Talo bixin ku aadan Nidaamka Federaalka ah: By Abdullahi Maxamed Barre.M.Sc

Tuesday February 26, 2013 - 08:26:17
1 Comments
2749
Super Admin
Qormadan waxaan ugu talagalay inaan aragtidayda ka bixiyo Talo bixinta halkaan taaboNidaamka Federaalka. Run ahaantii Nidaamka Federaalka waa nidaam ku cusub Shacabka Soomaaliyeed oo u bahan cilmi baaris qoto dheer, wacyi galin, aqoon isweydaarsi.

Waa Maxay Nidaamka Federaalku?

Waxaan doonaynaa in aan ogaano erayga Federaalku wuxuu yahay iyo meesha uu ka yimid. Run ahaantii erayga “Federaalku waa eray Laatiin ah, wuxuuna Ingiriiska ka soo galay dhinaca Afka Faransiiska. Isticmaalka ereyga “federal” iyo fikradda uu ku xanbaaran yahay, sidii loo isticmaali jiraay iyo sidii uu macnihiisu isku bedelayey ama isku rog-rogay waa sida hoos ku qoran:

1)Waxaa markii hore erayga Federaal loo adeegsan jiray qaab diini ah.
2)Waxa kale oo erayga Federaal loo isticmaalay in uu ahaa “heshiis” u dhexeeya aadamaha iyo Allaah.
3)Markii xigay erayga Federaal waxaa loo bedelay heshiiska ama axdiga ay dadku wada galaan.
4)Markii xigay erayga Federaal waxaa loo bedelay heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay samaysanayaan dowlad dhexe.
5)Erayga Federaal wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaan siyaasadda (Elazar, 1987).

Maxaa keeenay in ay Soomaalidu qaadato Nidaamka Federaalka?.

Arimo dhowr ayaa keentay in Somaalidu qaadato Nidaamka Federaalka, waxaana ka maid:

a)Dowladaha Caalamka oo xil iska saaray xallinta mashaakilka dagaalka sokeeye, oo ku saleeysan hab Qabiil.
b)Qabiilada Soomalida oo kalsooni dheeraad ah u haysa Nidaamka Federalka, si Qabiil kast uu u helo Madax iyo wasiiro u gaar ah qabiilkooda (Lake & Rothchild, 2002).

Waxyeelada Nidaamka Federaalka:

1) Nidaamka Federaalka oo Dadka Soomaliyeed Kalsooni u haynin
2) Nidaamka Federaalka oo ay faa'iido ugu jirto Dowladaha dariska, si danahooda gaarka ah meel mariyaan.

Su’aalaha isweydiinta leh waxay tahay:

1) Nidaamkan Federaalka oo ay Dowladda Soomaalidu qaadatay, ma yahay Nidaam ku haboon Shacabka Soomaaliyeed? gaar ahaan xagga dhaqaalaha, canshuuraha, difaaca, Siyaasadda, Caddaaladda iyo qarannimada Ummada Soomaaliyeed iyo jiritaankeeda danbe.
2)Nidaamka Federaalku Xal ma u yahan xalinta Mashaakilka Soomaalida ?
3)Maxay noqon kartaa dhibaatooyinka khatarta ah ee uu keeni karo Nidaamka Federaalka?
4)Hadii uu hirgali waayo Nidaamka Federaalka, ma laga yaa baa in uu dhaco dagaal sokeeye, oo uu soo labo kacleeyo sidii 1991?
5) Sidee looga hortegi karaa in uu ka dhaco mar labaad dagaal Sokeeye?

Tallo Ku raacid:

Waxaan kugu raacsanahay in in Aqoon isweydaarsi loo furo wakiilada shacabka Soomaliyeed iyo maamul Gobaleedka jira oo dhan,ka dibna wakiilada shacabku ay u gudbiyaan aqoontii iyo fahamkii ay ka koronsadeen Nidaamka Federaalka ay u gudbiyaan Gobolada dalka,oo Ummadda Soomaaliyeed uga dhaahdiciyaan goáanda Nidaamka Federaalka.

Talo Bixin:

Nidaamka Federalka, oo ay qaadatay Dowladda Soomalia,oo ku dhisan Hab Qabiil, ka dibna lagu bedeli doonaa NIDAAM XISBIYO AH, sidee buu ugu bisilyahay Shacabka Soomaaliyeed?

Waxaan jeclahay in aan ku soo qaadan doono, qaab ka mid nidaamka xisbiyada iyo Dowladihii naga horeeyey ee qaatay Nidaanka Federaalka, sida waddanka "USA", gaar ahaan Waddanka "Germany" oo ka kooban dhowr xisbi.

1) Christlich DemokratischeUnion (CDU)
2) Christlich Soziale Union (CSU)
3) Sozialdemokratische ParteiDeutschlands (SPD),
4) Freie Demokratische Partei (FDP)
5) Bündnis 90/Die Grünen enDie Linke.


By: Abdullahi Maxamed Barre.M.Sc.
E-mail: barre15@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment