Isbitaalka Guud ee Magaladda XaarXaar oo Bilaaban doono maalmaha ina ku soo fool leh;

Friday October 28, 2011 - 02:56:05
4 Comments
1855
Super Admin
Waxaa maal-maha soo socad bilaaban doona Isbitalka guud ee ay yeelan doonto magaalada Xaarxaar kaas oo noqon doona isbitaalkii ugu horeeyey ee laga dhiso deegaanka. Isbitaalka ayaa waxaa ayaa waxaa maal galinaya jaaliyada Deegaanka ee dalka UK.

Isbitaalka ayaa waxaa uu kamid mid yahay dhaq dhaqaaqyo oo ladoonayo in deegaanka Xaarxaar iyo Meeraysane lagu horumarinaya kuwaas oo ay hirgalinayaan Jaaliyadaha u dhashay deegaankaas ee kunool qurbaha.

Gudiga jaaliyada Uk ee hirgalinya Isbitaalka ayaa shaaca kaqaaday in dhismaha isbitaalka uu bilaamayo sibuucyada nagu soo aadan ee bisha November 2011 . Jaaliyada UK ayaa waxay la shaqayn doonnaan guddi kale oo ka dhisan wadanka Gudihiisa, kaas oo ka kooban labo guddi, Guddiga Odayaasha iyo Guddiga Dhalinyarada ee Aayakatalis.

Run ahaantii Dhallinyarada Aayakatalis oo noqday Hormuudka Hormarka deegaanka ayaa la fiyalaa in ay wacdaro ka muujiyaan hirgalinta Isbitaalkan iyaga iyo odayaashaoo isku duuban.

Maamulka Dagmada xaarxaar ayaa soo dhaweeyey Tilaabada ay ku tilaabsadeen Jaalliyadda UK ugana mahadceliyey hadalka ficilka leh ee ka soo yeeray jaalliyada cariga UK,. Isku soo wada duuboo tani waxay noqonaysaa tilaabo ku daysho mudan isla markaasna la rabo in ay ku daydaan jaalliyadaha kale ee ku nool waddan ka dibadiisa .

Maamulka Burtinletimes iyo XaarXaaronline ayaa soo dhaweeyey hormarka ay ku dhawaaqeen jaalliyda UK.

waxayna ugu baaqeen jaalliyadaha kale ee dagan wadanka dibadiisa in ay ku daydaan kuna dhaqaaqaan wax kasta oo hormarkeenaya.

burtinletimes.com

Related Items

Comments


Leave a comment