Horta talada wax ma ku lee nahay: by Omer Suleiman Ali

Tuesday November 15, 2011 - 20:22:30
0 Comments
2261
Super Admin

Waxaan hubaa in aan Alle lagu haysan in uu isagu abuuray wax kasta oo jira. Shakina ma laha in uu isagu wax kasta oo jira uu sharci ku fadhiisiyey. Wuxuu Alle Quraankiisa kariimka ah noogu sheegay in kuwa Alle ka sokow cid kale caabudaa si kasta oo ay isu kaashadaan aanay abuuri karin duqsi.

يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ(الحج 73).

Culumada sayniskuna markii ay si gaar ah ugu kuur galeen cilmiga abuurka waxay kheheen “wax mug iyo miisaan leh (matter) oo aan jirin lama abuuri karo mid jirayna lama suulin karo, balse wixii uu ahaa wax aan ahayn ayuu noqon karaa. Maral: haddii qori la shido wuxuu noqdaa qiiq iyo dambas, iyada oo haddii qiiqii iyo dambaskii iyo qorigii ay isku miisaan noqonayaan”.

Cid abuurka Alle iyo nidaamka uu ku fadhiisiyey wax ka beddeli kartaa ma jiro, haddii la aan dheg loo dhiginna dhibaato ayaa ka dhalata. Matal: haddii ruux iska dhaadhiciyo in uusan dabku waxba gubin oo uu gacanta gashado dab aad u shidan wuu gubanayaa, sidaas darteed sida Alle wax ugu talada galay cid weydaaran kartaa ma jirto. Waxaan uga jeedaa in haddii wax aan bir ahayn lagu gubo iyada oo hawada u furan waxa ka soo baxana lagu milo biyo waxay noqonaysaa aysiidh (S+O2→SO3 + H2O→H2SO4), sidaas darteed habka Alle wax u jaangooyey cid wax ka beddeli kartaa ma jirto, waana si nolosha adduunka u habboon. Waxaan kale oo soo qaadanayaa inta nool cuntada waxaa u sameeya dhirta, dhirtuna cuntadeeda ay ka samaysato qorraxda iyo cagaarka caleenta biyahana waxaa u soo nuuga xididada, sidaas ayuu Alle u gartay cid ka beddeli kartaana ma jirto. Wuxuuna aayadda Quraanku noogu sheegay;

فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا فِطْرَةَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ(الروم 30).

Haddaba cid kasta oo isku dayda in sidii Alle wax u jaangooyey in ay hareer marto waxay kala kulmaysaa dhibaato culus oo naf iyo maalba leh, waxaana looga bixi karaa in sida wax u jaan go’an yihiin la isugu suubaaliyo ee aan laga hor imaan. Dhibaatada ka dhalata ku talo galka Alle oo la khilaafo haddii aan sida ay tahay loo garan waxaa dhicaysa in xalkeeda laga raadsho meel uusan jirin, taas oo iyada lafteedu noqonaysa in la isku dayo in dhibaato jirta lagu xalliyo si aan waafaqsanayn jaan gooyada Alle, taas oo markeeda ay dhibaato kale ka dhalan karto tii horena xal u noqon waayeysa.

Dad ayaa habeen iyo maalinba u xuslinaya in ay xal u helaan dhibaato jirta hase yeeshee xalkeeda ka raadinaya meel uusan jirin, sidaas darteedna ay uga baxdo qarasha fara badan iyo waqti badan in ay ka sii darto mooyee aan ka soo roonaanayn.

Sidaas oo kale ayaa dhibaatada baahsan ee maanta ka jirta Soomaaliya oo dhan ha noqoto kuwa dawladda sheeganaya, ha noqoto kuwa dawlo goboleedyada sheeganaya mid walba meel ayaa dhibaato ku haysataa, waxayna dhammaan xalka ka raadinayaan meel uusan jirin.

Waxaad arkaysaa kuwa dawladda dhexe sheeganaya oo leh waxaan doonaynaa in aan soo celinno kala amnigii, dambayntii iyo qaranimadii ummadda iyaga oo adeegsanaya ciidamo ajnebi ah oo weliba gaalo ah. Wax ka sii hallaaba mooyee wax xal ah ma hayaan. Marka waxaa isweyddiin mudan horta yaa naga qaatay amnigii, kala dambayntii iyo qaranimadii aynu lahayn? Ma dad aadami ah ayay ku maqan tahay mase Alle ayaa nagu cadaabaya xumaan aynu shaqaysanay oo doonaya in aynu is garanno una laabanno isaga? Waxaan shaki ku jirin in aynu weydaaranay jidkii Alle iyo jaan gooyadiisii uu ugu talada galay in ay wax ku kala socdaan. Iyada oo aan Alle loo laabanna ma dhici karto in xal la helo. Waxaana xalka laga raadinayaa in ciidamo ummadda cadaw u ah oo ajnebi ahi ay xal keenaan, Allena wax xal ah oo laga doonayaa jirin.

Waxaan u arkaa ama uusan shaki ku jirin in ummaddu ay weydaaratay meeshii uu xalku ku jiray ee lagu gaadhi lahaa amni buux, kala dambayn iyo qaranimo buuxda. Waxaan ummadda Islaamka ah u sheegayaa in dawladaha awoodda Alle siiyey iyo cid kale toona keeni karin waxa ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay, waxaa keliya oo xalka ummaddu ku xiran yahay Alle ee isaga dib aan ugu laabanno xaqa oo la weydaartay joojinno Allena u toobad keenno iyaga oo aynu ballan iyo wacad niyo sami ah ku qaadanayna ku dhaqanka shareecada Alle.

Haddi kale dhibaatadaas iyo mid ka sii xun ha loo diyaar garoobo. Midda kale kuwii nabaddii yarayd ee Alle nagu siiyey gacanta midawgii maxaakiimta ku soo duulay ee naga kala tuuray miyaad xal ka sugaysaan? Maan gaabnimo qaan gaadhay iga dheh.

Waxaan culumada Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ummadda u istaagaan oo aanay dhibaatada iyo cadaabka socda ku eegin. Wallee in aanay beesha caalamka, UN-ta, EU, AU iyo IGAD iyo cid kale toona xal u keeni karin Soomaaliya iyo cid kale toona.

Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa aayaddan Quraanka.

يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا(الأحزاب 71).

Related Items


Leave a comment