Ururka Mere Relief Organization oo Shir ku qabtay Maggaalada Amersfoort ee wadanka Holland,

Friday November 25, 2011 - 01:06:55
0 Comments
2012
Super Admin

Waxaa Nov 19, 2011. ka dhacay kulan ay soo qaban qaabisay hay'adda Mere Relief Organization oo ah Hay'ad ka Hawlgasha waddanka Nederland iyo Soomaaliya.

Ugu Horrayntii Waxaa shirka Furay Gudoomiyaha Hay'adda Mere Relief Organization Mudane Kaamil Husein Cidilibaax, Asaga oo ku nuux nuux saday hadafka loo furay Ururkaan iyo kaalintisa wax qabad ee kaga aadan Bulshada. Mudane Cidilibaax oo ugu Horayntii u mahad celiyey ka soo qayb Galayaashii Shirka Sida sharafta leh oo ay wakhtigooda qaaliga ah U soo Hureen danta Guud ayaga oo meel iska dhigay midda gaar ka ahayd.

Gudoomiyaha oo hadalkisa sii watana wuxuu yiri'' walalayaal aan gacama is qabsano aan ka shaqayno midnimadda iyo wax wada qabsiga inaga oo hadafkeenu yahay in aan isku duubnaano dadkeena iyo dalkeenana aan wax u qabano, waad ogtihiin maanatay wax waddankeenii ka jira oo dhib ah oo abaar ah oo wax barasho la'aan ah haddaannaan masuuliayada gaar ah iska saarin oo waliba far kaliya fool ma dhaqdee inaga oo isku duuban annaan wax wada qabsan cidi wax inoo qaban mayso ma jirto Ayuu hadalkiisa Ku so afmeerayGudoomiye Kaamil Cidilibaax.''

Intaas ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Mulki Cabdullahi Farax jirac oo runtii ahayd shaqsigii suurta galiyey markiisii Hore ururkaan In dhidibada loo taago. Ilahay baa mahad leh bay tiri maantay'' hadaan halkaas marayno waxan markasta idin kula dar daaramayaa in aad Gacanta is qabsataan Horana u soctaan si aad uga sal gaartaan Hadafkiina ah in wax muuqda la qabto loona qabto Dadkeena iyo dalkeena Hooyo iyo waliba wadanka aan ku nool nahay ee Nederland sidii aan ugu noolaan lahayn Ayey tiri Mulki Cabdullahi.''

Dadkii ka soo qayb galay shirkii ayaa ayguna dareenkooda Muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin wax qabadka muuqda oo aan la qarin karin aadna ugu hanbalyey dadkii soo qaban qaabiyey kulankaan taariikhga ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo balamay Shirkaan Shirka xiga in uu dhacayo Bisha April ee sanadka Cusub inta ka horaysana la qabto wax yaalo badan oo ay ka mid yihiin arruurinta lacagaha Maaliyadda ah iyo waliba ka qayb qadashada Kulamada Caadiga ah ee xagga TellPhone ka, Iyadoo lagu kal war qaadanayo wixii Soo kordha iyo wixii kale ba. Intaas ka dib ayaa la is macsalaameeyey isga oo shirku ku dhamaaday Jawi aad u qurxoon.

Abdihakin Abdi

Amersfoort

Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment