Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxwaynaha Puntland by, Eng Abdirashid Abdi Daad

Monday October 29, 2012 - 00:05:57
0 Comments
2794
Super Admin
Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariistoo dhan iska leh Ninkii magaacaga kuugu yeera aqoonin dheh, ninkii magaca aabahaa kuugu yeera gacal dheh, ninkii magaca awoowgaa kuugu yeera gacal gacal dhalay dheh, ninkii magaca cinwaankaaga kuugu yeera wax doon dheh.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow Assalaamu Calaykum Wr Wb salaan ka bacdi…

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, anigu aqoon fiican kuuma lihi dadka wax faar faara amaan iyo ceebaalba midna ma ahi… Waxaanse markii iigu kaa horaysay kuwada kulanay istanbuul adigoo ay garbahaaga fadhiyeen rag iyo dumar xukuumadda aad madax sare u tahay ka mid ah, waxaan ahaa ninkii la scoday wiilkii kaaga warramayey istanbuul nidaamkii yaalay… beeni waa ceeb waxaa runtii iiga kaa muuqanaysay oo aan dareenkaagii ka dhandhansaday…

  • Inaad tahay nin diric ah oo dhiig kulul dareenkiisuna sareeyo.
  • Inaad tahay nin aan ka gaban waxa uu doonayo, hoosna aan u guuxin ee hadalkiisa caddeeya.
  • Inaad tahay ruux cadkiisa goosan kara oo aan doqonimo lagu dhaafin karin.
  • Fudaydna waa iiga kaa muuqday.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow arimahaas kore ruuxa lihi runtii bulshaduu hogaan keeda qabtaa meel ayeey gaartaa qurxoon, waase markee weeye suaashu. Somalidu waxay tiraahdaa talada ama hay ama walaalkaa hakuu hayo, waa markii ruuxaasi helo…

  • la taliyayaal wanaagsan oo markuu wanaaga asiibo ku dhiiri geliya, markuu qaldamana ka hor istaaga illayn Allah swtc maahee cid aan qaldamini ma jirto.
  • Dad gaarsiiya bulshada qaybaheeda kala duwan wixii uu kasoo waarido dunida dacaladeeda iyo waddanka gudahiisaba.
  • Dad usoo xuuraamiya cabashada iyo tabashada bulshada qaybaheeda kala duwan.
  • Dad usoo xuuraamiya dunida daafaheeda wax yaabaha uga suurta geli kara ee bulshadaasi u baahan tahay.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow sidaad ogtahayba waxaad ku soo beegantay waqti dadkii daacadda ah hog lagu riday oo dabool oogada laga saaray, meel kastana waxaa ordaya dad maxaan cunnaa ahmiyadooda ugu wayni tahay. Bal waxaad eegtaa hareerahaaga waxa, layli calawi lawada wato iyo baabuur tikniko ah dadkii laga soo qaaday xoolahaas lagu gatay nabad la’aan iyo rafaad nololeed ayeey la ildaran yihiin, waxaad garan kartaa inaay nabad galyadooda shaqsinimo iyo noloshooda shaqsinimo qasdigoodu yahay.

Waxaad is waydiisaa duulkaan kugu xeeran (lataliyayaal xildhibaano wasiiro xoghayaal iyo guddoomiyayaal) sababta ay u hanan waayeen kalsoonida iyo codka shicibka ay kasoo wada jeedaan ee bulshada ee loo idmaday inay wax u qabtaan. Waxaad moodaa dan kama lihin u dangiigaxan mayno arimaha bulshada, sawaxanka iyo cabshada buslhada qaybaheeda kala duwan ka imanaya oo ay tooda kaliya eexaystaan.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow waxaa jira dad aan anigu u bixiyey hoodado, dadkaaso ku heeraarsan hadba ruuxii madaxa sare noqda. Dadkaasi waxaa dhib ku ah oo ay la colyihiin ruuxay ka dareemaan inuu wax u tari karo bulshada iyo masuulka madaxa sare noqday, mana ogolaadaan inay usoo gudbiyaan iyagoo u arkaya in ruuxaasi halis gelin karo jagadooda maadaama uu wax ku ool yahay. Waxayna inta badan usoo gudbiyaan inta wax doonka ah ee ay ogyihiin inaanay halis ku ahayn jagadooda.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow dadka noocaas ah ee hoodadada ahi waxaa kaloo ay u been sheegaan qofka jagada sare haya iyagoo sacab iyo caleemo qoyan ku asqeeya, waxayna ka dhaadhiciyaan in bulshadoo dhan doonayso kuna taageersan tahay maamul wanaagiisa. Dadkaasi waxay isugu jiraan xildhibaano, lataliyayaal, wasiiro, xoghayayaal, gudoomiyayaal iyo qaraabo ama ehel, degma iyo tuula kasta waxay ku yeeshaan dad ay wax u tuuraan oo indha sarcaad kaas ay ku hayaan ruuxaas jegada sare haya la fuliya. Waxayna isku dayaan inay caburiyaan, sawaxanka iyo cabshada ka soo yeeraysa bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoo ku shaabadeeya inay yihiin mucaarad wanaagga iyo horumarka diidan, ogoowna shicib diida wanaag iyo horumar inaanu jirin.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, eedaha iyo xumaatada ay soo jiidaan duulkaas hoodado, waxay bulshadu dusha uga tuurtaa ruuxa jagada sare haya, ruuxaasoo laga yaabo inaanu eedaas wax ku lahayn, warna uusan ka hayn foolxumadaas ay maleegeen reer hoodaddo.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, tusaale yar bal aan ku tuso arinta maanta taagan reer hoodado ay kuu qurxinayaan….Qodobka 141aad DHAQANGALKA DASTUURKA

1. Dastuurkan wuxuu si rasmi ah u dhaqangalayaa marka lagu ogolaado afti dadweyne ama, haddii ay duruuftu saamixi weydo, afti laga qaado wakiillo dadweyne oo ka kala socda dhammaan Golayaasha deegaanada dalka iyo Bulshada Rayidka oo shirweyne dastuuri ah ku ansaxiya.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, waxaa qodobkaa kaaaga muuqanaysa in afti u qaadid dastuur si uu u dhaqan galo loo marayo hal waddo oo ah afti dadwayne, haddii ay suurtogal noqon waydo caqabado jiro awgeed, waxaa dariiqa labaad ah in afti laga qaado wakiilo dadwayne oo ka kala socda bulshada qaybaheeda kala duwan.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, sidaad ogtahay dastuurku maaha jago ama hanti loo dooranayo ciddii jagadaas ama hantidaas hanan lahayd, ee waa xeer la doonayo in bulshadaasi ku xeertanto, afti u qaadistiisuna macnaheedu yahay, dadwaynoow xeerkaan xeer inaga dhaxeeya oo aan ku wada xeertami karno ma yahay. Waxaad garan kartaa inay muhiim tahay in dastuurka lawada gaarsiiyo dhammaan bulshada ku nool gobolada maamulkaas dhistay miyi iyo magaalaba, si ay fursad ugu helaan inay ka dhergaan xeerkaasi wuxuu xeerinayo kadibna afkaartooda ogolaansho iyo diidmo miduun ka dhiibtaan.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, waxaa fiirin kaa mudan in caqabada ka hor iman karta dastuurka in afti dadwayne loo qaado ay tahay, dadwaynaha dawladdaas ama maamulkaas oo aan xor u wada ahayn inay dheehdaan dastuurkaas ka dibna afti u qaadaan sababtuna ay tahay xukuumaddii oo aan wada gaarsiisnayn goboladdii maamulkaas ee dastuurku qorayo. Haddii marka dastuurka oo aan ahayn wax lakala xigsado oo lakala riixdo ay caqabadi ka hortimaado, maxay noqon arinta kala jiid jiidashada, kala xigsashada iyo kala riixashada ku salaysan ee ah nidaamka axsaabta ee isna ubahaan in dhammaan gobolada lagu baahiyo, sida dastuurka Qodobka 3aad firqada 8aad xarafka uu qeexayo(r) Tartanka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, noloshu qofka iyadaa macallin u ah oo hadba caqabadihii ka horyimaada shaqsiga waxay u noqotaa khibrad u korortay, waxaad maanta garanaysaa maalintaad xukunkaas qabatay waxaad damacsanayd wixii kaaga qabsoomay iyo wixii kaaga qabsoomi waayey, waxaad garan kartaa saan qiyaasayo ujeedadaadii hore isebedelada ku yimi iyo meeshay kaga yimaadeen.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, sidaad ogtahay bulshaduna garanayso nidaamka axsaabtu waa wax loo baahan yahay, waxaana la go’aan saday doorashadii ugu horaysay ee 1998 kii in la hirgeliyo, mase suurtoobin. Eedaanna anigu shaqsi ahaan waxaan dusha ka saaraa reer hoodado oo indhasarcaad iyo mashquulin ku hayey madaxdii sare ee soo martay maamulka oo aad adigu ka midtahay…

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, haddaan xukuumadu la wada gaariisnayn dhammaan gobolada dastuurku qorayo, haddaan hubka laga uruurin dhammaan bulshada oo dhan, haddaan tirokoob dhammaan bulshada oo dhan ah la samayn. Nidaamka axsaabtu wuxuu horseedayaa burbur aan laga kaban karin, waxaad ogaataa wax kasta oo wanaag keena hadaan la marin wadada saxa ah dhib xoogbadan buu keenaa.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, reer hoodaddo yaanay sumcadda iyo sharafta kaaga cayaarin oo iska eeg uubada dheer ee ay kuu qodoyaan, ogowna wax kasta oo dhaca waa kugu caasiyayaan oo eeddaas adigay dusha kaa saarayaan, Allah kama dhigee haddii colaad foodda la is diro waxaad ogaataa inaan hal xildhibaan, wasiir , xoghaye iyo la taliya harayaa jirin dhammaan cagahay wax ka dayayaan.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow, anigu waxaan ku oran lahaa nidaamkii lagugu doortay hirgeli sannadkaan, laba arimoodba u yeel… 1. Maadaama dadkii wada hubaysan yahay xukuumaddii gaarsiisnayn goboladii oo dhan, tirakoobi jirin. 2. Shaqsi ahaan qancinta 66daa xildhibaan baa kaaga hawlyar asaasid xisbi maanta oo dhibaalkiisa aan la koobi karin. Hadaad ku guulaysato doorashadaas, shaqada ugu horaysa ka dhig sidii lagu hanan lahaa nidaamka axsaabta markaas ayaad waqti fiican oo aan muran lahayn u heli kartaa….

Waxaan kuu hubaa hadaad ku dhawaaqdo in doorasho dhacayso Jan 2013 inaay dhammaan bulshada puntland soo dhowaynayso sumcadaada iyo sharaftaaduna kor u qaadmayso.

Cabdiraxman Sh Maxammed Maxamudoow reer hoodadu hoggay kuu qodoyaan iyo sumcad xumadayeey kula damacsan yihiin ha u ogolaan raac meesha wanaagga iyo sumcadda kuu ah oo ah kala badbaadinta shicibkaas aad madaxda u tahay una horsed meesha samahooda iyo nabadgalyadoodu ku jirto haddii Allah swtc idmo.

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com

Related Items


Leave a comment