Qaar ka mid ah wax garad-ka Puntland iyo Jubland oo ku shiray Amesfoort.

Sunday February 17, 2013 - 16:48:45
0 Comments
985
Super Admin
Qaar Ka mid ah Odyaasha ka soo Jeeda Deegaannada Puntland iyo Jubaland ayaa ku kullmay Maggaladda Amesfoort ee dhacda wadan ka Holland Gar'ahaan Gobolka Uttrech. Kullan kaas oo lagga hadlay arrimo dhawr ah ay ka mid yihiin, maamul u samaynta Jubaland,iyo arriamah Ammaan darida ku soo kor dhay deegaan ka Puntland,Qaadista Cuna qabataynta Hubka Soomaaliya

iyo Arrimo kale.

Shirkaan ayaa waxaa soo abaabulay jaaliyada Absame ee ku nool wadan ka Holland,ayada oo diirada lagu saaaray shirkaan arrimaha aan ka soo dhawaajinay.

Ugu horayna waxaa lagu lafa guray arrimaha soo saa'iiday ee ka soo cusboonaaday wadankeena Hooyo.

waxaana la isla qaatay in laga qayb qaato dibu dhiska dalka iyo arrimaha Bulshadda ,isla markaasna aan la ilaawin kaalinta ay ku lee dahay qurba joogto.

Prof,Cumar Shirre oo ka mid ah aqoon yahanadda Soomaaliyeed ee hadda ku sugan wadanka Holland ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii shir ka ka soo qayb galay asaga oo loo doortay xariiriyaha shirka

Eng.Axmed Maxamuud Xandulle oo ah siyaasi rug cadaa ah isla markaana Jagooyin badan uga soo qabtay Soomaaliya ilaa heer wasiir ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin,

1 Hadal haynta Cuna-qabataynta Hubka qaadista.

2. Amaan darida Puntland ay ka wado Al-shabaab.

3 Taagerida Jubaland.

Eng.Xandulle oo hadlayana wuxuu yiri'' waxaad maqasheen in dhawaan hubka laga qaadaayo wadan ka Soomaaliya,waxaadna ogtihiin in aysan jirin Ciidan Qaran oo Soomaaliya oo dhan laga wada keenay,waanu ognahay maantay Ciidanka Soomaaliya in uu u bahan yahay in la isku dhafo say ay u noqdaan Ciidan qaran oo waajibaadkooda Guta,balse haddii hada Cuna qabataynta laga qaado waxaa dhici karta in Hubka la keenaayo uu hal reer gacanta u galaa,ma ahan in aan reer u dan lee yahay laakiin waanu og nahay oo soomaaliya waxaanu ka baranay bur-burki in ina ku filan oo loo bahan yahay in aan ku cimri qaadano,beesha qaadata ayagaa aakhirka kala baxaya oo isku laynaya,waa in aan ka hor tagnaa wax kasta oo aan ka baranay Dawladla'aanta.Sidoo kale wuxuu Eng,Xandulle soo hadal qaday in amaan-ka Puntland wax la qabto isla markaasna la soo dhaweeyo maamul u samaynta Deegannada Jubaland.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dad kii meesha ka hadlay Axmed Dheere, Adan Dubbad iyo Kaamil Xuseen Cidi libaax,dhamaan wax garad kaa ayaa waxay tacsi u diraan Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaah ha u raxmee Shiikh Cabdulqadir Farax Nuur (Gacamay) oo Gacan ka xaq daran ku disho Maggaalo madaxada Puntland ee Garoowe Xili uu ku dhax jiray Cibaadad Alle,waxayna dhaheen Ilahay janatul Firdawso haka waraabiyo,

waxaa sidoo kale tacsi taa li mid ah diraya dhalin yarradda Reer Puntland ee ku nool wadan ka Holland waxaana ka mid ah

1, C/rixmaan Cali Garaase

2,Towfiiq Shire Muuse

3,C/risaaq Siciid Gureeye

4,Xabiib C/qani Shire

5,Daadir Cali Ciise

6,C/qani Diiriye Mulaaq

7,Jaamac Abshir Dirir

8,Daadir Xassan Siciid

9,Mahamud Cabdi Xassan

10,Mahad c/llahi bayle

11,Nuur Cali Ciise

12,Siciid Cabdi Faarax

13,C/rixman Xussen n. Dirir

14,Muxiyadiin qoobey

15,Jibriil Khaliif Xayir

iyo qaar kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin ayaa waxay Tacsi u dirayaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed gar'ahaan reer Puntland iyo waliba ehelkii iyo qarabadii uu ka tagay Shiikh Cabdulqadir Farax Nuur ilahay samir iyo iimaan haka siiyo

Shiikha gacan ka xaq daran baa dishay,waxaan ka codsanayna Dawladda Puntland Gar'ahaan Laameheeda ammaan ka in ay gacan bir ah ku qabtaan dhagar qabayaashii ku soo duulay Dawladda Puntland.

si kastaba ha ahaatee waxaa la isku raacay in fadhigaan fadhiga xigga uu noqdo mid wayn oo lagu taageeraayo maamulka loo samaynaayo Jubaland,Waxaana laga Codsaday dawlada Soomaaliyeed ayadaa dalka masuul ka ah laakin ay garab is taagto dadka maamul-ka samaysanayo ayna ka qaadato kaalinteeda kagga aadan.

W/Q Cabdullaahi Mohameed farax

E-mail Goobjooge@live.com

Related Items


Leave a comment