Taariikh nololeedka Xildhimaanada Qaranka Marwo. Sacdiya Carays Ciise

Sunday September 09, 2012 - 05:03:29
0 Comments
16220
Super Admin
Marwo. Sacdiya Carays Ciise, waxaa dhalay Abwaankii, halyeygii Somaliyeed ee Caanka ahaa (Allah ha Naxariistee) Carays Ciise kaarshe. waxay ku dhalatay dalkeeda Hooyo ee Somalia gaar ahaan magaalada Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose. Waxay dhalatay taariikhdu markay ahayd 1966. Waxay Waxbarashadeedii hoose, dhexe iyo sare kuqaatay Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho. waxayna ka baxaday Dugsigii sare ee beeraha sanadku markuu ahaa 1983 illaa1984.

Sanadku markuu ahaa 1985 waxay Marmo. Sacdiya ku biirtay Jamaacadii dalka ee Lafoole, waxayna ku takhasustay Sharciga. Dhamaadkii 1987 waxay heshay scholarship ama waxbarasho free ah ayadoo ka heshay Dalka Talyaaniga oo markaas Somalia saaxiib dhaw la’ahaa. Waxay ku biirtay jaamacada lagu magacaabo Università della Valle D'Aosta, waxayna dhiganaysay ilaa 1992, ayadoo sii wadatay takhakhuskeedii sharciga.

1993 waxay u wareegtay dalka Canada halkaas oo si deegaan ahaan ay ugu wareegtay. Sanadihii ugu horeeyey ee ay ku noolayd Canada waxay sii wadatay waxabarashadeedii sharciga ahayd intii u dhaxaysay 1994 ilaa 1997-kii.

Kadib markay qaadatay shahaadadii sharciga ee ay mudada kusoo jirtay, Marwo. Sacdiya waxay ka shaqo bilawday hay’ado badan oo kala duwan kuwaas ka shaqeeya horumariya arimaha qaxootiga iyo Bini-aadanka kuwaas oo kadhisnaa dalka Canada, gaar ahaan magalaada Toronto. Waxay shaqooyinkaas haysay sanadihii u dhaxeeyey 2001 ilaa 2008-dii

Marwo.Sacdiya Carays Ciise waxay ku hadashaa afafka kale ah Luqadeeda Hooyo, English iyo Talyani. Waa hooyo haysata laba caruur ah deegaankeeduna yahay Dalka Canada, Magaalada Toronto.

August 20, 2012, Marwo. Sacdiya Carays waxay kamid noqotay Xidhimaanadii lagu dhaariyey Magaalada Madaxda Dalka Somalia ee Mogadisho, waana markii ugu horaysay ee dalka Somalia lagu dhaariyo Xildhimaano qaran oo aan kumeel gaar ahayn mudo 40 sano laga joogo.

Marwo. Sacdiya Carays waxay hada xubin katahay gudiga farsamada ee ka shaqaynaya doorashada Madaxwaynaha rasmiga ee Somaliya ay yeelanayso Bishaan September 10, 2012, hadii Allah awooda nagu simo. sida dadka yaqaan ama lasoo shaqeeyey noo xajiiyeen Sacdiya waa qof hawl kar, fur-furan, daacad ah isla markaas xambaarsan wadaninimadii Aaabeheed Carays Ciise kaarshe (AHU) lagu yaqaanay.

Haddii Eebe noo saamaxo waxaan idiin soo gudbin doonaana muqaalo badan oo ku saabsan Xildhimaanada Qaranka Marwo Sacdiya Caraysa Ciise Kaarshe.


BURTINLETIMES| BOSTON MA, USA.

Related Items


Leave a comment