Muqdisho:Dagaal ka socda degmada dayniile

Tuesday May 22, 2012 - 12:51:39
0 Comments
960
Super Admin
Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Dagaalka oo ah mid xoogan wuxuu bilowday markii ay ciidamada huwanta ahi weerareen fariisimo ay xoogaga Al-shabaab degmada Dayniile kaga sugnaayeen. Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dagaalkaas ka dhashay mana jiro wax war ah oo ku aadan oo kasoo baxay dhinacyada uu u dhexeeyo. Haseyeeshee wararka laga helayo deegaanada ku yaal duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid xoogan iyadoo la isu adeegsanayo hubka noocyadiiisa kala duwan. Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii u danbeeyey sheegayey in ay weerari doonaan deegaanada ay Shabaabku joogaan ee ku yaal duleedka magaalada Muqdisho. Waxii war ah oo kasoo kordha dagaaladaas gadaal ayaa kasoo qori doonaa.

Related Items


Leave a comment