MANA QORI YAQAANAAN AF SOOMAALI MANA AKHRIYI YAQAA. by: Qasim Aadan Saleebaan NAAN.

Saturday May 12, 2012 - 17:26:15
0 Comments
2069
Super Admin
Ka dib markii dantii laga lahaa laga gaaray, ayaa la kala diray Golihii Baarlamaanka, waxaana lagala soo haray Gudoomiye Shariif Xasan iyo Xubno kooban oo ay saaxiibo ahaayeen. Balse markii wadamadan Soomaaliya danaha gaarka ah ka lihi arkeen inaysan suurto gal ahayn in Ummaddan lagu qanciyo Shariif Xasan iyo xubnihiisan kooban, ayay wadamadani la yimaadeen qorshe kale oo ah in la isticmaalo kaasoo noqday waxan ay ugu yeereen Madax-Dhaqameedyo.

Waxaa wax lala yaabo ah in Oday-Dhaqameedyadan oo badidooda kuraastooda la isku haysto amaba qaarkood kuraastan boobay, metelina Beelaha ay magacooda banaanada la wareegayaan, una badan dhalinyaro iyo wayeel aan waxbaba ka aqoon siyaasadaha maanta aduunka looga dhaqmo, sidoo kalena aanan Aqoon Maadi ah iyo Aqoon Diimeed-toona lahayn; tan intaas oo dhan ka sii darana ay tahay in Odoyadan iyo Dhalinyaradani yihiin niman aanan aqoonba u lahayn luqadan lagu wadahadlayo, ulama jeedo Luqad ajnebi oo ay hubaal tahay inaysan uba bilaabnayn, balse ragani waxayba ka aradan yihiin luqada Soomaaliga oo ujeedadaydu tahay, "MANA QORI YAQAANAAN AF SOOMAALI MANA AKHRIYI YAQAANAAN".

Nimanka noocaas ah een waxna akhrin waxna qorin, balse waxii loo sheego uun maqla, saxeexooduna yahay Suulka oo waraaqaha la dulsaaro. Ayay wadamadani door-bideen intay meel isugu soo xareeyaan oo u sheegaan waxay doonayaan kana fushadaan ka dibna ku kala diraan; shacabkana ka doonayaan inay ku qancaan. "WAAR MA ANAGAA WAALAN MISE MEEL KALAA LAGA HEESAYAA". Waxa laga hadlayaa miyuusan Masiir Wadan ahayn, Maxaa loo diiday in xataa lala shaqeeyo Baarlamaankii ay iyagu shalay dhiseen, ee u fulinayey danahooda, mise markay fikradahoodii diideen bay kalsoonidii kala noqdeen ma sidan baa DIMOQRAADIYADA ay inoo sheegayaani.

Oday dhaqameedadani geed hoostii iyo xaajo Qabiil bay gorfayn yaqaaniin, taasoo ay soo xigtaan "Reer hebel sidaas baa inoo Xeer ahayd, Reer hebelna sidan"; balse aqoon uma laha 5X3+3/4=?, taasoo ah siyaasada maanta soomaaliya lagu kala qaybinayo. Waxaa kaloo xusid mudan oo la yaab leh Madax-Dhaqameedadani kuba dagaalamayaan Anigaa Saxeexaya iyo Maya'e Anigaa Saxeexaya oo iridii gelideediiba isku laynayaan.

Shaki kuma jiro inay Ceeb iyo Foolxumo faraha la geli doonaanaan, taasoo keeni doonta inay xataa ku waayaan xilkoodii Madax-Dhaqameed ee ay Beelaha u hayeen hadii aysan iska ilaalin dabinkan nin walba ka baqay ee la doonayo in lagaga xayuubiyo sharaftii yarayd ee ay bulshada ku dhex lahaayeen, lagana dhigo dagaal oogayaal cusub, maadaama aanan Soomaaliya laga rabin qof dadku maqlo, waxaana la doonayaa in iyaga iyo shacabka oo ah xiriirka qura ee weli isku haray la kala fur-furo oo la iska horkeeno. "WAAR HOOY KA JOOGA GODKAN LA IDIIN QODAYO", oo garta waxa awoodiinu gaarsiisan tahay iyo waxa awoodiina ka baxsan ee qof aqoonteeda leh u baahan. Shacabka Soomadliyeed waxaa la gudboon inay Odoyadan ama Dhalinyaradan Beeshooda magacooda ku socota ee aqoonta ka ah sidaan kor ku xusay ka joojiyaan falkan ay faraha kula jiraan, oo aysan Masiirka Siyaasadeed oo Wadanka ku sii deynin ragan, maadaama arintu maanta soo dhaaftay Masiir Qoys oo ay marayso Masiir Wadan.


Qasim Aadan Saleebaan
Kasslmn@aol.com

Related Items


Leave a comment