Yaa dilay Cusmaan ina cafaan A.K.R.N ? Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

Friday March 01, 2013 - 01:43:44
0 Comments
3263
Super Admin

Sanadkii 30aad iyo kii 31aad waxaa ka soo baxay Yeman nin la oran jiray C/llahi ina Saba’, Al-yahuudi hooyadii waxay ahayd islaan madoow, sidaa darteed waxaa lagu naanaysi jiray ina habar madoobe, wuxuuna ahaa yuhuudi muddo dheer ku noolaa Yeman.

Yeman waxay Islaamka ka hor hoos tagi jirtay boqortooyadii Beershiya (Faaris), sidaa darteed C/llaahi ina Saba’ wuxuu wax badan ka bartay qabkii (caqiidadii) dab caabudka (Al-majuusiyah), C/llaahi wuxuu u weel qaaday siduu u oofwareemi lahaa Islaamka iyo Muslimiinta, wuxuu bilaabay in uu isu diyaariyo sidii uu u fulin lahaa hawshaas baaxadda leh.C/llaahi wuxuu bilaabay in uu Islaam nimo muujisto bilawgii hoggaankii (Khalaafadii) Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N, sidoo kale wuxuu bilaabay in uu safarro ku maro dhul badan oo ka mid ah dunida muslika, wuxuu bilaabay in uu faafiyo suntii uu ku bur burin lahaa muslimiinta, ugu horrayn wuxuu tagay Xijaas laakiin wuu ku hungoobay hankiisii ahaa in uu u saldhigo fikradihii sumaysnaa ee uu watay.

C/llaahi ina Saba’ wuxuu u sii gudbay Ciraaq halkaas oo uu u arkay inay tahay meel u nugul fitnada iyo qallooca, gaar ahaan magaalada Basra halkaas oo uu kula kulmay nin la oran jiray Xakiim ina Jabalah, kaas oo ahaa muslim tuug ah oo ku duula soona dhaca dadka Ahlu-kitaabka ah eek u hoos noolaa dawladda muslimka ah (Dimiyiinta), isla markaa wuxuu ahaa Xakiim ina Jablah nin akhlaaq xun taas oo sababtay in Khaliifkii muslimiinta Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N in uu ku xabbiso magaalada Basra gudeheeda oo aan lo ogolaan dhaqdhaqaaq ka baxsan Basra.

C/llaahi ina Saba’ wuxuu bilaabay in uu ku afuufo qabkiisii sumaysnaa ninkaan aafaysan waa ina Jabalah e, taas oo ka soo jeedday Yahuudiyadda iyo Majuusiyadda, taas oo dhashay caqiidada Shiicada, sidaa darted Shiicadu waxay u qaybsameen qaar wada qaatay fikradaha C/llaahi ina Saba’ waana qolada loo yaqaan (Al-sabaiyah), Qaar wax badan ka qaatay iyo qaar yaraystay waxa ay ka qaateen.

C/llaahi ina Saba’ waxaa raacay Xakiim ina Jabalah, sidoo kale waxaa raacay qayb ka mid ah tolkii Xakiim ina Jabalah iyo waliba qaar ka mid ah saaxiibbadii, arimahaas oo dhami waxay ku socdaan qarsoodi oo marnaba kuma uu dhici karin in uu bannaanka soo dhigo.

Intaa kaddib wuxuu u sii gudbay Kuufah, taas oo ahayd meel fitnada iyo kacdoonnada qaayibtay, C/llaahi ina Saba’ wuxuu halkaas ka helay rag fara badan oo ay ka mid ahaayeen Al-ashtar al-nakhaci, waxaa aad u yaab badan ninkaan wuxuu ahaa halgamaa (Mujaahid) ka qayb galay dagaalkii Yarmuuk iyo dagaallo kale oo ka dambeeyay, waxaana taariikhyahanada qaar ay sheegaan in uu ku waayay dagaalkii yarmuuk labadiisa indhood mid, sidoo kale waxay taariikhyahanadu sheegeen in Al-ashtar uu ugu biiray kooxdii sumaysnayd ee uu hormuudka ka ahaa C/llaahi ina Saba’ jaahilnimo ama adduun iyo kursi jacay mid uun, ogowna wali hawshu waxay ku socotaa si qarsoon oo mugdi dhexdiis ah.

Al-ashtar Al-nakhaci wuxuu ahaa nin haybad ku dhex leh xigatadiisii, sidaa darteed wuxuu bilaabay in uu tolkii u sharxo qalloocii uu ka soo alifaystay shiikhiisii yuhuudiga ahaa, waxaa xusid mudan in Al-ashtar ay taariikhyahanadu ku sheegeen in uu ahaa nin ad adag oo ku xadgudba waxa uu diin u arko, wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu xeeldheeraada waxa uu khalad u arko isla markaasna aad u buunbuuniya ilaa uu dardhaafo, waxaa kale oo lagu sheegay kursi jacayl taas oo uu is yiri halkaan ayaa ugu dhow in aad gaartid himaladaada.

C/llaahi ina Saba’ wuxuu u sii baqoolay xagga Masar, halkaas oo uu ogaaday in ayaduna ay tahay munaasib in laga hirgaliyo habowgii uu isu taagay hirgalintiisa, waliba wuxuu ku beegmay xilli saxaabadii A.K.R.N ay ku maqnaayeen Jihaad iyo futuuxaad is daba joog ahaa xilligaas, gaar ahaan waxay ku maqnaayeen Liibiya iyo Soodaan, C/llaahi wuxuu ku nagaaday Masar asagoo ka unkay koox yar ilaa uu u dhaqaaqay fulintii fitnada.

Fikradihii tuuraha lahaa ee ina Saba’ waxaa ugu muhiimsanaa kuwa soo socda.

1. Al-rajcah: waa fikrad ka soo jeedda Majuusiyadda iyo Yahuudiyadda la been abuuray, wuxuuna oran jiray haddii Nabi Ciise C.S.W.S uu soo noqonayo Nabi Muxamedna C.S.W.S waa soo noqonayaa, shiicaduna waaba sii wadday oo waxy tiri Cali ina Abii-daalib A.K.R.N isaguna waa soo noqonayaa.

2. Al-wisaayah: waa fikrad uu isagu dhoobdhoobay oo ah, kun nabi ayaa jiray nabi walbaa wuxuu dardaarmay nabi kale oo ka dambaynaya, sidaa darteed Nabi Muxamed C.S.W.S ma dhici karto in uu dhintay iasagoon cid dardaarmin, xoogaa kaddib wuxuu yiri wuxuu dardaarmay Cali ina Abii-daalib A.K.R.N, waliba wuxuu yiri isaga ayaan arrintaas ka ogaaday, xadiis uu isagu dajiyayna waa sheegay, isla markaas wuxuu amray kooxdiisii in ay duraan oo dacaayadeeyaan umaradii muslimiinta sida saxaabada kala ah C/llaahi ina Abii-sarx, Waliid ina Cuqbah, Saciid ina Caas, iyo C/llaahi ina Caamir Allaha kulligood ka raalli noqdee, dacaayadaha waxaa allifaya ina Saba’, waxaase yaab lahayd in uu ku amray kooxdiisa markay dacaayadaynayaan saxaabada aan kor ku xusay iyo qaar kale oo aanan xusinba in ay ku andacoodaan in ay wadaan wanaag farid iyo xumo reebid (Al-amru bil-macruuf wa nahyu canil-munkar)!!!.

Waa yaabe waxaa raacay C/llaahi ina Saba’ dhawr qolo oo kala jaad ah laakiin ku midaysan qallooc iyo khayrdarro, waxayna kala ahaayeen sidaan.

1. Qolo Islaamnimo muujisatay laakiin qarsatay gaalnimo iyo munaafaqnimo sida C/llaahi ina Saba’ Al-yahuudi.

2. Dad xukun doon ah oo aan indho iyo dhago midna lahayn inay kursi iyo adduun helaan mooyee, kana waayay xil dawladdii Cusmaan A.K.R.N uu hogaaminayay ama ha ahaato akhlaaq xumada qaarkood ama haba ahaato in looga habboonaa xilalkae.

3. Rag ka caraysan in lagu fuliyay xukun (Xad) ama la caraysan niman tolkood ah.

4. Qaar dhoohanayaal ah oo aan Cilmi iyo khibrad lahayn (Dameeri dhaan raacday), waxay u raaceen C/llaahi ina Saba’ waxay run moodeen wanaag faridda iyo xumaan reebidda lagu dagay, ilaa ay Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N. ay dileen.

Intaa kaddib C/llaahi ina Saba’ wuxuu bilaabay in uu dacaayadeeyo Khaliifkii ummadda Cusmaan A.K.R.N, isagoo dacaayadda u kala diray gobollada oo dhan ilaa ay gaartay waaliyadii gobollada fadhiyay, iskaba daa waaliyadee waxaa la soo gaarsiiyay khaliifa laftiisa.

Cusmaan A.K.R.N wuxuu isna diray rag ka daba taga dacaayadaha iyo fitnada meel walba la gaarsiiyay, Muxamed ina Maslamaha A.K.R.N wuxuu u diray Kuufah, Basrana Usaama ina Sayd A.K.R.N, Cammaar ina Yaasirna A.K.R.N waxaa loo igmaday Masar, Shaamna waxaa loo diray C/llaahi ina Cumar A.K.R.N in kastoo aan reer Shaam u dhag jalaqsiin fitnadii yuhuudiga.

Markii arrinku halkaa marayo maxaa dhici doona?, muxuu xaal ku dambayn doonaa?, maxay labadaan qolo isku hayaan?, ma waxaynu oran doonnaa labada qoloba diinta inay hormariyaan bay u dagaallamayaan?, ma waxaynu oranaynaa dadkaan fitnaysan waxaa wax baray saxaabada oo ayagaa dambiga leh?, ma waxaynu leenahay labada qoloba khaladka wax bay ku leeyihiin?, ma waxay kula tahay in la dacaayadeeyo Khaliifka iyo waaliyadiisu ay tahay wanaag far iyo xumaan reeb?.!!!!.

Haddii uu aboorkii maskii, ka ilka waynaaday

Oo aarkii libaax ahaa dawaco, ka ashtakoonaayo

Ari geel haraatiyayna waa, la arkidoonaa.

Akhyaareey waa inoo qormada dambe iyo xaalka labadaan qolo haddii Allaah uu inoo ogolaado.

W/Q Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

Related Items


Leave a comment