Kitaab Galkiisa Loo Diiday Sayax Allaa Baday: by Eng. Axmed Max’uud Xandulle

Saturday September 15, 2012 - 20:49:36
0 Comments
2242
Super Admin

Qoraalkan wuxuu go’gol xaar u yahay qoraalkii hore ee ahaa “KITAAB GALKIISA LOO DIIDAY SAYAX ALLAA BADAY”

14-09-2012

Waxaan salaamaya dhamaan ummadda Soomaliyeed, waxaana ugu hambalyeynaya marxalada siyaasadeed ee kala guurka ah, gaar’ahaan madaxda cusub ee Qaranka, waxaana lIlaahey uga baryaaya in Illaheey u fududeeyo howsha culus ee loo doortay.

Qoraalkan gaaban waxaan raba in aan Lifaaq uga dhigo mid aan qoray waagi dawladii dalka Jabuuti lagu soo dhisay (degmada Carta). Ciddii akhrisata, waxay qoraalkaa ka heli sababihii aan u qoray aniga oo kamid ahaa Golihii Wasiirada ee Dawladaas. Qoraalkaas, waxaan ummadda Soomaliyeed u soo bandhigay 3-11-2003.

Waxaan mar labaad ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Dawlada Cusub ugu soo bandhigayaa in aan qaladaadki la galay intii u dhexaysay Dawladii Carta lagu soo dhisay iyo tii hada xiligeedi dhamaaday anay dhib u dhicin.

KITAAB GALKIISA LOO DIIDAY SAYAX ALLAA BADAY!!!!!!!!!!!!!!!!

Talo goleheeda loo diddayna tayo xumo Alla baday.

Waxaa jira geed ka mida dhirta dhulkeenna ka baxda oo la yiraahdo “Booc”. Geedku wax faa’ido ah uma laha nafleyda sida dadka iyo duunyada midna, waayo hoos ma laha, ood Xoolaha xero looga dhiso ma laha, qori sinaba waxtar u leh ma laha, Xoolahana daaq uma lahan.

Inkasta oo geedku deeqaha Illaahay bixiyo, sida biyaha, nafaqada dhirtu dhulka ka hesho iyo qoraxda oo la wadaago dhirta oo ugu faa’idooyin fara badan oo kala duwan u leeyhihiin nafleeda oo idil, lama Sheegin dhibaato intaa ka baxsan oo geedku u geesto dhira kale ee la dagaanka ah.

Aniga aragtidayda geedka waxaa la mid ah DKMG, ah ee dhalatay Shirweynihii nabadeynta Soomaaliyeed ee sannadkii 2000 lagu qabtay dalka Jabuuti. Basle DKMG waxay geedka kaga duwan tahay hal arrin ah oo aan soo sheegi doono.

Shirkaa waxaa ka soo qayb galay dad tiradiisu gaarayso 6000 ilaa 7000 kun oo dalka debediisa iyo gudhihiisaba ka kala yimid, Dadka shirweynaha nabadaynta Soomaaliyeed ka qayb galay waxaa ka mid ama ay ka koobanaayeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay oo dhan, sido Isimada, Aqoonyahannada, Siyaasiinta iyo Haweenka. Shirka waxa hogaaminayey Isimada iyo Ergooyin ay cayiman oo beelaha Soomaaliyeed soo dirsadeen. Sida la ogyahay, shirka waxaa Soomaali-weyn ka sugeysay in ay ka soo baxaan laba arrimood:

1: In la nabadeyo beelaha Soomaaliyeed oo dad yar oo si xun wax doonayaal ahi mashaqo colaadeed ka dhex oogeen.

2: Iyo in la dhiso dowlad Soomaalida ka rarta guriga colaadeed una rarta guri nabadeed.

Haddaba, ayada oo laga duulayo ooraahda ah “taladu” waxay ku roontahay Gole ayaa shirku socday muddo dheer oo wada tashi iyo is qancin jilbaha loo laabtay. Suugaanta Soomaaliyeedna waxa ka mid ah oraah orannaysa “talladaan la ruugin waa lagu rafaadaa”.

Sida aan kor ku soo sheegnay shirka wixii ka soo baxay waxa ugu muhiim sanaa laba arrimood:

a). Nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, oo la oran karo badiba waa hirgashay, waayo Isimada xilkooda koowaad waa nabad ka talin.

b) In la dhiso dowlad sharciga iyo xeererka dalka loo dejiyey ku dhaqanta. Sidaa darteed, baaqii nabada waxaa ku xigay oo la soo saaray charter ka kooban 28 Qodob iyo 5 baaq oo la xiriira, kaas oo aad loo doo dhoweeyey.

Charter-ku wuxuu qeexeyaa qaab dhismeedka dowlada iyo awoodda hay’ad waliba leedahay, sida baarlamaanka oo ah hay’dda sharci dejinta, madaxweynaha oo xilkissa ugu muhiimsani yahay, dhowrista Axdiga iyo shuruucda dalka_arag charter-ka qodobka 24.

Golaha wasiirrada wuxuu mas’uul ka yahay siyaasadda iyo maareynta dhaqaalaha dalka arag charterka qodabka 25.

Golaha wasiirraddu waa Xukuumada waana golaha fulinta e DKMG, ah Golaha Garsoorka oo an xilkiisu fisiraad u baahnayn, sidaana waxa ku dhan waaxyaha DKMG.

N.B. charter-ka waxaa dejiyey guddi laga dhex doortay ka qayb galayaashii Shirka. Marka waxaa kaliya oo loo baahnayn, sidaana waxa ku dhan waaxyaha DKMG ahi si habsimi ah charter-ka ugu dhaqanto haddii loo baahdo in wax laga bedelana, waa in la helaa qaab aan sharciga dalka u yaala aan ka hor imaanayn. Sidii laga rabay DKMG aha sidaas ayay ahayd, laakiin, beryahaan dambe waxaa hanoqaad noqday dhaqan ah “la shir, la heshii, cahdi la soo saar, lana saxiix, wixii la saxiixay ha ku dhaqmin, iskana fogee, sida aad doontana yeel!!!


Waxaan kor ku soo sheegnay sida charter-ku u cadeeyey waajibaadka ay u xilsaaran yihiin qaar ka mid ah hay “addaha DKMG ah iyo waliba qaar ka mid ah xubna sarsare ee DKMG ah.

Abaaruhu marka ay dabo dheeraadaan sida haddaba ka jirta dalkeena, dadku wuxuu habeen iyo maalinba All aka tuugaa raxmaad khayr qaba. Sidaas oo kale, Soomaalidu muddo dheer waxay Alaaha awoodda weyn leh ka baryeysay in uu siiyo dowlad ka samata bixisa hooga iyo halaag mudada dheer halakeeyey.

Hadda waxaa la soo gaaray maalintii aynu hambalyo hambalyo is oran lahayn, gogoshii nabadeynta beelaha Soomaaliyeed waa lagu guulaysta, waxaana loo gudbayaa dhismo dowladeed — hambalyo — hambalyo.

Sida la ogyahay dhismo dowladeed waxaa aasaas u ah dastuur ama charter. Sidaa darteed, waxaa loo gudbay dejinta charter-ka aan kor ku soo sheegnay, Charter-ka waxaa loo dejiyey qaab dimoqraadi ah oo aan ogolayn diktaatooriyad iyo talo maroorsi. Waayo, inkasto oo aan la isku raacsanayn buburkii Soomaaliya waxaa loo aaneeyaa kali talisnimo.

Talabadii ku xigtay waxay ahayd dhismaha Golaha shacbiga oo dhamaan beelaha Soomaaliyeed xubno ku leeyihiin. Dhismihii Golaha shacbiga waxaa ku xigtay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacbiga oo xubnaha Baarlamaanku iska dhex doorteen. Waxaa Baarlamaanku doortay Madax-weyne oo isna wasiir koowaad magacaabay. Hay’addaha kor ku xusan iyo shakhsiyaadka kaleba waa intii dalka Jabuuti lagu doortay ama lagu magacaabay.

Halkaa markii xaalku marayey waxaa si kedis ah loogu soo guuray Muqdisho. Mudo yar ka dib wasiirkii kowaad wuxuu isna magacaabay 25 wasiir iyo tiro W/ku-xigeena ah oo tiro iyo tayaba leh Charter-kana waafaqsan.

Sida la ogyahay, wasiir wuxu mas’uul ka yahay siyaasada wasaarada, maamulka wasaaradana waxaa mas’uul ka ah Agaasime guud, Agaasime waaxeed, Madax Qaybeed iyo shaqaale weynaha kale.

Dhismihii wasaaradduhu waxaay ku soo afjarmeeyn wasiir iyo W/ku-xigeen ee looma dhaqaaqin dhismaha Agaasinka guud ee wasaraddaha. Howshii Golaha wasiirradda waxaa xambaartay wasiirkii koowaad, inta kalena usbuucii hal mar ama ugu badnaan labo jeer waxay ka qayb geli jireen shirka Golaha wasiirradda--- waaba kii gaari kara ee.

Axdiga Qaranka ee ku meel gaar ahi wuxuu DKMG ah u xilsaaray fulinta waajibaadka ku qeexan baalashiisa, haddaba yaa sheegi kara halna ha noqotee wax fulay waajibaadkaas?

Sida aan kor ku soo sheegnay wasiirraddu wax shaqo ah ma hayn, sidaa darteed waxaa la arkijiray wasiirka iyo dadweynaha oo si siman safka ugu jira xafiiska Madax-Weynaha. Wax lala yaabo ma aha haddii la arko wasiir xubin firfircoon ka ah fadhi ku dirirada maqaayadaha hortooda ka aloosan.

Soomaaliya in ay burburtay looma ogaal la’ayn, laakiin wax buuranba yeey noqone, hantidii soo gashay DKMG ah waa la awooday in wasiirka qol uu ku shaqeeyo loo sameeyo. Waa wax lala yaabe, mudo yar markii laga sokeeyey Jabuuti ayaa waxaa dagaal ka dhex qarxay Madaxeynaha iyo wasiirka kowaad.

Sidaas oo kale waxaa dagaal ka la mid ahi ka dhex oogmay wasiirkii koowaad iyo wasiiradii Charter-ku wuxuu si aan mugdi ku jirin u bayaamiyey waajibaadka iyo xilalka la kala leeyahay.

Hadaba maxaa nuxurka dagaalku ahaa?

Xaqiiqdii wuxuu ahaa awood la isku ahaysto oo charter-kii waa sidii aan kor ku soo sheegnaye waxaa laga soo azaday wax aan jirin. Waa wax laga naxo e shacbigu waxuu DKMG ah ka sugayey samatabixin wuxuuse ku baraarugay ayada oo xubnaha sarsare ee DKMG ah dagaal ku dhexmarayo jaraa’idka iyo raadiyayaasha. Dagaalku waa fiday waxaa uuna ka dhex bilowwday Madax-Weynaha iyo gudoomiyaha Golaha shacbiga, halkaan waxaa ku luntay wada shaqeyntii hay’addaha DKMG ah, rajadii shacbiga Soomaaliyeed qabayna waa laalantay.

Arintani markay sidaa u murugtay waxaa xal loo arkay in wasiirkii kowaad iyo golihiisaba kalsoonida laga la noqdo waana lagu guulaystay fadhiga kalsoonida laga la noqday xukumadda waa la qabtay 28-10-2001 xildhibanada waxaay dhameyeen: 174 xildhibaan, 141 xildhibaan kalsoonidii xukumadda waa kla noqdeen, 29-na waa siiyeen 4-na ma codeyn. 174+29+4= 174. Sidaas ayaa xukuumaddii hore ku dhacday.

Sidaas darted 12-11-2001 waxaa Madaxweynuhu badalkii “Cali Khaliif” waa wasiirkii koowaad ee hore, wuxuu magacaabay Xassan Abshir. 16-2-2002 Xasan Abshir wuxuu magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 36 wasiir iyo inta badan wasaarad walba 2 wasiir-dowle iyo waliba koox w/ku-xigeena ah oo mardanbe idaacadda looga yeeray, sidaana ku shaqo galay ayaga oo aan sida sharcigu dhigayo aan la dhaarin ileeyn sharcigii waa laga maarmay.

Golahaan tirade badan waxaa ku banana oraahda ah “timirtii horeba dab loo waa” amase tan kale ee leh “waa socon weynaye aan orodno”. Talaabadani in ay xal keento wa lagu hungoobay waxaana kor u sii kacay xiisadii ka dhalatay loolanki awoodeed iyo waliba golaha wasiirradda oo aragti aan mideysnayn ka dhex unkatay xaqiiqdiina waxaay noqotay “kadar oo dhibi dhal”.

Charter-ku waxuu ka dhigay 25 wasiir oo kuligood jaamiciyiina iyo tiro w/ku-xigeeno ah, Ayada oo xal loo raadinayo dhibaatada siyaasadeed ee ku habsatay DKMG ah, ayaa waxaa shir lagula yeeshay magaalada Nakuuru ee dalka Kenya qaar ka mid ah ragii kazoo horjeeday DKMG ah, waxaana lagu heshiiyey in la balaariyo goleyaasha DKMG ah ayana ay ku soo biiraan.

Isla markaana shuruudihii aqooneed ee charter-ku xirayna la laalo. Halkaana waxaa ka dhalatay xukumad tirsigeedu dhan yahay ± 106 qof oo tiro ka mid ah ayan maalina dalka imaan. Bacdamaa la burburiyey qodobada kala ah17 & 25 oo ah qodobadii tiro iyo tayoba lagu saleyey goloyaasha DKMG ah waa in la helaa sharci sidaas ogolaan kara.

Sida aan soo shegnay golihii xukumada waa labalaariyey kii baarlamaankase ma suuragalin. Balaarinta qolaha xukumada waxaa la sheegay in uu saamaxayo qodob ka mid ah dastuurkii 1960-kii.

Qodobku sida la sheegay wuxuu leeyahay golaha la balaariyey ee xukumada waa in laba jeer oo lix bilood u dhaxayso kalsooni loo weydiiya golaha baarlamaanka. Fadhigii hore ee codsiga kalsoonida waxaa la qabtay 09-03-2002, lamana qaban. Sidaa darteeed, golahaasi laga bilaabo tariikhda kor ku xusan ma jiro sharcina ma aha, waa haddii sharci lagu dhaqmayee.

Markan dambe goluhu wuxuu u baahnaa 164 cod si uu kalsoonida u helo. Aniga aragtidaya, DKMG ahi waxaay Soomaaliya ku soo kordhisay qalalaaso siyaasadeed oo kaliya oo aad ku kobciyey dhibaatooyinkii faraha badnaa ee horeyba dalka ugu jiray. Aan si kooban qodobeeyo:

1) Ku dhaqan la’aanta charter-ka

2) Iska hor imaad iyo wada shaqayn la’aan madaxdii sarsare ee DKMG ah

3) Intii aan ka midka ahaa golaha xukumada, DKMG ah waxaa soo gaaray deeqo badan oo ku kla baxa lacag, raashin, gaadiid, qalab kala duwan iyo waliba inkastaba hala ekaatee canshuur dalka gudihiisa kasoo xorootay. Hantidaas lama yaqaan meeshay ku dambeysay.

4) Waxaa jirtay deegaamo kala duwan oo dagaalo iyo qulqulado ku dhexmaraan beelo Soomaaliyeed, waxaase layaab leh in aan DKMG ahi xasaradaha beelahaas u dhexeeya aanay dhexdhexaad ka noqon. Hadaba waa iga su’aale, DKMG ahi beelaha Somaaliyeed maxay u kala shinsaneysaa?

5) Sida la ogyahay, charter-ka ma ahan charter dal xaaladiisu caaadi tahay loo dajiyey, waxaana ku dhaqankiisu ku koobnaa sadex sanno oo kaliya, aragtida laleeyahay wixii charter-ka laga waayo waxaa laga raadinyaa darstuurkii 1960-kii waxaan u arkaa qiil aan sax ahayn maxaa yeelay, arag charter-ka —qodobka 20aad ee charter-ka faqraddiisa 1aad. Ujeeddoyinkii badnaa ee charter-ka loo dejiyey oo aan wax ka fulay jirin, waxaa ka mid ahaa in DKMG ahi dastuur diyaariso inta charter-ka loo dejiyey oo aan wax ka fulay jirin, waxaa ka mid ahaa in DKMG ahi dastuur diyaariso inta charter-ka cimrigiisu jiro, taasina ma suura galin.

Sidaas darted waqtigii charter-ku waa dhamaaday, DKMG ahna awoodeeddii fulineed waa soo afjarantay, laakiin, waxaa waea jibaadkii charter-ku siiyey ka harsan in ay xilka ku wereejiso dowladdii la soo dhiso, waaba haddii la soo dhiso!

Qoraalkan gaaban bilowgiisa, waxaan ku matalay faa’ido la’aanta geed la yiraahdo “BOOC”. islamarkaana aan la ogeyn dhibaato ka baxsan inta la soo sheegay. Geedka Booca ah waxaa la mid ah DKMG ah, waxaayse kaga duwan tahay hal arin ah, taas oo ah in ay dhbaatooyin hor leh soo kordhisay.

Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa qodobada aan kor kusoo taxay, oo marka la isku duuduubo macnahoodu soo baxayo in aan Soomaalidu wali ka korin aragtida ah in qofka mas’uulka ahi sharciga ka sareeyo, meeshi sharcigu sareynlahaa. Baryahaan danbe waxaa aad loogahadlaa cudurka Aids-ka la yiraahdo ee Aduunka aafeeyey, ilaa hadana aan daawo loo hayn, Soomaalidiina siyaasadiibaa Aids-kaga dhacay ee xagee daawo uga helnaa? Aniga waxaay ilatahay, daawada waxaa laga helayaa golayaasha wada tashiga, waayo taladu waa gole ku nool.

N .B.: waxaan ka cudur daaraanayaa haddii qoraalkan gaabani bulsho weynta Soomaaliyeed ugu dhahdma “wax aad ogtahay ma kuu sheega”.

F.G. Dadeynaha Soomaliyeed waxaan ku wargalinayaa in aanan ka mid ahayn kuwa xilalka aan jirin sheeganay.

Horeyna uma yeelin, hadda kadibna ma yeeli doono in aan danta guud ee umadda Somaaliyeed tayda gaarka ah mudnaanta ka siiyo. Iimaanka Alle ha inagu sugo.




Eng. Axmed Max’uud Xandulle

Wasiirkii hore ee wasaaradda Macdanta iyo biyaha ee DKMG ah.

Related Items


Leave a comment