Kooxda Somaliweek D. iyo kooxda Jaaliyadda Soomaalida Kuwait oo wadatimid

Thursday October 27, 2011 - 00:11:17
0 Comments
3243
Super Admin
Ciyaar aad u xiisa badan ku dhaxmartey caasimada dalka Kuwait kooxaha kale ah Somaliweek Diaspora iyo kooxda Jaaliyada Soomaalida degan dalka Kuwait,
ciyaartaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne Soomaaliyeed oo aad u tira badan oo degan dalka Kuwait ayaa waxaa horkacayay safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Kuwait mudane Danjire Cabdulqaadir Shiikh Amiin iyo Qunsulka safaarada mudane Abiib ayna wehliyeen madaxda jaaliyada mudane Qumeyni iyo ururka Ardeyda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Kuwait


mudane Eng.Cabdirashiid.

Ciyaarta oo ku bilaabatey xamaasad iyo dardar ayaa waxaa moodeysay in kooxda Somaliweek Diaspora ay ka muuqatey awood dheeri ah madaama ay u soo galeen tabaabushe aad u weyn safarka ay ku joogaan caasimada dalka Kuwai, halka kooxda Jaaliyada Soomaalida Kuwait-na aad dhihi karo waxay ahaayeen kuwo ku dheelayay isbiirad iyo iska caabin.

Furitaanka ciyaarta ayaa waxaa loo furey si aad u qurux badan oo aan ka dhicin dalka Kuwait ama aan iraahdo Khaliijka, calanka Soomaaliya oo ah astaanta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa laga qaadayay garoonka heesta calanka, iyadoo calanka Soomaaliya ee quruxda badana u garoonka la dhaxtagnaa mudane Calanside, waxaana si rasmi ah u furey oo halkaasi ka hadley safiirka mudane Cabdulqaadir Amiin, iyadoo halkaasi lagu gacan qaadey ciyaartooyda labada kooxood, kadibna waxaa si rasmi ah u furey ciyaarta ciyaaryahankii qaranka iyo kooxda Horseed mudane Maxamed Ismaaciil oo lagu casumay inuu qayb ka noqdo safarka Somaliweek UK Diaspora.

Ciyaaryahan Maxamed Ismaaciil ayaa si weyn loga yaqaan dalkaan madaama uu ka mid ahaa xulkii Qaranka dalkeena kula dheelay dalkaan 1977, kaasoo soo jiitey indhaha dadka deganaa dalkaan wagaas iyo bahda isboortiga dalkaan.

Kooxda Somaliweek ayaa ciyaarta qaybtii koowaad ku dhalisay 2 goal kooxda Kuwait halka kooxda Kuwait ay dhaliyeen hal goal, dadweynaha ciyaarta u soo daawasho tagey ayaa aad ula dhacsanaa kulanka iyo imaanshaha kooxda Somaliweek, iyagoo sacabka u garaacayay kooxda marti ah ee walaalahooda booqashada ugu yimid, jawiga garoonka waxa u ahaa mid ay ka muuqatey shucuur Soomaalinimo, midnimo, isjaceyl iyo farxad isboorti.

Jaaliyada Soomaalida ee dalkaan degan ayaa ah kuwo si weyn ugu istaagey inay farxad iyo gacaltooyo ku soo dhaweeyaan walaalahooda uga soo socdaaley dalka Ingiriiska.

Qaybtii labaad ciyaarta ayaa hadane labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeeda aad loola dhaco, kooxda Somaliweek ayaa waxay dhaliyeen labo gaol kale, halka kooxda Jaaliyadana ay dhaliyeen goal kale, ciyaartiina waxay noqotey in kooxda Somaliweek ay kaga badiso 4 goal iyo 2 goal, kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Kuwait, run ahaantii waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan, iyagoo iska caabiyeen weeraradii ay ku soo qaadeen kooxda Somaliweek UK Diaspora oo filaynaysay inay ku barbaran doonaa kooxdatan, ciyaaryahanka ama kabtanka kooxda Kuwait ciyaaryahan Maxamed Cali Hariri ayaa oran karaa inuu noqdey ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa maalintaas, wuxuu ahaa ninkii suurtagaliyey inuu u dhaliyo kooxdiisa labada goal, wuxuuna ka dheela mid ka mid ah kooxaha ugu caansan dalkaan Kuwait, halka kooxda Somaliweek habeenkaasi uu wacdaro tuseen ciyaartooyda kooxdooda laakinse ciyaaryahanadii ay jeclaysteen jaaliyada waxay kale ahaayeen goalhayaha Calvin iyo weerarka qatarta ah Romario oo ahaa ninkii qalqaliyey daafaca jaaliyada Soomaalida Kuwait.

Macalimiinta kooxda Somaliweek iyo Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait ayaa run ahaantii aad ula dhacsanaa ciyaartaas.

Dadweynaha ciyaarta u soo daawasho tagey oo ka koobnaa caruur iyo ciroole ayaa iisheegay inay ka kooban yihiin dad dalkaan deganaa 60 sanadood iyo kuwa dhawaantaan yimidba ay aheyd markii ugu horeysay ay isugu yimaadaan ciyaar noocaan oo kale ah, islamarkaana ay aad ula dhacsan yihiin marti sharafta ku soo booqatey caasimada dalka Kuwait, walaalayaal waad na mideysayn weyna na farxad galiseen midnimada idinka muuqato iyo sida Soomaalida leh aad u wada socotaan, ku soo dhawaada dalka Kuwait , ku soo dhawaada walaalihiina Soomaaliyeed ay si kal iyo laab u gu sheegayeen marti sharafta iyo kooxda Somaliweek ee uga soo socdaashey magaalada London inay bartaan isna dhexgalaan.

Dhalinyarada labada kooxood ayaa is dhexgal wanaagsan ay u noqotey mid ay isku bartaan islamarkaana aad ugu xiiso qabey inay wada ciyaaraan.

Ciyaartii waxay ku soo dhamaatey farxad iyo reyn reyn iyadoo aan idin kaga soo qaadney sawiro xusuus leh oo aan ka helnay gacan weyn bahda saxaafada dalka.

W/D:Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

Kuwait City

Related Items


Leave a comment