Kenya Xaq Ayeey u leedahay in Ay Soo gasho Dalka Soomaaliy Waayo Waxay Difaacaysaa Dalkeeda

Sunday October 30, 2011 - 02:10:20
0 Comments
2011
Super Admin
Madaxweynaha maamulka la baxay Asaaniya Prof Maxamed Cabdi gaandi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee soo galay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay goboladaasi ka Xoreeynayaan Wax Uu ku Sheegay In Laga Xoreynaayo Deegaankaas Isagoo Ula jeeday Xarakada Al Shabaab.

Wareeysi uu siiyey laanta Afka Soomaalida ee BBC-da ayaa waxa uu ku sheegay in Dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay Is Difaacdo Islamarkaasna Gudaha u Gasho Dalka Soomaaliya isagoona sheegay Markale in ay difaaceeyso dalkeeda oo Sida uu Sheegay lagu xadgudbay.

“Hadii dalkeeda lagu soo xadgudbay xaq ayay u leedahay inay is Difaacdo, Waayo Dhaqaalaheeda baa dhibaato loo geystay, Qaraxyo iyo afduub baa ka dhacay”ayuu yiri Prof. Gaandi. Mar wax laga weydiiyey Pro Gaandi beelaha ku mideeysan maamulka isaga uu madaxa ka yahay Ee Azaaniya ayaa waxa uu Tilmaamay in maamulka ay u dhan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed. “Maamulka Azaaniya, waxaa ku jira dhamaan beelaha, hadii ay ahaan laheyd, ciidanka, maamulka, baarlamaanka iyo guurtida, waana u mideysan yihiin beelaha Hawiye, Daarood, Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Sahnaad”ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ugu dambeentii Pro Gaandi ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay la socdaan Ciidamada Dowladda KMG isagoon tilmaamay in Dowladda Kenya ay ka shaqeeyneeyso Ammaanka Dalkeeda iyo Kan dalka Soomaaliya Waa suu Hadalka U Dhigaye.

Burtinletimes@mail.com

Xafiiskiisa Nairobi

Related Items


Leave a comment