KU. DAWLADDA FEDERAAL SOOMAALIYA RUGTEEDA
OG. MAAMULKA DALKA KA JIRA RUGTOODA
OG. GOBOLADA DALKA OO IDIL RUGTOODA
UJEEDDO: TALO BIXIN
Walaalayaal, Acw,
Waxaa inagu wada cusub nidaamka Federaalka, waxaana aan dareemay markii aan arkay sida ay u dhaqmaayaan Dawlad Goboleedyada hadda jira, iyo dareenka ay ka qabaan dad aan kala sheekaystay, iyo sida ay dawladda dhexe ooga caga jiidayso, ayaan waxaan dareemay in loo baahan yahay in Talo Aqooneed iyo Garasho laga baxsho.
Marka hore, waxaa loo baahan yahay in la fahmo maxaa loo dalbaday Maamul Federaal ah, iyo in la iswaydiiyo goormaa ugu horraysay oo la dalbaday, waa marka soomaaliya laga hadlayo, waxaa kalifay Federaal dagaalkii sokeeye, ka hor ummadda waxba ma kala lahayn, qof walba oo Soomaali ah wuxuu soo helo Xamar ayuu la imaan jiray illaa ay Caasimaddii dhisantay , waxaana qof walba u haystay in ay meel qaran tahay oo aysan cidna gooni u sheegan Karin, balse wixii dhacay illaa haatanna taagan waa la wada ogyahay loona wada jeedaa.
Arintaasi waxay keentay in qof walba meesha ay dadkiisa u badan yihiin uu dego waxna ka samaysto, go’aanka dadku qaateen waxay sababtay in shirkii Carta ee Jabuuti Soomaalidii isugu timid ay xal soomaaliyeed u arkeen in Dawlad Federaal ah la dhiso. Waxaa mar labaad lagu go’aansaday shirkii Kenya , ee lagu soo dhisay Dawladdii Kumeel gaarka ahayd, in la qaato Maamul Federaal ah. Ugu dambayntii Dastuurkii la ansixiyay waxaa lagu qeexay in ay Dawladda Soomaaliyeed tahay Federaal.
Intaas oo xilli iyo dad kala duwan waxay soo jeediyeen qofkii ama ciddii diidan waxay u muuqanaysaa mid/qof diidan in ay Soomaali isu soo noqoto. Balse, su’aashu waxay tahay, muxuu yahay nooca Federaalka ee la qaatay,sideese loo qaatay inuu yahay, waa su’aal da’ wayn. Dad badan, oo qaarkood ay sheegtaan in ay siyaasiyiin ama aqoon-yahan yihiin , waxay qabaan in Federaalka uu ujeedadiisu tahay in qabiil walba meesha uu deggan yahay uu asagu xaq u leeyahay inuu maamulo, dabcan Degaan walba dadkiisa ayaa xaq u leh in ay maamushaan, laakiin taa macnaheeda ma ahan in degaanku uu hal qabiil leeyahay, mana ka jirto Dalka Soomaaliyeed meel reer keliyaa ay deggan yihiin marka laga reebo tuulooyinka ama dhawr degmo oo tiro dhawr ah.
Wax horumar ah oo la taaban karo illaa haatan waxaa sameeyay maamulada ka jira Somaliland iyo Puntland, way ku amaanan yihiin, balse, weli ma gaarin meel maamul ka jiro wixii lahu yiqiin ama laga sugayay, waxaana hortaagan qabiilka la aaminsan yahay oo lagu shaqaynayo, waxaana weli hubaysan maleesiyaadkii qabaa’ilka oo maamuladaas hoos jooga, waxaana ugu wacan kalsooni darrada ay u qabaan maamuladooda ay ayagu doorteen, qabiil aawgiis.
Si Dadka iyo Dalkaba loo badbaadiyo dhibka aan ku jirnana aan ooga baxno, waxaa loo baahan yahay in la ila fiiriyo talooyinkaan soo socdo:
1-In aqoon iswaydaarsi loo furo: wakiilada shacabka Soomaaliyeed, lagana soo qayb geliyo maamulada jira, si deg deg. Kaasoo lagu falanqaynayo nooca Federaalka Dalkeena ku habboon. Haddaan anigu hormarsado ra’yigayga: ”uma habboona Soomaaliya Dawlad Goboleed qabiil keliya ah, hadday taa dhacdo weligeed soomaaliya dagaal qabiil iyo dulmi kama baxayso, taasoo gaarsiin karta in uu wadanku kala go’ go’o. Waxaa ila habboon in Dawlad goboleedada lagu dhiso qaab Deegaan, oo intii israaci karta dhul ahaan la israaciyo, si dawlad goboleed kasta ay u noqoto mid dadkeedu ay yihiin kuwo isku dhafan oo aan la dhahaynin waa reer keliya, taasina waxay ku imaanaysaa, aniga aragtidayda in dalka loo qaybiyo shan dawlad goboleed oo kala ah:
Somaliland : inta hadda uu xuduudkeedu yahay
Puntland : Mudug, Nugaal iyo Bari
Shabeeleland: Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud
Bayland : Bay, Bakool iyo Gedo
Jubaland : Sh/Hoose, J/Dhexe iyo J/Hoose
Banaadir: Xuduudka Federaalka (waa caasimaddii )
2-Ka dib aqoon iswaydaarsiga in ay wakiilada shacabka ay u safraan gobolada dalka:si ay ummadda uga dhaadhiciyaan go’aanada ay qaateen, iyo say lagama maarmaan u tahay, in dalka aan loo qaybin qaab qabiil ee ay ka habboon tahay in dadku isku dhex jiraan si ay uga kala faa’idaystaan xirfadahooda, fikradahooda iyo aqoontooda kala duwan. Taasi waxay suuto gelinaysaa in la illoobo qabyaaladda oo weliba gobol kastaa uu ku mashquulo khayraadka Allaah siiyay siduu ooga faa’idaysan lahaa, waxaana hubaal ah inuu imaanayo tartan iyo inuu Dawlad goboleed kasta uu ku faanto horumarka iyo khayraadka Alle siiyay.
3.Maamulka Fedaraalku:waxaa looga baahan yahay in uu u shaqeeyo si federal ah oo uu ku xisaabtamo inuu Ummadda oo idil u dhaxeeyo iyo Dawlad Goboleedyadaba. Waxaa looga baahan yahay inuu ogaado xaaladda dadka Dawlad Goboleedyada ku hoos nool, taasina waxay ku suura galaysaa in uu wakiilo gaysto.
4.Waxaan maqlayay tan iyo maalintii Dawladdii Kumeel gaarka lagu soo dhisay Kenya illaa manta “waxaa is haysta Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha” illaa haatan. Waa arin la yaab leh, waxaan dareemayaa in aan baahi loo qabin Ra’iisul Wasaare ee dad lagu qancinaayo. Taa waxaa ka daran, Af hayeenka Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha ama Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku dhagan. Waxaan ku talin lahaa in saddexdaa Mudane oo wadanka hogaamiyo ay Dastuurka Dalka u noqdaan oo qof walba uu isku xakameeyo inta loo qoondeeyay ee shaqadiisa ah, taasi waxay noo suura gelinaysaa in horumar deg deg ah la gaaro.
5.“MANJA DHIIQO MIDBA MAR BAA LA SIIBAA” waa maahmaah soomaaliyeed, dadka qaar waxay yiraahdaan “OODI SAY U KALA SARAYSO AYAA LOO KALA QAADAA”, tan iyo intii dawlad baa la dhisay la lahaa laga soo billaabo Tii Carta ee Jabuuti, waxaa la dhawrayay goorta hub ka dhigis lagu samaynayo hubkii lala soo galay Xamar 1991 dii, iyo goorta la suura gelinayo dadkii Xamar ka qaxay 1991 inay guryahooda ku soo laabtaan. Inta arintaas laga war-wareegayo diyaar looma aha in caddaad la sameeyo. Waxaan talo ku dhiibanayaa in dhammaan ciidamada AMISOM la soo geliyo Xamar, guri guri loo baaro oo shacabka hub ka dhigis rasmi ah lagu sameeyo si hagar la’aan ah. Taasi waxay fududaynaysaa in dadkii ka qaxay Xamar ay guryahooda ku soo laabtaan oo ay kalsooni buuxda helaan, iyo sidoo kale, ay dadwaynaha gobolada ay ku kalsoonaadaan Maamulka Fedaraalka ee Xamar, ayna meesha ka baxdo isfaham la’aanta jirta.
6.Waxaa habboon in la fahmo waxa u dhaxeeya Gole Shacab
iyo Gole Wasiiro. Golaha Shacabka waxaa soo doorta Shacabka waxaana lagu
soo doortaa ama lagu soo xushaa qaab Deegaan ama qaab Qabiil, sida kaayaga
haatan waxaa lagu soo xushay qaab Qabiil, saas darteed, wuxuu qabiil walba xaq
u leeyahay in uu ka dhex muuqdo, balse, Golaha Wasiirada waxaa soo xulanayo Ra’iisul
Wasaaraha, hadduusan Ra’iisul Wasaare jirin waxaa soo xulanayo Madaxwaynaha.
Kuu noqdaba, wuxuu soo xulanayaa wasiiro la mabda’ ah oo ay wada shaqayn karaan
si ay u gaaraan hawshii loo xilsaaray. Ma aha in ay ahaadaan wasiiro qabiilo
wakiil ka ah ama gobolo, sababtoo ah waxay u shaqaynayaa waa qaran ee qabiil ma
aha, waxaana xaqiiqa ah “Wasiir qabiil ahaan lagu soo xulay inuusan qaran wax u
qabanaynin”. Arintaan waa in lagu
baraarugaa, dadkana laga dhaadhiciyaa.
F.G.
Arintaan waxaa igu dhaliyay Dal iyo Dad jacayl igu jiro, saas darteed, waxaan codsanayaa in si fiican looga baaraandego ka hor intaan go’aan laab la kac ah oo ku salaysan qabyaalad iyo sad bursi la qaadan. Waxaa laga yaabaa, marka la eego heerka ay joogto qabyaaladda na hayso, in ay dadka qaar kood u qaataan talo bixintaan mid lid ku ah, balse, waxaan anigu arkaa in ay aragtidaan ku salaysan tahay, maslaxadda guud ee Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dib la isugu soo noqon lahaa. Waxaan codsanayaa mar labaad in si dhab ah looga baaran dego.
Mahadsanidiin,
Dr. Idris Maxamed Khalaf
Email: idkhalaf@hotmail.com
Comments
Leave a comment