahay goobihii ay labadii sano ugu dambeeyay awoodda badan ku lahayd Xarakada Al-shabaab, balse ay si lama filaan ah uga baxeen horraantii bishii Ogoosto ee sannadkan, waxaana tan iyo xilligaas gacanta ku hayay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Abullaahi Ali farax Mugdisho


Related Items


Leave a comment