Kenya ma run baa in ay codsiga Dawladda ku soo gashay Soomaaliya

Tuesday November 15, 2011 - 20:32:49
0 Comments
1864
Super Admin

Waxaa wax laga yaq yaqsoodo ah in Itoobiya markii ay soo gashay Soomaaliya ay ku andacooto in ay ku soo galnay codsiga TFG. Sidaas oo kalena ay kooxda Shariifyada ee argagixiso la dagaalanka caalamiga ah ka wada gobolka Soomaaliya ay ku andacoonayaan in ay Itoobiya ku soo gashay codsiga dawladda ku Meel gaarka ah. Waxaan kale oo in badan ka fiirsaday UnivTV dad Soomaaliyeed oo kaga doodaya in Itoobiya ay ku soo gashay codsiga dawladda TFG.

Haddana waxaa socota Kenya oo sheegatay in ay ku soo gashay codsiga DKMG ah isla mar ahaantaasna kuwo ka tirsan golaha aragagixiso la dagaalanka Soomaaliya ay sheegaan in ay raalli ka yihiin cid kasta oo la dagaalaysa Ashabaab.

Waxaa taageero weyn u haya cadaw kasta oo dalka soo gala TV Universal oo cadawga ummadda ku dhiirri geliya in aanay ka waaban in ay dalka soo galaan iyaga oo muujiya dad wax ma garato ah oo dhahaya Itoobiya way ku saxnayd in ay soo gasho Soomaaliya haddana waxay lee yihiin Kenya waa sax in ay soo gasho. Taas oo dhalin karta in Itoobiya iyo Kenyaba ay ku dhiiradaan soo gelitaanka Soomaaliya iyo xasuuqa ay u geysanayaan shacabka dulman.

Waxaa arrinkaas dhinac socda Ashabaab oo laftoodu aan ka hadlin arrimaha siyaasadda ay faraha kula jiraan in ay dhahaan wax ayaanu laynaynaa mooyee aan talo gele hayn.

BARAARUJIN

1.Haddii aan tix raaco sharci ku sheegga caalamiga ay UN-tu u samaysatay in ay gaaladu adduunka ku gumaystaan wuxuu sheegayaa in haddii ay dawladi u yeerato ciidamo ajnebi ah in ay dalkeeda soo galaan, ayna ciidamadaasi dalkaas u yeertay geli karin in marka hore loo gudbiyo guddi amni ku sheegga UN-ta oo ay markaas iyagu ogolaadaan mooyee. UN-tu waxay xadidays tirada, hubka noociisa, hawlagalada ay ciidamadaasi gudaha dalkaas ka fulinayaan iyo waxyaabaha aanay samayn karin. Wixii xad gudubyo ah ee ay geystaanna iyaga ayaa ballan qaad ku sheeg been ah qaaday in ay wax ka qabanayaa oo ciddii xad gudub ku samaysa dadka maxkamad caalami ku sheeg ah saaraya.

Haddaba waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa in Itoobiya dalka ku soo gashay iyada oo aanay UN-tu ogolaan. Waxaase taagan sidee UN-tu uga aamustay in ay ciidamada Itoobiya galaan Soomaaliya oo weliba ka geystaan xasuuq ba’an oo ay ka aargoosanayaan dagaalkii 77kii. Jawaabtaas waxaan ka sugaynaa UN-tu in ay ummadda Soomaaliyeed ka qanciso haddii kale waxay noqonaysaa in adduunka oo dhammi ku soo duulay Soomaaliya oo aan loo kala hadhin wayna u muuqataa, markii caalamkii Islaamku arrinka Soomaaliya ka hadli waayey wixii ciidan ah ee la keenaana uu noqday ciidan laga keeno dawlado gaalo ah oo keliya.

In ay UN-tu ka hadasho duulaanka qaawan ee Itoobiya ku soo qaadday Soomaaliya iska dhaaf eh waxay Itoobiya ku mutaysatay ammaan iyo sharaf aanay weligeed ka helin aadamiga, dagaal yahanadii Soomaalida ahaa ee dalkooda, dadkooda iyo diintooda daafacanayeyna waxaa lagu shaabadeeyey argagixiso. Markii ay ciidamada Itoobiya ka baxeen Soomaaliya ayay UN-tu soo saartay repoodh dhahaya soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya waxay ahayd xad gudub iyo sharci darro, haddana UN-tu ma cambaarayn soo gelitaanka Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay dad Soomaali ah oo weliba sheeganaya in ay yihiin aqoon yahan ayaa ilaa maanta aan ka maqlaa miidiyaha oo u malaynaya in dawladi isaga yeedhan karto ciidamo dawlad kale oo ajnebi ah.

Sidoo kale Kenya wax sharci ah kama haysato UN-ta dawladda ay lee dahay codsigeeda ayaan ku soo galayna uma sharciyeynayso in ay ku soo gasho xaqna uma laha. Marka waa isla sheekadii Itoobiya oo kale waana shirqooladada argagixiso la dagaalanku ka wadaan adduunka ee ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan caalamka mar kale. Argaxisonimadu waa sabab ogolaanaysa in ummad lagu duulo loona hiilin ee isku dhan laga maro. Waxaananse garanayn hiilada aadamigu cidda ay wax gelin doonto.

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاءُوهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَانْتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُوا وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ(الروم 47).

KENYA WAXAY DALKA KU SOO GASHAY SHARCI DARRO KUMANA SOCOTO SHARCIGA BAADILKA AH EE GAALADU SAMAYSATAY EE UNTU MADAXDA KA TAHAY. SIDII ITOOBIYA OO KALE AYAYNA KU SOCOTAA XAD GUDUB IYO XUMAAN. DADKA SOOMAALIYEED EE U RIXINAYAANA WAA KUWII ITOOBIYABA KU LAHAA CAANO IYO BIYO AYAANU IDINKA DABA QAADAYNAA.

SHABAABTA.

In kasta oo aan aaminsanahay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay mid diimeed, haddana uma arko Shabaabtu in ay yihiin mujaahidiin sida ay sheeganayaan. Waayo kitaabka Alle oo kor ahaada waxaa kala weyn in ay iyagu magac weyn yeeshaan. Waxay shabaabtu gaar ka noqdeen mujmacul Islaam diideenna in ay raacaan in iyaga la raaco mooyee. Shuuro ma laha ee hal nin oo ah digtaytar ayaa amarkiisa lagu socdaa, taasina waa ka xaaraansan tahay ummad Islaam ah in lagu maamulo oo waa tii uu Alle rasuulkiiba ku dhahay maamulka kala tasho dadka.

فَبِمَا رَحْمَةٍ مِنَ اللَّهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانْفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ(آل عمران 159).

Macnaha aayadda oo koobani waa sidatan:

Naxariista Alle darteed ayaad ugu noqotay mid dadka u debecsan waayo haddii aad ku qallafsanaan lahayd way kaa kala tegi lahaayeen ee kuma aanay ag fadh fadhiyeen, sidaas darteed wax kasta oo ay sameeyaan u iska cafi Allena uga bari dembi dhaaf lana tasho oo ha ku noqonin keligii taliye, marka haddii aad wax goosatana ku dhaqaaq Allena talo saarta wuxuu jecel yahay kuwa isaga talo saarta eh.

Marba haddii aanay u dagaalamayn in kitaabka Alle kor ahaado ee magacoodu kala weynaaday jahaad ma aha ee waa gaalaysiin ay dadka gaalaynayaan. In aanay kitaabka Alle u dagaalamayn waxaa u ah daliil, mujmacii Islaamka ayay ka dhex baxeen wax aan Islaamku doonayn ayay markaas doonayaan oo ay rabaab in uusan Islaamku la wadaagin. Islaamka ku talo iyo tayo ma aha ruuxii aan iyaga ka tirsanayn ee caalim ah waxay xalaalaystaan dhiiggiisa, sharafkii iyo xoolihiisa.

Waxay duullaan iyo dagaal ku qabsadaan magaalo Islaam ah oo laga addimo laga tukado si ay u sheegtaan in ay iyagu xukumaan, waa mid eh waxay maqashiinayaan kuwo iyaga siiya lacag iyo adduun weynaha si ay u sheegaan magac, fikradaha noocaas ahina diinta meel kama soo galaan.

SHABAABTU HADDII AY SI XAQ AH DIINTA UGU SOCON LAHAAYEEN KAMA DHEX BAXEEN CULUMADA ISLAAMKA IYO DADKA ISLAAMKA AH. HADDII AY KA TIRSAN YIHIIN SIDA AY SHEEGNAYAAN WAXA LOOGU YEEDHO ALQAACIIDA IYAGA LAFTOODU WAA URUR GAAR UGA TASHADAY ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTA WAXA AY SAMAYNAYAANNA KA YIHIIN WAX UUSAN ISLAAMKU LA WADA QABIN TALONA KU LAHAYN.

Sidaas darteed waxaa ii muuqata in ay ka mid yihiin quwadaha ajnebiga ah ee danta gaarka ah ka leh Soomaaliya si u fushadaan dantaasna ku daaban kooxo Soomaali ah. Waxayna ku dambayn doonaan jidkii Moxammad Cabdulle Xassan ka baxay oo isaga laftiisu ahaa takfiir shabaabtuna waa la hubaa in ay yihiin takfiir waayo waxay lee yihiin astaamihii takfiir oo kale.

Waxaan kale oo aan dareemay in markii gaaladu soo saareen culayska badan ay dadkii dib ugu laabteen oo ay lee yihiin gaalada diinta ka difaaca, marka shalay waxay ahaayeen gaalo ay laayeen ma maanta ayuu dadku noqday muslimiin difaaca diinta Islaamka.

SHACABKA SOOMAALIYEED.

Waan ogahay in aad tihiin ummad muddo dheer laga shaqaynayey in la is nacsiiyo lana kala qaybiyo si loo cadawgu danahooda uga fushadaan. Waxaa la idiin kala saaray qabiil beenaad aanay waxba ka jirin, waxaa la idin baray dhaqanka aan ka islaamka ahayn ee gaalnimo ah idinka oo Islaam ah oo masaajidada buux dhaafiya ayaad xagga dhaqanka iyo afkaarta ka tihiin gaalo. Waxaan idin lee yahay:

DHAQANKA IYO AFKAARTIIN ISLAAMIYA GAALADA AAD U KALA DHUUMANAYSAAN ALLE AYAA IN BADAN NOOGA HADLAY IN AANAY WAX KHAYR AH NALA RABIN IYO IN AY GAALNIMO NALA RABAAN EE ISKU TASHADA.

Dadka ayaa ku dooda dawladdi ma jirto Shabaabna waa nimankaas dil mooyee aan diin haabkeeda haynin, marka waa laba daran mid dooro.

Waxaan walaalayaal idin lee yahay:

GAALO GAALNIMO AYAY INOO WADAAN HORAYNA NOO BAREEN DHAQANKOODA MARKA MA IN AYNU ALLE KA FOGAANNO AYAA KA DHIB YAR IN AYNU HELNO DAWLAD IYO NOLOL ADDUUNYO? WAXAAN DOONAYAA RUUX SU’AASHAAS IIGA SOO JAWAABA. HADDII AY TAHAY IN DAWLADNIMO IYO NOLOL ADUUNYO LA HELO AYAA ALLE OO LAGA CABSADO KA DHIB BADAN MARKAAS WAA IN AYNU ALLE KU DHAHNO RAALLI NAGA AHAW WAX NOOGA KAA DARAN AYAAN NA HAYSTO EH HADDII KALE WAA IN AYNU NOLOSHA IYO DAWLADNIMADA KU GADANNO RAALLIGELINTA ALLE.


G/le Sare Omer Suleiman Ali

Related Items


Leave a comment