Gabay baroordiiq ah: Dr. Axmad Jaamac Ismaaciil Mire

Saturday May 12, 2012 - 23:58:55
0 Comments
5280
Super Admin

Mahad dhammaanteed ilaahay baa leh, ammaan iyo nabadgelyna nabi Maxammed scw ilaahay dushiisa ha yeelo, intaa kadib waxaan halkan uga tacsiyeynayaa muslimiinta dhammaanteed, soomaali oo idil, gaar ahaan culimada iyo qoyskii uu ka soo jeeday dr. Axmed X Cabdiraxmaan, anigoo ilaahay ka baryaya inuu samir iyo iimaan inaga siiyo, isagana danbidhaaf iyo naxariis ku abaalmariyo.


Walaalayaal waxa halkan aan ugu soo gudbinayaa inta tacsidu ku socoto oo dhan gabay baroor-diiq ah oo ku saabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid dr. Axmed oo runtii qof kasta oo Soomali ahi ka naxay anigana si gaara ii taabatay, ilaahay ha u naxariisto oo godka ha u waasiciyo albaabna janada ha uga furo, xisaabtana ha u fududeeyo, cadaabka qabriga iyo ka aakhirona haka ilaaliyo, ciddii dishayna ilaahay ifka ha ku ciqaabo aakhiro ka hor, dadka muslimiinta ha ku kashifo.

Garaad-li,ida Soomaali waa loogu daw-galaye
Halyaygii gargaaraba marbay boqonta gooyaane
Waa macallinkeed gawraciyo guurti mawtiya,e
Lama gooyo geed wayn hadduu kuu gabbaad yahaye
Gurgurshaaga lama qalo iyo hashii geela ka irmaane
Inkastoon nin door iyo garaad, geesi badan waynay
Geeridii diktoorkii ku timid lama gudboonayne
Tilmaantiisi kama gaadhi karo gabi ahaanteede
Bal guddooma dhowr qodob ayaan gaar u taabaniye

Gar adkaatay oo culus haddii odayo loo geeyo
Oo ay giraan xidhan gashoo gees u bixi waydo
Inta goysa buu ugu mudnaa geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya

Masallooyin gaaraa jiroon caamo garaneyne
Bayd-gaabka oo idil hadduu gaadhi kari waayo
Mufti loo gudbaa buu ahaa geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya

Gayigeena soomaaliyeed oo gunnimo qaatay
Dhallintiina ay wada galeen kuwa jid-goynaaya
Garaadkiisa waatuu ka helay geeya jaamacade
Boqolaal digrii gaadhay baa goostay midhihiiye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya

Gaajiyo abaariyo haddii uunka dhibi gaadho
Maatada gardaadshuu ahaa geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya

Golihii shir laysugu baxoo xaajo la gorfeeyo
Rag baa hadalka gawlgawla oo godob ka raacdaaye
Kalmad gara ayuu geysan jiray geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya

Gacan furan ma deeqdee khalqiga gabi ahaantiise
Qalbi gacalo buuxdoon cidnaba dhagar la gaadaynin
Oo aan guhaad qabin la sii geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya

Gacal iyo xigaal iyo asxaab gabiba soomaali
Intii garanaysaa way ogtahay hiil wuxuu galaye
Ilaahaw cadaab guba ka dhowr oo gali jannaatkaaga

Guullow ku tuugaye haddaan geesta kale eego
Godobqabihi gawracay la waa meesha uu galaye
Ilaahow adaa garanayoo kaa gedsami-waaye
Allahayow cuqubaduu gasbaday gooni uga muuji
oo gumaca uu sido ku goo gaadadiyo laabta
Guullow qofkii kuu baxsada waw gargaartaaye
Ilaahaw ka soo gaar khalqiga beledan gaadaysa
Ee looga go,ay goobihii loo gingimay khayrka

Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire
Madiina almunawara, S. Arabia
jaamacadda islaamiga ah ee madiina .
email:axmedrashiid72@hotmail.com

Related Items


Leave a comment