Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo–

Saturday November 26, 2011 - 04:58:04
0 Comments
2647
Super Admin
Sharciyadda Kubbada Cagta iyo Qoddob kasta wixii uu khuseeyo Hordhac: Guud ahaan sharciyadda guud ee kubbada cagtu waxa ay ka kooban yihiin 17qoddob,inkasta oo wakhtiga la ciyaarayo ay qodobka 2aad iyo qodobka 12aad ugu fir-fircoon yihiin,hadaba mawduucani waxaan ku qaadaa- dhigaynaa sharciyadda oo kooban iyo qoddob kasta wixii uu khuseeyo, sidaa darteed qoraalkani ma aha jawaabaha155ta su'aalood ee sharciyada ciyaarta kubadda cagtu ay ka kooban yihiin.


Qoddobka1aad: Sharaxaada guud ee garoonka

Qiyaasta iyo cabirka xerro kubadda (garoonka, gegeda ) oo u kala baxaya sidan:-
.Cabirka laymanka ku wareegsan garoonka ee ( xadka dheer iyo xadka gaaban )

Cabirka garoonka ee ciyaaraha gudaha-
Dhererka garoonka : ugu yaraan 90metre
- Dhererka garoonka : ugu badnaan 120metre
- Ballaca garoonka : ugu yaraan 45meter
- Ballaca garoonka : ugu badnaan 90metre

Cabirka garoonka ee ciyaaraha Caalamiga-
Dhererka garoonka :ugu yaraan 100metre
- Dhererka garoonka :ugu badnaan 110metre
- Ballaca garoonka : ugu yaraan 64metre
- Ballaca garoonka : ugu badnaan 75metre

- Cabirka dhererka goolka iyo Jooga goolka ( 7.32metre x 2.44metre )
- Dilinta 18aad :khadka goolka ilaa barta rigooraha laga laado ( 11m ) iyo barta rigooraha ilaa qaansada rigooraha (9.15m)
- Dhererka labadda xerro ee ku gadaaman goolka ee xerrada dibedda iyo xerrada gudaha ( 16.15 x 5.5m )
- Cabirka goobadda dhexe ee garoonka (9.15m)
- Cabirka xeradda yar ee geeska ( corner) ee kubadda laga laado oo ah ( 1m )
- Jooga ullaha geeska ( corner) ee calanka lagu xidho ( 1.5 )metre
- Lixda calan ee garoonka, afar calan ayaa khasab ah
- Ballaca xariijimaha garoonka ugu badnaan 12cm

Qoddobka 2aad:Nabadgelyadda Kubadda iyo Qiyaasta dheelitirka Kubbada
Shayga kubbadu ay ka samaysan tahay : maqaar ( harag)
- Qaabka Kubadda : Malaasan
- Qiyaasta kubadda : lambar 5
- Cufnaanta iyo wareega kubbada ugu yaraan 68cm - ugu badnaan 70cm
- Culayska kubadda ugu badnaan 450grams - ugu yaraan 410grams ( marka ciyaarta la bilaabayo )
- Naqaska kubbada : 0.6bar ama 0.8bar ..cadaadiska kubaddu waa in uu ku sar go'anyahay hawada
dhulka ku wareegsan,cadaadiska hawada ka sarasysa badda iyo cufis jiidadka
waxaa kale oo ku jira xeerkan bedelka kubadda

Qaybta farsamada- Go'aanka gudidda xeer ilaaliyaasha ee qaybta farsamada
- Diiwaanka tiradda ka qayb qaadanaysa ciyaarta
- Meel marinta sharciyadda (sharciga) tartanka ama tartamadda u yaala
- Boos ku soo noqoshada garoonka iyo qaybta farsamada
- Abaabulka iyo diyaar garowga kooxda

Agabka garsooraha afraad ee qaybta farsamada iyo kaydka
. Kooxda waxaa loo ogol yahay.halkii marba hal tababare oo ku magacaaban
- Boos ku soo noqoshada ciyaartoyda kaydka , garsooraha kaydka iyo madaxda ciyaarta
- Ogolaanshaha garsooraha ee garoonka ( galid iyo bixid)
- Dhakhtarka gurmadka deg-dega ah oo ku soo gali kara ogolaanshaha garsooraha
- Hal qof oo kaliya ayaa loo ogolyahay in ciyaartoyda garoonka ku jira uu gaadhsiiyo fariinta farsamada ee
tababaraha, kaas oo booska ka kici oo kuna soo noqon kara.
- Dhamaystirka qoraallada warbixinta guud ee ciyaarta ( natiijada, anshaxa ciyaarta, gudidda ) iwm.
- Garsooraha afraad ee miiska shaqo kuma laha sharciga ciyaarta ee wixii khaldan garsooraha ayuu wargeliyaa

Asluubta iyo ganaaxa ee qaybta farsamadda :- Waa in tababaraha, dhakhtarka iyo ciyaartoygu ay muujiyaan mas'uuliyad (xil kasnimo)
- Ma laga saari karaa tababaraha garoonka ?
- Qaybta farsamada ma laga saari karaa dhakhtarka gurmadka deg-dega ah ?
arimahan kor ku xusan waxa ay hoos yimaadaan sharciga qaybta farsamadda

Qoddobka 3aad :Cadadka ka qayb qaadanaya ciyaarta
Tiradda Ciyaartoyda
11 Ciyaartooy
1Gool-wade ama gool-haye
Sharciga Miiska farsamadda ee qaybta kaydka
Ciyaartoyda kaydka ah ( bekino )
Tiradda kaydka : Ugu badnaan 7ciyaartooy
Tiradda bedelka: 3ciyaartooy ayaa la badali karaa ( labadda nasho )
iyo xeerka bedelka goolhayaha

Xeerka badelka ee ciyaartoyda kaydka
a)Ciyaartoyga laga saaro ciyaarta oo weli la bilaabin, waxaa lagu badeli karaa kaydka sajilan ama diiwaan gashan
b).Ciyaartoyga kaydka ah ee fadhiya . hadii laga saaro garoonka , ciyaartoy kale oo kayd ah la guma badali karo booskiisa
Hadii kooxdu magacyadda ciyaartoyda kaydka ah ay u gudbiyeen garsoorka , ciyaartoyduna ay ka daaheen kuraasta kaydka oo ay soo fadhiistaan( fariistaan) ciyaartii oo socota, garsooruhu uma diidi karo ciyaartoyda fadhiga miiska kaydka (bakino)

Badelka Ciyaartoyga
Marka is-badelka la samaynayo
- Garsooraha oo la ogaysiiyo
- Ciyaarta oo la joojiyo
- Ciyaartoyda baxaya iyo ciyaartoyga galaya
- Ciyaartoyga oo laga badalo khadka kala badhka garoonka
- Bixitaanka ciyaartoyga. hadii ay jiraan asbaabo gaara
- Dhamaadka xeerka bedelka + Ciyartooyga = Astaanta galida garoonka-
- Xeerka ciqaabta iyo asluubta

Ganaaxa ciyaartoyga kaydka ah ee sharciga ka hor yimaada
.Hadii ciyaartooyga kaydka ah uu garoonka iska galo garsooraha oo aan la ogaysiin
garsooruhu waxaa la guboon saddex talaabo:
- Waa in firimbiga (siidhiga) uu yeedhiyo (afuufo ) isla markaana uu joojiyo ciyaarta
- Waa in garsooruhu kaadhka digniinta ee jaallaha (huruud) uu siiyo ciyaartoyga falka sameeyey
- Waa in garsooruhu.kubbada uu u tuuro labada kooxood ( halkii ciyaartoygu uu ka soo galay )

Qoddobka 4aad:Qalabka ciyaartoydda (ciyaartoyga)
Nabadgelyadda Ciyaartooygu ma isticmaali karo ama ma xidhan karo wax kasta oo khatar galinaya ciyaartoyga kale iyo naftiisaba, sida( silis ama katiinad, ,saacad, iwm)
- Waa in.funaanada uu hoos ka mariyo surwaalka (dabo-gaabka ama lugo gaabka), gaar ahaan marka uu soo galayo garoonka
- Waa in la fiiriyo gacmaha funaanada iyo raqabadda funanadda (qoorta) in uu wax ku qariyay
- Waa in uu sharabaado (sikisaan) iyo kabbo uu xidhan yahay oo la hubiyana in uu wax ku qarinayo
- Qalabka bad-baadada lugaha ( shinpad and shinguard) waa inay ka hooseeyaan sharabaadada(sakisaanta)
- Ciyaartoyda oo dhan waa in ay ka siman yihiin qalab ku haboon cimillada iyo nabad gelyadda
- Waa in funaanada gool wadahu (goolhaye )ay ka duwan tahay midabka dirayska kooxdiisa

Qoddobka 5aad :Garsoorayaasha/ garsooraha
Agabka garsooraha
. Waa in uu u hogaansan yahay sharciga
. Waa in .Ciyaarta uu xakameeyo isagoo la kaashanaya labadda calan wade
. Waa in talaabo uu ka qaado ciyaartooygii ka hor yimaada sharciga
. Waa in talaabo uu ka qaado Madaxda kooxda, hadii ay sharciga baal maraan
. Garsooruhu waa uu badali karaa calan wadaha ( hadii uu ka gaabiyo wada shaqayntooda)

Dhaawaca ciyaartoyda
.Arimaha yaryar ee fudud: waa in ciyaartu ay socoto
.Dhaawaca culus:garsooruhu waa in ciyaarta uu joojiyo
.Dhaawaca dhiiga : Ciyaartoygu waa in uu garoonka ka baxo
Go'aanka garsooraha
Ka faa'iidaysiga fursadaha ciyaarta oo sii socota ( advantage)
Hadii khaladku fudud yahay, ha u ogolaado fursad uu ka faa'iidaysto( advantage) ciyaartoyda kooxda kale in ay sii wataan ciyaarta

Su'aalaha ku saabsan go'aanka garsooraha
- Haddii arimaha ka faa'iidaysiga aan lagu kordhin ciyaarta, Maxaa dhici kara ama ka iman kara , ?
-Talaabooyinka la qaadey ee waafaqsan sharciga dastuuriga ah ee ciyaaraha , Ma noqon karaan arimo keeni kara dib u gocasho ?
-Garsooruhu ma ka noqon karaa go'aankiisa ?

Qoddobka 6aad :Wakhtiga / Natiijada / iyo waajibaadka calan wadaha
Wakhtiga la bilaabayo ciyaarta . Waa in kooxdu ay soo gudbiso garsoorka magacyadda madaxda ciyaarta iyo ciyaartoyda
Natiijada : Waa in la suggo lana qoro natiijada ciyaarta

Waajibaadka agabka ama shaqadda Calan wadaha
. Ka taxadiro in lagu sii ciyaaro kubad ka baxday garoonka oo dib ugu soo noqotay ciyaarta
. Laadka.laga soo gamayo geeska ( corner)
. Ciyaartooydu ay ka fogaadan goobta rigooraha ,marka rigoore la laadayo
. Baaqa astaanta is- bedelka ciyaartoyga.
. La socda ciyaarta isla markaana saxo hubiyana khaladaadka ka fog aragtida garsooraha
. Marka Ciyaartoygu uu galo ciyaardhaaf (offside)
. Haddii Ciyaartoygu carqaladeeyo ciyaartoyga iyo ciyaartaba ( nabad gelyadda awgeed)
. Calan waduhu ma siin karo ciyaar dhaaf (offside ) ciyaartoyga ee garsooraha ayuu u baaqi karaa

Qoddobka 7aad: Saacadda ciyaartu ay soconayso
. Labadda wakhti ee ciyaarta oo mid walba uu yahay 45daqiiqadood ( waxa ay ku xidhan tahay tartanka)
. In wax laga bedeli karo wakhtiga ciyaarta ?
. Goorma ayaa wakhti dheeraad ah lagu dari karaa?
. Dhamaystirka rigoorayaasha ( gool-ku laadka)

Nasashadda
.Ma haysataa ama leedahay wakhti aad nasato ?
-Wakhti intee le'eg ayay kugu qaadanaysaa ?
Wakhtiyadda dhaacawa
.Kaydka
.Qiimaynta iyo la la tacaalka dhaawaca
.Ciyaartoyga dhaawaca ee garoonka ka baxaya
.Wakhti lumiska
.Arimo kale

Qoddobka 8aad :Xeerka biloowga ciyaarta, iyo dib u biloowga ciyaarta (nasashada, marka gool dhasho, gees (corner) , darbada (xorta ah iyo ta xorta ahayn),gacan ku tuurka,gool laadka (goalkick), gool ku laadka ( (rigoore ama penalty)) iyo marka ay jiraan arimo loo hakiyey ciyaarta )Qori tuurka labadda kooxood

- Waa in kooxda qoriga tuurka heshaa ay kala doorato kubadda ama goolka
- Waa in Ciyaartoygu marka kasta oo ciyaarta la bilabaayo ka fogaado kubbada ugu badnaan 9.15( talaabo)
- Kubbadda oo la dhigo badhtamaha garoonka
- Astaanta garsooruhu uu gacanta u taago marka ciyaarta la bilaabayo in laba kooxoodba ay diyaar yihiin
iyo siidhiga ( Firimbiga ) oo uu yeedhiyo ama uu afuufo

Qoddobka 9aad:Xeerka kubbada gasha garoonka iyo kubbada ka baxda garoonka
Xeerkan waxaa uu ka koobanyahay labo qodob oo kala ah

Kubbadu marka ay ka baxdo garoonka ee aan lagu ciyaari karin
.Gebi ahaan marka kubaddu ay ka gudubto xadka garoonka iyo laymanka goolka ku gadaaman
haddii ay marto dhulka ama hawada labadaba

b). Wakhtiga kubadda aan la joojin karin ee la sii ciyaari karo
.Haddii kubaddu ay ka soo boodo baallaha (birta) iyo Usha calanka ee ay garoonka ku soo noqoto
.Haddii kubaddu ay ku dhacdo garsooraha iyo calanwadaha oo ay garoonka ku soo noqoto

Qoddobka 10aad: Xeerka sugida natiijada goolasha dhashay
.Goolka iyo goolasha la kala dhaliyay oo la qoro
. La sugo natiijada kooxda badisay (raysay) ee guushu raacdey
Haddii ciyaartu ay ku dhamaato gurmad dhac (bar-bardhac) in wakhti saa'idda lagu daro , hadii lagu daro waa in la raaco ,sida uu dhigayo xeerka iyo xeerinta sharciyadda kubbada cagta iyo Sharciyadada tartammada ee IFAB.

Qoddobka 11aad: Xeerka Ciyaar dhaaf (Offside )
Ciyaartoyga ku jira Ciyaar dhaaf ( offside ) garsooruhu waxa uu xukunka ridaa ,marka kooxdiisu ay kubbada taabato ama laado
Marka ciyartoygu uu ku jiro Offside
Marka ciyaartoydgu uu ku dhowaado goolka kooxda kale ee isaga iyo kubbadu ay gadaal ka maraan difaaca koowaad

Marka ciyaartoygu uu ku jirrin ciyaar dhaaf (offside)
Marka uu joogo ,badhtamaha garoonka iyo qaybta kooxdiisa
- Marka uu la gudboon yahay heerka raaca difaac labaad ee ugu dambeeya
- Haddii uu la gudboon yahay heerka raaca labada difaac ee ugu dambeeya
- Marka kubadda laga soo laadayo goolka kooxda kale iyo marka ( gacanta lagu tuurayo iyo Kornerka )

Aragtida garsooraha in ciyaartoyda la siin karo ganaax ama digniin
waxaa ka mid ah wakhtiga ciyaartoygu uu ku mashquulo arimahan:-
.Carqaladeeyo agabka ciyaarta
.Faro galiyo ciyaartoyda kooxda kale
.Booska ugu hadha in uu ka faa'iidaysto furasadda (offside)
Qoddobka 12aad: Xad gudubka (xag-xagashada, xanaaqa ) iyo anshax xumada
Xeerkani waxa uu khuseeyaa arimaha keena rigoore iyo labadda laad ee laadka xorta ah iyo laadka aan xorta ahayn ( Direct free kick, Indirect free kick,Penalty )oo ah sidan hoos ku xusan:-

Laadka xorta ah ( direct free kick)
.Haraati iyo laad ku dhufta ciyaartoyga kooxda kale
.Ku joogsado ama ku dul socda ciyaartoyga kale
.Boodo ciyaarta ama ciyaartoyga kale
.Mar kaliya oo kubbada iyo cagta ciyaartoyga la isku qabto..Rakisaad ( charges, Contro colbo)
.Ciyaartoyda iyo ciyaartaba ku xanaaqa
Laadka xorta ah ( direct free kick)
.Riixa ama jugeeya ciyaartoyga
.Ciyaartoyga oo aan kubbad haysan ama qabsan raba oo loo jiifsado ama shaafto (tackle)
.Qabsada ( haysta, ) ciyaartoyga
.Ku tufa candhuuf( qandhuuf) ama calyo
.Gacanta ula badheedha kubadda
Ganaaxa Rigooraha:
Tobankaas fal mid ka mid ah, hadii ciyaartoygu ku sameeyo gudaha goolkiisa ,waa rigoore ama gool ku laad

Laadka aan xorta ahayn ( indirect free kick) ee goolwadaha
.Goolwaduhu kubadda hayo lix il-gibidhsi (ilbidhiqsi) wax ka badan
. Kubadda labo jeer ka badan dhulka ku dhifto ama garaaca marka uu goolka ka soo laadayo
. Hadii gacan ku tuurka (foremano) uu gacanta ku qabto
. kubadda gacanta ku taabta haddii saaxiibadii u soo baasaan iwm

Laadka aan xorta ahayn ( indirect free kick) ee Ciyaartoyga:
.U ciyaara si khatar galinaysa ciyaartoyda
.Isku dhejija (isku xoqa ama naba ) ciyaartoyga
.Carqaladeeya goolwadaha oo gacantiisa ka dafo( dhufto, boobo) kubadda
.Ku kaca falal aan waafaqasanayn sharciga 12aad oo sababa in ciyaarta la joojiyo ama la siiyo digniin

Digniinta iyo Dambiyadda
Todobbada arimood ee digniinta jaalle( huruud) ay ku qaadan karaan ciyartoyaga ciyaaraya iyo kayda
. Khalad ka baxsan anshaxa ciyaaraha (ciyaarta)
. Cay, aflagaado, gardaro iyo dhaq-dhaqaaq ficil ah
. Ka hor yimaada sharciga
. Daahiya kubbada marka dib loo bilaabayo ciyaarta
. Diida in uu ka fogaado kubadda marka la dhigo ( corner,free kick or indiect free kick)
. Garoonka oo uu ku noqdo iyada oo aan la ogaysiin garsooraha
. Garoonka oo uu ka baxo isaga oo aan ogaysiin garsooraha

Toddobbada arimood ee ciyaartoydu guduud (casaan) ku mutaysan karo
1. Khalad wayn oo muuqda
2. Gacan ka hadal, ama dagaal
3. Candhuuf ama calyo ku tufa ciyaartoyda kooxda kale ama qof kale
4. Goolka dhexdiisa oo gacanta si badheedha ugu difaaco
5. Laadka oo uu ka xanibo kooxda kale in ka faa'iidaystaan fursada rigoore ama darbo toosan oo loo dhigay
6. Ereyo xun iyo hadalo aflagaado ah oo ka soo baxa afkiisa
7. Jaalle( huruud ) labaad oo la siiyo isla ciyaar kaliya

Qoddobka 13aad:Qaybaha laadka xorta ah iyo laadka aan xorta ahayn ((direct free kick and indirect free kick)
Laadka xorta ah toos ayaa loo laadi karaa, Laadka aan xorta ahayn waa la in isu taabto kubadda, laakiin labadda laadba waxa ay ka simayihiin ciyaartoygii kubadda laaday mar labaad ma taaban karo kubadda ilaa ciyaartoy kale uu taabto.

Tilmaanta Garsooraha:
Laadka xorta ah gacanta ayuu xaga hore u taagayaa
Laadka aan xorta ahayn garsooruhu gacanta ayuu kor u taagaa isagoo kor ka marinayaa madaxiisa
Wajibaadka kooxda
Xeerka laadka xorta ah iyo laadka aan xorta ahayn ee kooxda ku jirta difaaca
.Kooxdu ka fogaato kubadda ugu yaraan 9.15talaabo
.Kooxda oo dhan ay banaanka ka joogaan naxaawiga rigooraha ilaa iyo inta la laadayo
.Kubadda waxaa la ciyaari karaa marka laga laado barta rigooraha ka damabaysa
.Laadka xorta ah ee u dhow nawaaxiga laymanka goolka waxaa la dhigi karaa badhatamaha meel kasta oo goobtaas ah

.Xeerka laadka aan xorta ahayn ee kooxda weerarka ah
.Kooxda kale ka fogaato kubadda ugu yaraan 9.15talaabo ilaa iyo inta la laadayo is taagaana laymanka u dhexeeya labada birood ee goolkooda
. Kubadda marka la laado ee ay dhaqaaqdo ayaa lagu ciyaari karaa
.Laadka aan xorta ahayn ee la dhigo gudaha nawaaxiga goolka ,waa barta ugu dhow ee sharciyan ah in la dhigo, taas oo ka tirsan nawaaxiga laymanka goolka ee barbar socda laymanka goolka .

Xeerka laadka xorta ah ee ka sareeya( koreeya) goobta rigooraha
.Kooxda kale ka fogaato kubadda ugu yaraan 9.15talaabo ilaa la laadayo
.Kubadda marka la laado ee ay dhaqaaqdo ayaa lagu ciyaari karaa
.Laadka xorta ah waxaa laga laadaa goobta falku ka dhacay

Qoddobka 14aad: Xeerka gool ku Laadka ( rigooraha,penalty )
Booska Kubadda iyo ciyaartoyga
.Kubadda in la dhigo barta laga gamo rigooraha
.Ciyaartoyga rigooraha laadaya oo la magacaabo
.Goolhayaha difaacaya kubadda iyo Goolka ( goolhayuhu joogo booskiisa. u jeesto jihadda ciyaartoyga rigooraha laadaya iyo in goolwaduhu ka soo bixin goolka ilaa inta rigooraha la laadayo )

Waajibaadka ciyaartoyda kale
. Ka bixin garoonka
. Gadaal ka joogsadaan nawaaxiga rigooraha
. Gadaal ka maraan calaamadda rigooraha
.Ugu yaraan 9.15meter ka dambeeyaan calaamadda rigoorahaGarsooraha
. Garsooruhu ma bixin karo amar in irigooraha la gamo ilaa iyo ciyaartoyga laadaya uu imanayo barta rigooraha ,waa sida sharcigu dhigayo
-Garsooruhu go'aan gaadhi karo marka rigoorahu dhamaado

Qoddobka 15aad:Xeerka gamco ku tuurka ( fore mano, throw in, )
Qoddobka 16aad:Xeerka gool -laad (ka), ( goal kick))
Qoddobka 17aad:Xeerka geeska( cidhifka ama darifka ) corners

Xusuusin:Sannadkii 1975tii ayaa la joojiyay in lambarka funaanada uu tilmaamo booska ciyaartoygu uu ka ciyaaro ciyaarta, taas oo IFAB iyo FIFA ay isku raaceen in uu noqdo lambarka diiwaanka ciyaartoyga ( Player registration) ee maamulka kooxda uu ka tirsan yahay

Codsi Gaara:Macalimiinta,Garsoorayaasha ,Ciyaartoyda iyo Suxufiyiinta Somalida ee iiga aqoonta badan ciyaaraha wixiii khaldan fadlan waad saxi kartaan ama ku darso qaybtaada.

Mahadsanidiin
M.Farah Aden (Ghandi)
farahaden99@hotmail.com


Related Items


Leave a comment