Maxay tahay Sababaha ay Kenya iyo Pundland uga Maqnaadeen Caleemo Saarkii Madaxweyne Xasan Shiikh

Wednesday September 19, 2012 - 19:47:35
0 Comments
2683
Super Admin

Iyadoo Maalintii shaley oo Axad ahayd la Caleema saarey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa hadana madax lagu martiqaadey Caleemo saarkaas ayaa ka baaqsadey in ay ka soo qayb galaan, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Dowlada Kenya Kibaki iyo Madaxweynaha Mamulka Gobleedka Pundland Cabdiraxmaan faroole, hadaba warar kala Duwan ayaa ka soo baxaya maqanaashaan Labadaas Mas’uul.

Haddii aan fiirino Dowlada Kenya waxa la filayey in uu yimaado Madaxweynaha Wadanka Kenya Kibaki oo la sheegey in casuumada loogu dhiibey Wasiirka arrimaha Dibada oo isugu soo gaarey Magaalada Muqdisho balse la kulmey Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Hatelkii uu degenaa Madaxweynaha Cusub Xasan Shiikh Maxamuud , waxaana Maqnaashaha Caleemo saarka Dowladda Kenya si weyn u hadal haya Shacabka soomaaliyeed oo la sheegey in ay layaab ku noqotey.

Dowladda Kenya oo Ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa ka maqnaanshaha Caleemo saarka Madaxweyne Xasan Shiikh ee Dowladda Kenya ayaa Siyaasi ku dhow Dowlada Federaalka noo sheegey in Sababaha ugu weyn oo ay Dowladda Kenya uga maqnaatey ay tahay ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku diidey Kenya Shaqsi ay la rabtey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya kaasoo ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hore Raiisul wasaare uga soo noqdey Dowladii Shiikh Shariif , waxaana Madaxweynaha uu ku yiri wasiirka arimaha dibada ee Kenya” Talo waan noo soo jeedin kartaan laakiin Xaq u mala lihidiin Hebel Raiisul Wasaare ka dhig”, waa sida uu sheegay siyaasigaasi.

Sababaha ay Dowladda Kenya ay u raadinaso in Cabdiweli laga dhigo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu noo sheegey Siyaasigaas in Dowlada Kenya ay dano fara badan ka leedahay soomaaliya siiba dhinaca Badda oo la sheegey in ay Shidaal ka Qodoneyso islamarkaana waxaa uu sheegey in ay dooneyso in ay soo nooleyso Heshiiskii Badda ee Soomaaliya ee Sannadkii 2009 , balse Heshiis waxaa hore u laaley Baarlamaanbkii Federaalka ee Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu gaari doono Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya marka uu ku sii jeedo Magaalada New York waxaana la filayaa inta uu joogo Dalka Kenya uu dhameyn doono Khilaafaadka u dhaxeeya labada Dowladood, iyadoo Siyaasigaas uu sheegey in Dowladda Kenya ay Ceeb iyo Fadeexo ku tahay in ka baaqsashadii Caleemo saarkii Madaxweyne Xasan Shiikh waayo waxaa uu yiri” Dowladda Kenya in Shaqsi ay wadato tiraado ha laga dhigo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya taasina waxay burburineysaa Danihii ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka aarimaha Dibadda ee Kenya Sam Ungeri ayaa sheegtey in Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Jasiira ku eedeysey in uu ka Dambeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh oo ay sheegeen in uu ka Careysnaa Doorashadii looga guuleystey ee Dhacdey Toban Bishaan Sept 2012, waxaa uu sii raaciyey”Shiikh Shariif ayaa inta ay dhicin Doorashada waxaa uu la soo xiriirey Dowlada Kenya oo naga codsadey in ay taageeraan Doorashadiisa ee ku soo laabashada Kursiga hase yeeshee waxaa ku wargeliney in ay taageerayaan Cid kasta oo ku soo baxda Doorashada “ sidaa darteed waxaa Moodaa in Dowlada Kenya ay ka aarsanyeso hadal hore uga soo yeerey Shiikh Shariif ee ahaa “ Madooneyno in Dalkeenna la iska soo galo marka Waan Ciidamada Kenya ay dalka ka baxaan” taasoo ay si weyn uga Carootey Dowladda kenmya halka Cabdiweli Gaas uu difaacey soo gelitaankii Kenya ee Soomaaliya.

“Markii uu dhacay Qaraxa waxaa Hotelka soo gaarey Shiikh Shariif wajigiisa kama muuqan wax Murugo ah oo ka aadan Qaraxaasi waxaana dhab in Shiikh Shariif uu wax weyn ka ogaa Qaraxaasi maadaama uu ka careysnaa qaabkii ay ku dhacdey Doorashadaasi marka Dowladda Kenya waxay Dareemeysaa in Qaraxaasi uu ahaa mid la doonayo in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Cusub” ayaa laga soo xigtey wasiirka arimaha Dibadda ee kenya.

aaqdey Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Pundland Cabadiraxmaan Faroole waxaana uu ka mid ahaa Xubnhii lagu martiqaadey caleemo Saarkaas iyadoo habeenkii la doortey Subaxeedii uu Madaxweynaha Cusub u soo direy Dhambaal hambalyo ah uu ku saabsan Doorashada Madaxweynaha, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa ragii qaybta ka qaatey Barnaamjikii Road Map-ka ee lagu dhisey Dowladda hadda Jirta sidaa darteed waxaa baaqashada Cabdiraxmaan Faroole ee Caleemo saarka ka soo baxaya warar kala Duwan.

Warar ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan faroole uu ka careysan yahay markii la aqabali waayey talo soo jeedin ku aadan Cida laga dhigayo Raiisul wasaaraha iyadoo la sheegey in uu watey in dib loo soo celiyo Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, warar kale ayaa sheegey in Cabdiraxmaan Faroole uu ka Codsadey Ciidamada Amisom in ay sugaan Amaankiisa taasoo ay ku diideen Taliska sare ee Amisom oo u sheegey Cabdiraxmaan Faroole in Amaankisa ay ka Masuul Tahay Dowlada Federaalka taasoo uu si weyn uga Caroodey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Related Items


Leave a comment