Shirkii, Telekonfaransiga ee Xubnaha Beesha Gudaha iyo Dibada

Friday June 05, 2009 - 00:02:04
0 Comments
4137
Super Admin
Waxaa malintii axada taariikhduna aheyd May 31 2009 qadka talefoonka wadahadal ku dhexmaray qaar ka mid waxgaradka beesha ku dhaqan gudaha iyo dibada waxaana looga hadalay xaalada guud arimaha beesha, wadanka, afooyinka aabraha dalka ka jira iyo umuuro kale oo ku aadan arimaha beesha ku dhaqan dalka gudihiisa.

 

Wadahadalkan ayaa waxaa warbixino kala duwan looga dhagaystay waxagaradka beesha  ee ku nool daldka gudihiisa waxana halkaa ay ka sheegeen in beeshu ay  horumar weyn ka gaartay xaga isku xirnaanshaha iyo midnimada, ayna beeshu yeelatay hogaan dhaqan oo midaysan, gole guud oo 21 qof ka kooban iyo waliba gudi fulin oo 9sagaal  xubnood ah. Waxa ay sidoo kale cudur daar kasoo gudbiyeen alle ha caafiyee Ugaaska beesha oo isagu xanuun dartiis aan kasoo qeyb galin wadhadalkaas

 

 Xubnihii warbixnta soo jeedinayey ayaa yiri: talaabooyinkan hormarka ah ayaanu gaarnay si loola tacaalo dhibaatooyinka ka jira deeganada beesha oo ay ugu horayso aabaraha, horumarinta deegaanada beesha, kaabista adeegyada bulshada sida waxabarshada maadiga iyo diinigaba, caafimaadka, daryeelida maatada, amniga, iyo waliba sidii ay jaaliyada dibada ku nooli ee beesha ka mid ah ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen suurta-galinta arimahan kor ku xusan.

 

Shirka ayaa ku dhamaaday is afgarad waxana ay xubanaha beesha ee jaaliyada dibadu, kadib markay dhagaysteen warbixinta ay u sheegeen masuuliyiinta warbixinta soo jeedisay inay aad ugu farxeen, uguna mahad celiyeen hormarka ay beeshu ka gaartay xaga hogaanka dhaqanka ee midaysan oo ay  waliba hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan kana qeyqaadan doonaan dhamaan mashaariicda horumarineed ay soo jeediyeen waxgaradka beesha dalka gudihiisa ku nool. In ay wada shaqeyn lasameyn doonaan waa jaalida dibedee gudiga fulinta beesha iyo waliba golaha guud ee beesha ayeey halkaa ka sheegeen, sidoo kalana ay gaarsiindoonaan dhamaan xubanaha kale ee beesha ee ku dhaqan dalka dibadiisa warbixintan si kaalmo degdeg ah loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan dalka gudihiisa.

 

Dhanka wadanka gudihiisa ah qaas ahaan degmagada Burtinle iyo Xarxaar waxaa wadahadalkaas ka qeybqaatay oo warbixino kala duwana soo gudbiyey xubno kamid ah golaha guud ee dhaqanka beesha oo u horeeyey Suldaan Maxamed Axmed Cabdille, gudoomiha ahna afhayeenak gudiga fulinta beesha nabadoon Axmed muumin, ku xigeenkiisa Cali geele maxamed iyo waliba xubno farabadan oo kamida ah labada gole kan fulinta iyo golaha guud ee beesha. Xubanaha kale ee gudiga waxa ay kale yihiin Nabadoon Cali Faarax Cali, Nabadoon Axmed Aadan Yeey, Nabadoon Maxamed Xaaji Maxamud, Nabadoon Ciise Maxamud Maxamed, Nabadoon C/khaliif Maxamed Aadan, Samadoon Faarax Xassan C/rixmaan  iyo Shiikh C/risaaq Saabuun. 

 

Dhanka jaalidaha dibeda waxaa ka qeybqaatay oo talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyey masuuliyiin farabadan oo ay kamid aheeyeen Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeeynta ee dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Yusuf, Caaqil Carte xaaji Jimcale, Gudiga jaaliydaha dibada xubnahiisa kala  ah Gudoomiye Maxamed A dheere,(boston) Mudane cabdulaahi koolac, (Otawa)  axamed jigre (Iowa) iyo Maxamed muumin (sandiego). Waxa kale oo iyana ka qeybaatay madax kamida ah ururka samafalka ee SOMALI HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT ASSISTANCES oo kala ahaa Abdulkadir Sheikh-Aden Guudcad oo ah madaxa dhaqaalaha ururka  (Treasurer) iyo  Harbi A. Farah "Bagaaje" madaxa xirirrka bulshada (Public Relations).

 

 

Madaxada iyo dadka kale ee ka soo qeyb gashay shirka waxaa kamid ahaa nabadoon Axamed Shiekh Aadan, nabdoon axmed Maxamud Gaagaale, nabadoon Yusuf Axmed Beyle, mudane Cabdicasiis Nuur Xirsi, Abdulaahi Faarax Xirsi, Xaad Geele Maxamed, Maxamed Abdi Xuseen Afgaab, (Boston) Cabdixakin Abdulahi Afgabdheedle, Shiino Ciise Muuse(Omaha, Nebraska) Tahaliil Xirsi carab (Atlana, GA), Cabdiraxman Khaliif Said (mpls, mn), Cabdideq Farax foodle(mpls. Mn), maxamed abdishakur sheiknur (porland org), axmed dahir sh nur(Portland, org), Cisman Xasan Waqoyi, (Boston) Marwo Caasha Geele Maxamed  (Boston)  Cali Maxmed Kooforoow (mpls, mn) iyo dadkale oo farabadan oo magacyadooda halkaan aanan ku xusin.

 

Waxa shirkaan soo qaban qaabiyey oo isku xirka iyo fududayna farsamada xiriirka suurta galiyey mahadi haka gaartee xubnaha xoghaynta gudiga jaaliyada dibada ee beesha oo kala ahaa Nasiib jaamac geele (Mpls, Mn) Cabdifatax kilimbe (Boston) Cabdikarim Xirsi Carab (Mpls,Mn) Maxamed Qani Burla’eg (Mpls,Mn). Iyo Maxamud Daahri Sh. Nuur oo isaga aysan usuura galin inuu ka soo qeygalo shirkan.

 

 

 

 

Wabilaahi Towfiiq.

WQ: Cabdikarim xirsi warsame

Monday, June 01, 2009

Related Items


Leave a comment