Maqaal Siyaasadeed, Girigiri Republic, Ex-president Mahiga, Hiiraan ma dhaliis miyaa? + Goos goos siyaasadeed.

Friday May 25, 2012 - 03:07:31
0 Comments
5715
Super Admin
Prof. Yahye Sh. Caamir
Prof. Yahye Sh. Caamir
Girigiri waa xaafad ku taala magaalada Nairobi,waxaana degan wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee jamciyadda quruumaha ,waa xaruntii la wareegtay howlihii Villa Somalia , Girigiri hadda waxaa laga maamulaa dalka somalia, xafiis hoosaadna waxeey ku leedahay XALANE-mogadishu waana xafiiska labaad ee Madaxweeyne Madiga.

Girigiri waa xaafad ku taala magaalada Nairobi,waxaana degan wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee jamciyadda quruumaha ,waa xaruntii la wareegtay howlihii Villa Somalia , Girigiri hadda waxaa laga maamulaa dalka somalia, xafiis hoosaadna waxeey ku leedahay XALANE-mogadishu waana xafiiska labaad ee Madaxweeyne Madiga.

Maxaad ka taqaan madaxweeynahaaga?

Dr. Augutine Philip Mahiga wuxuu dhashay 28 August 1945tii, waxa uu leeyahay xaas iyo 3 caruur ah. 1970 kii waxa uu dhiganayay jaamacadda East Africa ee Tanzaniya,1971 waxa uu MA —Master degree ka qaatay jaamacad ku taal Toronto,1975 PHD Toronto.waxaa la yaab ah 4 sanno gudahood in la isaga gudbo heerarkaa jaamacadeed,?!!!!

Nidaamka jaamacadaha aduunku sidaa maqabaa?.Inta badan waxaa uu ahaa macallin iyo shaqaale xafiis madaxweeyne,dabayaaqadii 1990kii ayaa hindiya iyo layberya shaqa loogu diray,wixii ka dambeeyay 2003 ayuu shaqa ka helay UNHCR —italy, isla sannadkaa tanzaniya ayaa wakiil uga dhigatay UN ka ,kadibna 2005 waxaa loo magacaabay madaxa ergada tanzaniya ee golaha amaanka oo markaa dalkiisu xubin ka noqday golaha wareega ah ,waxaa la yiraa mar kasta waxaa riixayay madax tanzaniyan ah oo arrima gaar ah eey ka dhexeeyeen.

Soomaaliya waxaa u soo magacaabay Mr. Ban ki mon ,9/june/2010. Dad badan oo ka tirsan xarunta UN-ka ee New York waxa eey la yaabeen sababta waddan sida Somalia ah loogu xushay shaqsi aan aad loogu aqoon khibrad la xiriirta xalinta khilaafaadka iyo siyaasad horuumarineed. Iyadoo weliba la ogyahay xiriirka labada waddan, tanzaniya waxa eey xiriir deplomasiyadeed la sameeysatay Somalia 1962, xiriirkaa oo xumaaday 1972 kadibna lama hagaajin, waxaa lagu eedeeyaa in uu hore talo ugu soo jeediyay in la baabiyo laba dhismo oo safaarada soomalidu ku laheed magaalada Darasalaam ,waase laga diiday waxaana la yiri: waxeey ka hor imaanee shaciyada deplomaasiyada caalamiga ah. waqtigaa oo la taliye uu u ahaa Mr.jhon Malecela, wasiirkii arrimaha dibadda ee Tanzaniya.waxaa kale oo lagu eedeeyaa in 17 August 1977 uu la kulmay Mingiste Haile Mariam si uu ugu muujiyo taageeradiisa. Iyadoo intaasi jirto maxaa loo magacaabay ?.

Deplomaasiyiinta new York qaar ayaa leh waxaa la aaminsanaa in hub ka dhigista uu ku fiicanyahay soomaaliyana uu suuxiyo, wareeriyo , damiir tiro, si eey u fududaato in laga dhigo sacabooleey,malaha waxa eey ku qaldameen qoraalkiisii hubka dhigista uu uga hadlayay una gudbiyay shirkii new delhi 1986.

Palme commission conference on disarmament and development,newdalhi 1986. xataa qoraalkiisa haddii add si fiican u aqriso nuxurka qoraalka, kuma cadda habka hubka loo qaadayo,waxa eey u egtahay qoraal qof riyoonaya ama caruur hub ka dhigaya.qaar kale ayaa qaba in haween ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee UN- new York ayaa soo jeediyeen magacaabidiisa,bacdamaa uu yahay nin u jajaban arrimaha haweenka, kadib markii eey la dheceen qoraalkiisii kale ee uu uga hadlayay houumarinta haweenka, ( Empowerment of women —new york 2004) qoraalkaa laftiisa kama muuqato wax ficil ahaan haween lagu horuumarinaayo,meelaha qaarna waxa eey ka horimaanee dhaqamada iyo diimaha ummaddaha qaar.

Shirkii la qorsheeyay in bishii May ama june 2011 lagu qabto Nairobi waxaad aqri kartaa soo jeedintiisa oo aheed: shirka waxaa ka qeeyb galayo Somalia iyo Somaliland,madaxweeynayaasha iyo raisulwasaaruhu waxa eey ka mid yihiin ergada ,waxaa shir gudominaya aniga Mahiga ah iyo ku xigeeynkeeyga Manhal, ogoow shirku waa shir Somali —macalinka madaxweeynaha ahina waa asaga ,soo jeedintiisa waa laga hor yimid , shirkiina waa dhacay inkasto wax weeyn aan laga badalin qorshihiisii, asagu khaladka malaha; lax walba shilankeey is dhigtaa lagu qalaa. wuxuu u bartay madax uu ku yiraa iigu imaada xafiiskeeyga Nairobi ama Airporka Mogadisho.

Bishii december 2011 waxaa la go’miyay in asaga iyo ku xigeenkiisa Mr. Manhel xilka laga qaado.bil kadib xilkii waa laga qaaday saaxiibkii Menhel ,laakin asagii waa joogaa,markii aan raadiyay sababta waan waayay jawaab aan aheeyn ninkii lagu badali lahaa oo Nageriya u dhashay ayaa diiday in uu qabto xilkaa…jawaabtaa kuma qancin ,mid kalena mahelin,,waa nin farsama badane xaguu ka laabtay ? malaha madax soomali ah ayaa tiri: yaan la badalin,la’aantii ma noolaakarno.

wakiiladii xoghayada guud ee soomaaliya soo maray badankooda waa la kulmay, ma aheeyn shaqaale iyaga la shaqeeya oo ka cabsanaya, mana aheeyn masuul siyaasadeed oo dhani uga xirantahay. Mana ka fogeeyn oo waxaan u soo istaagay meel aan waxa eey wadaan ka ogaa karo,qaarkood runta ayeey noo sheegeen anniga intii aan isla soconay ,qaar waa nagu caroodeen ,qaarna siyaasiyiin Somali ah ayeey noo adeegsadeen si eey u curyaamiyaan dan guud oo markaa aan ka hadleeynay iyo dhib dhinacooda ka imaanayay oo soomalida ku dhacayay oo aan ka damqanay.

Waxaan la kulmay wakiiladii Somalia loo soo magacaabay,Sida: Cismad Gitani,lansana kiyote, james vector gbehom,Adm.haw,Mohamed sahnuun, Fanc.Faal,walad abdalla ( Fiiri, lifaaqa sawirada hoose ,qaarkood iyo masuuliyiin kale), dhamaantood waxa eey ahaayeen shaqaale fulinaya howshii iyo dantii cidda soo dirsatay,waxaana ka muuqday aqoon deplomasiyadeed iyo isku day in eey fahmaan xaalada jirta,,, laakin Mahiga……..?.Asagu waxa uu is aamonsiiyay in uu yahay madaxweeyne maxmiyadeed sugayana kii badali lahaa.

Waxaan fursad u helay in aan si kali ah ula kulmo Kufi Anan maruu xamar yimid intii uuna noqon xoghayaha guud, waxaan weey diiyay maxaa loo arkaa xalka Somalia dhankiina. si fudud ayuu iigu jawaabay: Anigu ganacsade ma ihi ee waxaan ahay siyaasi. Waxaan ku iri: maxaad uga jeedaa wuxuu yiri: arrintiinu waxa eey ku xirantahay ganacsata caalami ah, siyaasaduna iyageey u shaqeeysaa, haleeydinka helo dad xirfadahaa siyaasadeed fahmaya. waa iga istaagay asagoo leh maddax Somali ah oo aan sugayay ayaa ii timid, markiisa ayuu i weeydiiyay asagoo sii baxaya ,adigu maxaad aheed? Intii aanan jawaabin ayuu iga sii fogaaday. Waxaa maskaxdeeyda ku soo noqnoqday hadalkiisii, GANACSATO CAALAMI AH. Waxaan xasuustay.

Ambassador: Roberto Okley, oo ahaa safiirkii mareeykanka u joogay Somalia horaantii 90aadkii ,dhinaca kalena ahaa masuul ka tirsan shirkado shidaal oo aniga iyo koox macalimiin ah nagu yiri: 30 sanno ayaan dib u dhiganay in aan shidaalkiina soo saarno,waxeey ku dhamaatay 1993, haddaad sidaan isku dhaami weeydaan dhib nagu maaha in aan sugno 30 sanno oo kale oo keyed uu sii ahaado shidaalkiinu,cidkalena haka sugina,waxaan xasuustaa Mudane Cabdullahi yusuf in uu eeday mar uu yiri; shiinaba waa soo saari kartaa shidaalkeena. lagana yaabee in eey taasi ka mid tahay sababihii uu xilka ku waayay.

Waxaa kale oo xasuus muddan colaadda uu Mahiga u qaaday parlamaanka soomalida kadib markii eey soo saareen go’aan ahaa in wixii heshiis ahaa ee shidaal ku saabsan lana soo saaray 1991dii kadib la baabiyay , mid kalena lama saxiixi karo inta KMG lagu jiro,taa oo keentay in hadda laga fekero in KMG lagu bedelo KMG kale eleeyn parlaman aan la dooran loogama baxo KMG, taa oo keentay in Mahigana uu yiraa parlamaankii ayaan ka qaday sharciyadii waxaana gudoomiye u ah qofkii anigu aan aqoonsado,si uu u helo qiil ah ,go.aanka shidaalka waxaa mamnuucay parlamaan dambiila yaal oo ka horyimid rabitaankeeyga cid aan sharciyadii ka qaadayna go’aan ma gaari karto,wuxuu ku dooday in parlamaanku eeyna aqlabiyad dhameeyn ma waxa uuna fiirsan cajalkii wariye XIIS uu ka duubay doorashada, arrintaa darteedna loo dilay welina koobigii uu yaal arrinta dilkana baaritaan ku socdo lana ogyahay in xafiisya siyaasadeed arrintu lugta la galeeyso laga yaabee in girigiri ka mid noqdo welise ma cadda.

Dhinac kale waxaa uu leeyahay 2da shariif ,asagoo ka tagaya tiitolahooda,marka aad fiiriso wareeysigiisii u dambeeyay,waxaa ka muuqda in labadooda uu sii kala saarayo,soomalidu labadaa masuul waxa eey u taqaan laba saaxib oo aan kala harin dana badanina mideeyeen,laakin Mahiiga waxa uu rabaa in uu kala jaro xabbad liin dhanaan ah kadibna uu naga dhaadhacsiiyo in barkeed macaanyahay barka kalena dhanannyahay.

Kaba darane mahiga waxa uu ugu hanjabay parlamanka in qaarkood la keenayo maxkamada caalamiga ah, maxkamadu ma waxeey hoostimaad xafiiskiisa dayaca ah ,mise xildhibaanaduu u maleeyay dad aan aqoon sharciyada caalamiga ah,ma wuxuu ka hadlaa international criminal court mise international colonial court,ma ogyahay in asaga laftiisa lagu soo oogi karo damiya caalami ah oo uu ka galay soomaaliya, waxaa uu soo saaray dekerootooyin mogadisho looga yaqaan Roadmap iyo growe 1,2.asagu uu diyaariyay dad kalena konta fermo ku saxiixeen kadibna uu caalamka ku yiri soomaalidu in eey diidaa laga yaaba ee codkiina iygu taageera si qofkii fekerkeeyga diido loo yiraa;waxaa uu hor taaganyahay nabbada soomaaliya.

Qof ambad ah qofkii daba kacaa waa ambad kale,haddii caalamkii mahiga daba kacay anana caalamkii an daba kacnay,xagee loo socdaa,laba dan leh moogana daba kac

GOOS GOOS SIYAASADEED

1-Maxmiyadda uu soo jeeday talyaanigu.Dad badan ayaa yiraa. waa nala kala qeeyb qeeybinayaa, maxmiyadaa nala galinaya ,anagoo 50 jirsanay ayaa gumeeysi naloo naqi rabaa. Hala yaabin dadkaa , damacaasu waa jiraa,is weeydii yaa wada iyo side looga hortagi karaa.

Horeba waa laguu diyaariyay in aad maxmiyad gasho,Wixii ka dambeeyay heshiiskii kampalana waa laguugu suggay ,sifiican u aqri markale.waad arki kartaa awoodii in laga wareejiyay soomalda,lana handaday ciddii ka hortimaad ,Awooda la siiyay ciidamada AMISOM ciddii eey la jiraan ayaa soomalia dowlad ka ah.dad ayaa maalgashada dadna dana dhaqaale ayaa ugu jira,qiyaas 10.000 ciidan dhan oo cuntadooda iyadoo karsan laga soo raro dekeda mambasa kumanyaal digaag karsan ah iyo raashin kale ayaa dekadda yaal,shirkado aan Africaan aheeyn ayaa qandaraas ku qaatay,qandaraas hoosaadna siiyay kuwa Africaan ah oo iyaguna soomali sii howl galiyay, makula tahay in qandaraasleeydaasi dantooda uga leexanayaan dan Somali. waa garoon ciyaar fiicani ka socoto,indhoolayaalna eey daawanayaan.

2-SHIRKII LONDON IYO……Laporatory siyaasadeed,sida bakeeylaha iyo dooliga loogu tijaabiyo marka daawa la soo saarayo miyaa anagana siyaasadaha nalagu tijaabiyaa. Haddii TFGdu hebad tahay oo eey leedahay wax kasta deeq bixiyayaasha ayaan uga dambeeynaa. Caalamku wuxuu ku khaldanyahay soomalida weli ma baran .maxmiyadu kama hirgalikaro, daawadiina dooliga ma Karin,ama cudur kale oo la yiraa madax faluuq ayeey kusii riday.

Soo jeedinta talyaaniga,in maxmiyad soomalya la galiyo laga bilaabo 21 August 2012 .UN/AU international Adminstration illaa 31 /12/2013.in eey maamulaan dalka guddi saddax meelood meel, eey ajnabi tahay Xamarna in eey maamulaan 15 ruux oo 10 kamid ahi soomali yihiin ,4.5 qola kasta laba ruux eey soo dirsato,dhaqaalaha guud ee dalka in loo kala maamulo 60% iyo 40%. In la helo gole ansixya barlamanka iyo maxmiyadda eey rabaan oo ka kooban 100 qof waxaa ka daran kuwa xilka la wareegayo somaliland , puntiland, ASWJ,madaxweeynihii hore, afhayeen barlamaan, raisulwasaare,ganacsato, qaxootiga iyo brakacayaasha xubno ka socda. Warqadaa talyaanigu kuma qora calaamad muujinee in eey qoreen ,mana saxiixna si loo inkiri karo,danta laga lahaa waxa eey aheed gasba siyaasadeed oo lagu yoolbaarayo dareenka soomalida,laguna sii ishaafalateeynayay shirka London si soomaalida oo neceb maxmiyad talyaanigu shaki uga sii galiyo shirka london.

Haddii sab lagaa Waco ruuxa sabta dhigtay asagaa yaqaan sababta uu u dhigtay,ma xaflad aroosaa,ma xus moowta kaal ahaa,ma mowliidkii nabiya CSW,Adigu wixii lagu siiyo cun,muraadkiisana uga duceey,shirarka soomaalida loo qabto waa sidaa oo kale,marka shirku/sabtu dhamaato ayaa la yiraa madaxdeena iska baxa Duceeya/saxiixa.waxaase la yaaba waxa laguu wacay waa arrin soomaali aad adigu masuuliyadeeda u dhaaratay,waa xuskii hooyadaa oo dhaxalkeeda la qeeybinayo adna aad ka tahay mustamaciin al kiraam,waxaad tahay hooya gablantay caruurteedii !!!!!!!.

3-Sheeka caruureedkii “kala boobooba baal ii reeba” inta ka horeeysa agoosto kala xaabsada ,waxaa rooneed in aan loo sii sheegin in agoosto la furi doono meher la’aan madaxda, kuwa kalena la arroosin doono iyada oo aan la weydiisan qooyskeeda iyo rabitaanka dadka,ishaartu saas eey u egtahay .

4-Musuqmaasuq,corruption,laaluush hadaad aragto waxaa loo baahan yahay laba dhinac oo uu dhax maro ee qof kaliya iskuma noqon karo laaluush qaate iyo bixiye ,haddi howl dhaxmartay hayad caalamiya iyo TGF ay ka dhalatay dhaliil corruption,bal labada dhinac ha la fiiriyo yaan dhinac kaliya naloo ifine asaxaabta xamar iyo Nairobi kalama xirfada yara, mooskii hadeey cuneen qobkii miyeey diidanyihiin.

5-Dowladii Dr. Cabdirashiid cali sharmaake uu ka ahaa raisul wasaaraha ayaa 1963kii labadii bil ee ugu dambeeysay sannadka waxaa dhamaaday miisaaniyadii waxbarashada iyo caafimaadka,mushaar la’aantaa waxaa banana baxya joogtaa sameeyay shaqaalihii dowlada ,labadaa bil lacagta ka gaabatay miisaaniyada waxaa la cadeeyay in aan la lunsan oo si sharci ah eey qeeyba kale ugu baxday oo ka baxsan miisaaniyad sanadeedkii 1963,cabdi rashiid waxaa uu weeydiistay bangiga dhexee in eey sii bixiyaan labadaa bil ee dhiman lacagtaa oo aheed 800.000 sh.so,waa uu diiday bangiga dhexe in uu bixiyo lacag aan ku qoreeyn miisaaniyadii bilawga sannadka barlamanku ansixiyay,ilaa baarlamanku go’aan kale ka soo saaro.cabdirashiid waxaa uu codsigiisii horgeeyay barlamaanka oo fadhi aan caadi aheeyn ka qaatay arrinta,mar kale baarlamaankii waa diiday wax ka baxsan miisaaniyada hore in dowlada loo ogolaado,baarlamankaasi waa ka aqoon yaraa kan manta waxa eeyse dareemayeen masuuliyadaa xilka saran,waxaa ka yaab baddan 45 sanno kadib cabdirashiid,wiilkiisii ayaa qabtay xilkii aabahii berrgaa haayay mushaar masiin shaqaalahii wax barashada iyo caafimaadka cidina kuma banana bixin ( waa houumarka maamul ee aan gaarnay 45 sanno kadib in la helo shaqaale aan mushaar u baahneeyn).

6-Haddii maxmiyad macnaheedu yahay in kor lagaa xakumo ,haddaad ku jirtaa. In muddo ahba UNPOS/nairobi waxa eey lahayd qeeybo iyada ka tirsan ,mid kasta waxaa si dadban u hoos taga wasaarad ama wakaalad soomaaliya ka jirta,Tusaale; haddi TFG eey fasax siiso shirkad isgaarsiin ,xawaalad ama duulimaad qoraalkaa koobi ka mid ah ayaa loo diraa UNPOS /Nairobi marmarna fasaxaa waa diidi karaan ( qofkii raba ha inkiro waa xaqiiq jirta) qoraal kasta ee dowli ah nuqul ayeey ka heeystaan.

7-Waxaa laga yaaba in nin wasiir ahi uu ku yiraa waxaan ka qeeyb gala shirka London feb,2012,oo la iga casuumay haddana adigii shacabka ahaa uu ku weeydiiyo shirka maxaa looga hadlaa,waa arrin dhacday,soo ma aheeyn in golaha wasiirada ee uu xubinta ka yahay eey ka shiraan waxa looga hadlayo shirka. Haddiba eey aaminsanyihiin soomaalinimo oo eey difaacayaan xattaa ma wataan mid hore oo lagu dul shaqeeyo.Dhalin yarada waxaa ka maqan khibrad siyaasadeed wixii soomaalidu kula dhaqmi jirtay caalamka kale iyo heshiisyadii hore loo galay, Aragtida ugu dhaw waa hanta urursi haddiba la helo iyo ALBUM buuxsi lagu ururinayo sawiro la..dhalinyarada ALLA ha noo dhaafo,dhugna ha siiyo

8-Haweeneey ayaa sagaal caruur ahi ka saqiirtay ,kii tobnaad ayaa haddana ka xanuunsaday ,waxaa la weeydiiyay xaalkiisa ka waran? Waxa eey tiri: waa roonyahay ,laakin calaamado aan ku arki jiray kuwii ka horeeyay ayaa iiga muuqda,—shirka London waa roonyahay laakin calaamado ka muuqajiray kuwii hore ayaa ka muuqda.

9-Beesha caalamku ,Lacag iyo hub waa noo keeni jirtay ,go’aan iyo UN resolution na waa soo saari jirtay ilaa 1992dii —saddexdaa weligeen caalamka kama weeyn haddana waa ka sugeeynaa. Anaguse maxaan iska sugeeynaa??

10-shirka London waxaa ka qeeyb galay illaa 40 dowladood oo kala dan ah, qaar ayeey ka go’antahay in eey helaan dantooda ,haddii eey waayaana wax fashilinaya xatta haddii eey ku kalifto in eey colaad abuuraan.

11-Madaxweeyne shariif waxa uu ku dhaartay in uu difaacayo Axdi qarameed dhigaya in aan soomaalida la kala gooyn iyo midnimo muqadas ah, siilaanyana waxa uu ku dhaartay in uu difaacayo dastuur qoraya in aan soomaaliya la mideeyn,labaddina London ayeey tageen ,yaa been ku dhaartay ,midkee caalamku ku qancinaa in uu kafaara gud siyaasadeed sameeyo dhaartana ka baxo.

12-Ciladdu markasta waa ka qeeyb galka iyo xiriirka bulsho, dadka shirarka tagayo waxa eey heeystaan documenti safar ,VISA waxoogaa English ahna waa yaqaaniin qaar ,haddii eey soo noqdaan wixii eey soo arkeen waa laga yaabaa in eey dhowr qof kala sheekeeystaan,laakin dadkii fullin lahaa iyo kuwii lagu fulin lahaa xiriir kalama dhexeeyo, mana….

13-Mareeykanku waxaa uu sheegay in uu cuna qabateeyn dhaqaale iyo mid safar ku soo rogayo qofkii diida go’aanada, laakin kuwa soomaliya jooga ee hor istaagi kara malaha hanta bank u taal ,meel eey u safraan oo soomaaliya ka baxsana ma jirto oo aan aheeyn haddiiba eey dhacdo in uu noloshiisa hal mar soo xajiyo,waa madaxda runta ah ee bulshada ee leh go’aanka deegaanada guddaha,iyagiina London ma joogin,haddi la yiri ciddii diida roadmapka waa dambiile,soomaali land haddeyba diiday,marka dambiile nimadu ma waxeey khuseeysaa soomaalida koofure ee roadmapka sanka laga galiyay hadeey ku hindhistana la yiri: hindhisyadu waa dambi haddii aad isku celi weeydo.

14-Beesha caalamku dambi ayeey ka gashay soomaalida marka eey leedahay adeeca gudoomiye baarlamanka intiisa badani diidantahay,sidee loo macneeynaa demoqaratiyada reer galbeedka waa ku wareernay,waxaa naloo sheegay inta badan wixii eey isku raacdo iyo in la dhowro sharciga bulshadu ku heshiiso, taasi ma dhacday,baarlamaankii intiisa badan ayaa wax isku raacay waxaa la waafajiyay Axdiga si waa faqsan demoqaraadiyadii reer galbeedku noo sheegay ayeey u dhacday ,Mahiiga ,ayaa VITTO dul dhigay saaxibadii ayaa ku ayiday .waxaan yeelanay laba gudoomiye,haddi taasi sii socoto wax badan ayaa laba laba noqondoona. Dhabta jirta waxa eey tahay ,dhowr jeer ayaan maray usbuucan xarunta baarlamaanka agteeda waxaa ka socday shir eey lahaayeen xildhibaano,dhab kale oo jirta waxa eey tahay gudoomiyaha mahiga aqoonsanyahay sinaba uma hortagi karo barlamaanka oo xildhibaaada meesha fadhiya ayaan u ogolaaneeyn in tiitolahaa uu ku tago.

Waa sida macallin aan hor tagi Karin fasalka ardaydu ku jirto oo aan ogoleeyn in kaaba galaasku howsha sii wado,asagoo leh fasalka ma galayo, macallin kalena sooma gali karo arrintaana maamulaha dugsigaa illa og . arrintu waxa eey ku dhamaanee dugsi aan arday laheeyn.maamulaha iyo macallin cinaadna aakharka waa iska tagayaan oo dugsi aan ardayu joogin xil kuma heeykaraan.dugsi kale oo eey furtaana arday loo helimaa oo kii horaan laga aflaxin,ardayda ayaa dhib qabta oo waalidiintu eey ku canaananayaan aaway dugsigii aan idiin dirsanay,baarlamaankana beelahaa weydiinaya aawday siyaasadaan idiin dirnay.

15-Haddii mid ka mid ah wadamada deriska ahii khalad uu soomaaliya ka galayo aad ka hadasho ma waxaad carqaladeeysay hanaan socodha nabadda.

16-EEZ ,road mapkina aragnay. Kan londona fiiri: markasta oo la soo qaado EEZ,waxaa la dhigaa qodob aan ka badneeyn hal sadar,oo aan la heeyn fasiraad ,berrina qofba si u fasiri karo!!!!!

17-Go’aanada shirka London,Marka la leeyahay dowladii koofur ka dhalata ha la hadasho Somali land ,dowladaa maku jiraan dad reer Somaliland ah ,haddii eey hore ugu sii jiraan waaba la midoobay sida uu u qoran yahay waa dowlad iyo mucaaradkeeda oo xal doonaya.hadaba Somaliland eey siyaasad ahaan ku xireed xafiiska UNPOS Nairobi waxaa loo soo wareejiyay in xafiiska UNPOS xalane in eey la soo xiriirto.

18-Laba burcad badeed tan gudaha iyo tan dibadda ,burcad badeed beel soomaali ah ka soo jeeda iyo burcadbadeed beesha caalamka ka soo jeeda ,kii qaraabadiisu xoog leedahaa kan kale maxkamad saaraya .

19-ALLAH ka sokow shirka London waxaa mahadiisa leh Al- shabab iyo burcad baded oo kuwii dantooda eey halis galiyeen ayaa shirka isagu yeeray,waxaa ku lifaaqan danaha lagu leeyahay wadamada deriska la ah soomaliya iyo ubadka soomaaliyeed ee qurbqjoogta ka fasahaaday oo u FUGA kara sida haan caana biir ahi ku jiraan markeey London ku noqdaan

20-Hore 30.000 ciidan dhan oo ka socday wadamada shirka London abaabulay ayaa noo yimid, kuwaa oo hanti iyo awood ciidanba leh , manta barkood oo la biilo ayaa jooga ,waa masala kale.

21-Carqalad macnaheedu ma qofkii hub wataa,ma kii hadlaa,xuriyatul qoolna?haddii aad ka hadasho danta dalkaaga ma waxaa loo arkaa carqalad ka hor imaanee danta macallimiinta.adigu markasta waxaad tahay —Mafcuulu bihi

22-Shiraa leeydiin qabanayaa ka soo qeeybgala ,go’aanaa leeydiin diyaarinayaa raaca . HAYE,OGOL,,urur sameeyso anaa kuu sheega waxa aad qabeenee,.

23-Beesha caalmaka, community,community iyo BEEL ma isku midaa,,,waxaan xasuustay su’aal uu i weeydiiyay nabadoonka beesheeydu oo aheed horta beryahay waxaan maqlaa beesha caalamkee, hota beesheena iyo tan la leeyahay beesha caalamka, ma jiraa xeer naga dhaxeeya oo aan ku dhaqano haddi wax naga dhax dhacaan.
24-Haddi madfac culus aan maqalno waxaan ognahay labada dhinac somaliyaa hor socoto kuwa kale oo somaali SHACBU LAAHI ahina waa ku dhimanayaan madfaca amarkiisa labada dhinacba waxaa leh dad aan soomaali aheeyn ileey hubka ayagaa soogaday,geeleena kuma gadan ,canshuur dowladeedna laguma soo gadin.

25-Aqritoow,Haddii aad tahay soomali guudaha dalka jooga waxaad tahay walaalkeey/walaasheey illa rafaadsan . haddii aad tahay qurba joog kuuma aragno ajnabi waxaad tahay soomaali heeysta passport wadan kale,anaga dhalasha kasta oo aad qaadato waxaad noo tahay wallaalkeey n walaasheeyn ,ina hebel oo reer hebel ah . xoolaha summadda tolkaa ku dhigto ayaa nooga muhimsan sumadda passporkaaga dusha uga taal ileey anagu tan dambe ma naqaane.

26- Qof ahaan, 30 kii sanno ee lasoo dhaafay 60 cisho oo isku xigta kama maqneeyn soomaaliya gudageeda,gobalada badankooda howl ayaan u taay mudadaa,waxaanse deganaa Mogadishu marba xaafad ayaan u qaxayay sida adiguba marba gobal ama wadan aad ugu qaxeeysay,cabsi badan waan qabanay marka madfac dhacayo ee aniga , xaaskeeyga iyo caruurteenu badanaa hal qol ayaan madfac uga gambanaa,isu socodku marmar ayuu cabsi lahaa sida adiguba marka aad laba gobal ama laba dal isaga gudbeeysay,walwal waa jiraa maxaa berri kuu soo yeeyi doona sida adiguba marka aad doonta ku tahriibeeysay, dayaarada aad saareed adigoon shrci laheeyn, marka aad sugeeysay in lagu qaabilo, shaqa la’aan waa jirtaa mar mar, ceeyrse ma sugno oo dalkii ayaan joognaa,caruurtu wax barashu fiican ayeey xamar ku heeystaan caasina maaha, kuwaagana ALLA kama dhigo.

27-Waa in la xisaabiyo 40 sanno ciddii xil qabatay ,xatta hadduu dhintay lana sheego hanta iyo takri fal awoodeed wixii uu sameeyay ,dad badan ayeey kalsoonidii ka dhuntay u soo noqon laheed,oo dowlad aamini lahaa.

28-HIIRAAN MA DHALIIS MIYAA? Hiiraan kuma dhalan umana dhalan,laakin dalka eey ku taalaan ku dhashay dadka u dhashay ee soomaalida ah ayaan la dhashay. Reer hiiraan ayaa xaq u leh in eey ka hadlaan arrimahooda ,laakin soomali ahaan xaq ayaan u leeyahay in aan si guud dareeykeeyga u muujiyo. Hiiraan waxa eey aheed mid ka mid ah sideedii gobal ee dalku ka koobnaa markuu xuriyadda qaatay , sida Hiiraan, Alta juba, Bassa Juba,Banadir,Mudug, Majeerteenia, Togdeer iyo waqooye galbeed. Xatta waxaa la yiraa mudug markii hore waxa eey aheed qeeyb hoostagta hiiraan ( Delege) si kastaba 8dii gobal ee xuryiadda kadib jiray waa farcameen gobal kasta waxa uu dhalay gobal ama gobala kale, saddaxda gobal ee hadda Hiiraan xuduuda la leh waxa eey ahaayeey dagmooyin halka hiiraan eey gobal ka aheed berigaa, haddaba maxaa hiiraan ka dhigay ma dhaliis kaligeed.

Kaba darane markii hiiran gobal aheed kuwa tuulooyin ahaa ayaa dhalacay oo gobal noqday, tuuladii aan ku dhashay ayaa gobal noqotay oo hadda state u socota ,tusaala kale markii hiiraan gobal ajeed garbahaaerry tuuleey aheed, hadda waxaa maqlayay CAGAARAN STATE oo u dhaxeeysa Marka cadeey iyo shalaambood , dowladuna kama haddal laakin markii la yiri: Hiraan state ayaa la sameeynaa raisulwasaarahaa mar kaliya la soo booday axdidgu ma ogola kadibna ku saxiixay garowe 2, waxa eey aheed in ugu yaraan la yiraa Hiiraan waa xaalad gaar ah (special case), ogow California oo dhowr jeer ka weeyn Hawaii ayaa la yiri waa laba state , ma aha in aan sii wadno cadaalad daradii reer hiiraan eey ka qeeylijireen kana kacdoomeen .

Hiiraan waxaa eey ka weeyntahay gobala badan ,waa gobalka kaliya oo eey ka yimideen shaqsiyaad taariikhda soomaaliya galay oo aan u dhalan gobalka ,gobalda qaar in eey soo saaraan shaqsi aan u dhalan oo heer soomali gaara iska daaye waa ku adagtahay in uu ku noolaado ama iska sharaxo asagoo ugudbaya heer soomaali.yaan hiiraan dambi laga galin iyaguna waa atoorayaal badan yihiin hoos ha u arinsadeen, hore ayaa ummadd soomaaliyeed dambi looga galnay markii la yiri:

“4.5 shan shan aan la naaqusinaa jirta xataa hadii eey mid mid u kala taaganyihiin ,shantaada farood ma ogolid in laga dhigo afar farood iyo bar, shanta salaadna lama naaqusi karo, shanta soomaalina sidoo kale,markaa 4.5 waa naaqusin ummad soomaalieey, hiiraana in eey noqoto state, maamul gobaleed ma jiro sharci ku xiraaya laba gobal iyo ka bada ileeyn haddan faced laga reebeeyn waxa eey kaligeed ka mid tahay sideedii gobal oo bartama eey uga taal haddii shalay dambi laga galay anaguna manta miyaan ku sharciyeeyneeynaa.sharci kasta ee ben aadam sameeyay wax ma koobi karo ee waxa uu leeyahay xaalad gaar ah Hiiraana waa xaalad gaar ah si toos ah ayeeyna state u tahay hadeey hesho cid u hadashe reer hiiraan hadal lama faree”.

29- LAMU waxaa laga dhisayaa deked laga dhoofiyo shidaalka south Sudan.soo qaado khariidada East Africa fiiri,ceelasha shidaal ee sudan inta eey u jiraan kismayo iyo lamu ,waxa u dhaw kismayo,khubaradu waxa eey ku doodeen haddii maalgashada yaashu eey fiirinayaan danahooda dhaqaale waa in kismayo laga dhigaa,iyadaa u dhow ,tan kale dekeda lamu mustaqbalka waxa eey u baahanee dayac tir ka badan kan kismayo,oo biya badan oo berriga ka yimaad ayaa xeebta soo gaaraya, dhul biya bandanna waa soo mare, dhuumaha shidaalka waaxaa la marinayaa koofurta wabiga TANA si looga fogeeyo deegaanka soomaalida Kenya. Kenya waxaa eey aad ula xiriirtay maalgashadayaal ka jira khaliijka carabta ,shiinaha iyo kuwa kale,kismaayana waa laga wareejiyay,khubaradii oo aan qanacsaneeyn, Goolkaasu waa naga dhashay.
30-moqadishu 11 koox ayaa dadka disha waxaase lagu eedeeyaa laba koox,god noola badanaa qoda waxaase u eelan UNFO.
31-Waan ogahay in qoraalkan eey dhibaato iga soo gaari karto sida dad badan eey dunida dhibaato uga soo gaarto ,maxaa ku ogeeysiiyay? haddi aad ogaatay maxaad u ogeeysiisay,xamarna kuma sii jiro.

Gunaanad

wixii aan khaldo waa la iga sixi karaa,la dhaliili karaa,la igu canaana karaa, ,wixii iga maqan waa lagu dari karaa,ha igula yaabin walaasheey/walaalkeey wixii aqoon yari iigeeyso, qof muqdisha jooga madfacaa wareeriyaye,waxaa hubaa in eey jiri karto wax aan si u arko in aad u aragto si iga saxan ,waan kugu raacayaa . Ka raali ahaada Qoraalka aan idinku dheereeyay.
E-mail: yahyamw4@gmail.com

Waxaa jira qoraala badan oo aan tixraacay sida kuwa hoos ku qoran , hadii aad u baahato in aan kuu soo diro ee soo qor cinwaankaaga , ogow waa adagyahay khadka internetka xamar ,waxaan kuugu soo diri karaa shan shan ama toban toban haddii khadku saamaxo, ogow dadka oo dhana uma diri karo waqtiga la sugayo khadka oo dheer . Tusaale 11 kan iyo kuwa kale.

1-Briefing note on UK conference-Nairobi,10 january 2012,
2-Senior official meeting Dubai 11january 2012,
3-Final TFG position on the London conference
4-Italian non paper on post transition in Somalia.
5- Growe meeting.
6-uganda paper pages 1-10
7-TFG position paper on London conference
8-TFG nomination of policy advisor to London conference
9-east African nations will die
10-leaked document on London Somali conference
11- How IGAD divided Somali clans& juba

Prof. Yahye Sh. Caamir.

Related Items


Leave a comment