Farmaajo oo so celinaya Rajada ay Somalia ka lahayd Dowladnimo buuxda. by Abdirizak Osman Sahal

Thursday August 30, 2012 - 21:36:24
0 Comments
1974
Super Admin
Tayo Party the Hope of Somalia
Tayo Party the Hope of Somalia
Somaaliya waxay ku jirtaa waqti kala guur ah,oo laga guurayo dawladii ku meel gaarka ahayd loona guurayo dawlad buuxda oo somaaliya burburkii iyo dhibaatooyinka lagu jiray ka saarta. Waxaa usbuucyadii la soo dhaafay ku soo qulqulayay caasimada Somaaliya Muqdisho musharixiin u taagan xilka madaxweyne ee ay doorashadiisu dhici doonto Maalmaha fooda nagu soo haya.

Waxaa muhiim ah inaan is xasuusino in Somaaliya ay soo martay walina ku jirto dhibaatooyin aad u badan taasoo ay muhiim tahay in la helo madaxweyne iyo dawlada dhibkaas dalka ka saari karta. Waxaa muhiim ah in madaxweynaha la dooranayo lagu soo doorto Aqoontiisa,fikirkiisa,wax qabadkiisa, waayo aragnimadiisa, somalinamiida, dhaqan wanaagiisa iyo kalsoonida uu dadkiisa ka haysto.

Mudane Farmaajo, Ra iisul wasaarihii hore een Somaaliya, ahna xoghaya Xisbiga Tayo waa musharax uu taagan in loo doorto madaxweynaha Soomaliya. Mudana Farmaajo waxa uu soo hayay talada Raiisul wasaaradnimo mudo lix biood ah. Intii uu jagadaan hayay waxa uu soo qabtay hawlo aad u badan,hawlahasoo aad muhiim ugu ahaa wadanka Somalia,dawladii isga ja horaysayna ayna waxba ka qaban. Hadii aan qaar ka mida ah soo qaadano,anigoon halkan ku soo koobi Karin waxqabadkii Farmaajo waxaa ka mid ahaa.

Farmaajo Waxa uu sameeyay in uu dad tayo leh oo maamul qaban kara u dhiibo maamuladii wasaaradaha isgagoo eegaya danta wadanka balse aan eegayn dan shaqsiyeed,qabiileedama kooxo kale Tani waxay noqotay arin taariikhi ah kana duwan qaabkii ku salaysnaa qabiil ee maamuladii isga ka horeeyay ay wadanka ku maamuli jireen. Sida aynu wada ognahay dhibaatooyinka somaaliya in haysta waxyaabaha ugu badan waxaa kamid ah in loo dhiibo maamul qof aan maamul aqoontiis,kartidiis iyo waayo aragnimadiis lahayn een lagu doorto degmada ama beesha uu shaqsigu ka soo jeedo markaasoo la odhan jiray: Anna kan iigu dhiib jagadan. Farmaajo markii xilkii loo doortayba waxa uu bilaabay in la siiyo mushaharkii ciidamada iyo waliba xildhibaanada iyo shaqaalhii dawlada oon mudo aan mushaharadooda la siin.

Iyadoo sida aan hore ku soo qoray aan ha qoraal ah lagu soo koobi Karin hawlihii uu somaliya uu soo qabtay waxaa muhiim oo xusid mudan in manta Somali mee walba ha joogeen ay arkeen Mudana Farmaajo maamulkiisu wax uu yahay iyo waxa uu wadankisa iyo dakiisu u qaban karo. Arimahan aan kor kusoo qornay waxay sabab u noqotay in somalida qurbaha joogta iyo kuwa wadanka joogaba ay arkeen in ay manta Somaaliya rajo leedahay oo qof wqalba uu galo hami uu ku hammiyo wadankiisii inuu wax u qabto.

Waxa Mudane Farmaajo manta haystaa taagerada Somalida mee walba ha joogeen iyo qabiil walba ha ka yimaadeene. Xisbiga Tayo wax soo badanaya xubnaha iska qoraya een ka qayb nogonaya dadaalka loogu jiro in la helo Somaliya oo ay ka dhalato dawlad wanaagsan. Mudane Farmaajo waxa uu somalida tusay in Somaliya laga saari karo dhibaatadan soo jireenka ah marka la helo dawlad wanaagsan sida dawladiisi Tayo oo kal Guddiga maamulka faraciisa Tayo Holland waxay taageerayaan musharaxnimada Mudane Farmaajo,waxaan rajaynaynaa inuu helo doorashada madaxweynenimada.

Waxaan aamin sanahay,anigoon kulana qabiil ahayn,isku degmana aanan ka iman Mudane Farmaajo inuu yahay manta madaxweynaha ay somaliya u baahantahay in llo dorto kaasoo ka saari doono dhibaatooyonkii faraha badnaa ee wadanka Somalia la soo darsay. Waxaa muhiim ah in masuul walba oo Somali ah uu ogaado in Somalidu meel walba oo ay joogaan ay la socdaan ogna yihiin qof walba waxa uu u qabtay wadankiisa,taariikhduna ay qori doonto qofkii wanaag sameeya sida Mudane Farmaajo oo kale .

Waxaan ilaahay uga baryaynaa in ay somaliya ka dhisanto dawlad ka saarta dhibaatadii ay ku jirtay soona celisa sharaftii Wadanka..


Qoraalkan waxaa noo soo diray Guddoomiyaha Tayo

Related Items


Leave a comment