Boqolka maalmood ugu horeeya ku kaalmeyso Tobon Horseed u ah Afar sanadood oo Guul ah BY: ABDULKADIR HINDI

Monday September 17, 2012 - 06:22:49
0 Comments
2089
Super Admin
Madaxwayne Hassan Sheikh
Madaxwayne Hassan Sheikh

Mudane Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud>>>>>>>>>
  1. Ku tasho Ilaahey, dadkaaga iyo dalkaaga. Haddii aad ku kalsoonaatid waxaad bilowday maamul ku dayasho mudan oo Soomaali tusaale u noqda qarniyo fog fog. Taasi waa aasaaska ISBADELKA ay Soomaali kaa rajeyneso.
  1. Waxaa tahay Madaxweyne Soomaaliyeed. Qofwalba oo Soomaali ah meelkasto uu joogaba dalka gudihiisa iyo dibadiisa adiga ayey ku fiirsanyaan. Ha-noqon Madaxweyne deegaan kooban, qabiil gaar ah iyo koox gooni ah. Noqo nin Madaxweyene u ah Waqooyi, Koonfur, Bari iyo Galbeed. Taasi waa ISBEDELka faraxgalinaya Soomaali oo dhan.
  1. Villa Soomaaliya waa in ay noqotaa Villa Soomaaliya. Meel uu iman karo qofwalba oo Soomaali ah asagoo u maraya nidaam iyo sharci kala haga dadka iyo danahooda. Shaqaalaha Madaxtooyada waa in ay noqdaan 100kaaga maalmood ee ugu horeeya mid ka duwan taariikhdii shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya. Kaasi waa ISBADELKA Villa Soomaaliya.
  1. Dooro qof ku haboon wasiirka koowaad adigoo la tashanaya qeybaha kala duwan ee aqoonyahaniinta Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan maamulka Puntland. Waa in uu noqdaa Wasiirka koowaad mid qeyb weyn ka noqon kara Isbadelka la rajeenayo. Sidoo kale waa in uu noqdaa mid ka fog eex, khayaano, quursi, qabyaalad, iyo dano shisheeye. Waa in uu noqdaa mid u adeegayo dalka, dadka iyo diinta. Kaasi waa ISBADELKA kor u qaadida Hayada fulinta.
  1. Ha u Safrin 100 kaaga maalmood ee ugu horeeya Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Uganda. Macnaheedu waa in aad ka badbaado shaki xulafaysi, xodxodasho iyo wixii hore ee Soomali burburiyey. Marka hore adkee xiriirka adiga iyo dadkaaga ka hor safar dibadeed. Taasi waa ISBEDELKA ka fogaanshaha shaki shisheeye.
  1. Muqdisho ma ahan Soomaaliya oo dhan. Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. ISBEDELkaaga waa inuu gaaraa guri walba oo Soomaali ah, qoys walba oo Soomaali ah, qeyb walba oo Soomaaliya ka mid ah. Taasi waa ISBEDELKA cadaalada.
  1. Booqo dhamaan deegaanada Soomaalyeed inta Dowlada Federalka hoostimaada sida Puntland, Galmudug, Hiiraan, Shabeelada Hoose, Jubooyinka, Bay iyo wixii la mid ah. Kaas waa ISBEDEL abuuraya xiriir qoto dheer, xaqiiqdana ku tusaya.
  1. Bilow dhisida fikrad ama hal-abuur Xarunta Cilmi Baarista Horumarka Soomaaliyeed iyo wixii la mid ah. Hayadaas oo kulminaysa aqoonyahaniinta Soomaaliyeed, sidoo kale iftiiminaysa horumarka loo baahan yahay. Qodobkan waa ISBEDELKA horumarka mustaqbalka dhow iyo midka fog.
  1. Qorshee ama Go’aanso xiliga ay ka baxayaan ciidamada shisheeye dalka Soomaaliya. Arintaas waxay kuu sahleysaa in aad hiigsatid iskufilnaansho dhinaca nabadgalyada. Waxay dardargalineysaa abuurida ciidamo ku filan qaranka si deg deg. Waxay yareyneysaa faragalin dibadeed, waxay kor u qaadeysaa Wadaninimada Soomaaliyeed. Kaasi waa ISBEDELKA adkeynta xornimada Soomaaliyeed.
  1. Dhis ama abuur Gudiga Hanti dowrka Qaranka. Mid ka duwan kuwii hore ee maqaar saarka ahaa, adigoo isticmaalaya system ku cusub Soomaalida taas oo lagu kala ogaan karo wixii soogalay dalka oo lacag ah iyo wixii baxay iyo sababtii ay u baxeen iyo meeshii ay ku baxday. Kaasi waa ISBEDELKA ka hortaga musuqmaasuqa.

Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne Guul aduun iyo mid aakhiro.

Waxaa Qoray

Abdulkadir Hindi

Boston, USA

Related Items


Leave a comment